Israa'iil oo dib u dhigaysa sii deynta maxaabiista Falastiiniyiinta

Heshiiiska Xabad joojinta Israa'iil iyo Xamaas

Xigashada Sawirka, Reuters

Israa'iil ayaa sheegtay in ay si aan waqtigigeda la qeexin dib u dhigayso sii deynta in ka badan 600 oo maxaabiis falastiiniyiin ah, taas oo ah mid kale oo dib u dhac weyn ku keeni karta geeddi-socodka xabbad joojinta.

Waxay timid ka dib markii lix la haystayaal Israa'iili ah oo ay ku jiraan afar la afduubay intii lagu jiray weerarkii dhimashada badnaa ee Xamaas ee Israa'iil, 7-dii Oktoobar 2023, la sii daayay Sabtidii.

Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in sii deynta maxaabiista Falastiiniyiinta ay hadda dib u dhacayso ilaa laga damaanad qaadayo soo wareejinta la haystayaasha ee Xamaas – iyo la'aanteed waxa uu ugu yeeray xafladaha sharaf-dhimista ah ee ay Xamas qabanayso todobaad kasta.

Waxaa jirta kaliya hal gudbin oo la haystaal ah oo ku jirta marxaladda hore ee xabbad-joojinta, taasoo ay ku jiraan afar ka mid ah la haystayaashi ku dhintay afduubka.

Ma jiraan wax qorshe ah oo ku saabsan sii-deynta la haystayaal kale oo nool, kuwaas oo la filayo in ay dhacaan marxaladda labaad ee xabbad-joojinta.

Dhexdhexaadiyaasha ayaa shaqayn doonta waqti dheeraad si ay heshiiska dib ugu soo celiyaan jidkiisa saxda ah iyo inay ka hortagaan burburka suurtagalka ah ee xabbad-joojinta.

Netanyahu wuxuu Xamaas ku eedeeyay "xadgudubyo soo noqnoqday", oo ay ku jiraan "u adeegsiga shakiga leh ee la haystayaasha qorshayaal daacayad ah"

Bayaankiisu wuxuu yimid ka dib markii afarta la haystayaal ee la afduubay intii lagu guda jiray Bandhigga Muusikada Nova - Tal Shoham, Omer Shem Tov, Eliya Cohen, iyo Omer Wenkert - la sii daayay Sabtidi.

Labada kale ee la haystayaash ah ee la sii daayey, Avera Mengistu iyo Hisham al-Sayed, ayaa muddo sanado ah lagu hayay Qasa - Mr. Mengistu tan iyo 2014 iyo Mr. al-Sayed tan iyo 2015.

Lixdan la haystayaasha Israa'iil ayaa ah kuwii ugu dambeeyey ee la haystayaal nool oo dib loo soo celiyey qaybna ka ah marxalada kowaad ee heshiiska xabad joojinta taasoo la filayo inay dhammaato Sabtida soo socota.

Dhanka kale banaanka xabsiga Ofer ee daanta galbeed, qoysaska iyo asxaabta ayaa sugaya sii daynta maxaabiista Falastiiniyiinta.

Hooyo 80-jir ah oo ku sugan Khan Younis, Qasa, ayaa u sheegtay wakaaladda wararka AFP inaysan "aamini karin" in wiilkeedii uu xor noqon doono kadib 33 sano oo xabsiga ku jiray.

Heshiiiska Xabad joojinta Israa'iil iyo Xamaas

Xigashada Sawirka, Reuters

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Fiidnimadii, Xamaas ayaa ku eedeeyay Isra'iil inay jebisay heshiiska iyada oo dib u dhigaysa sii-deynta.

Ma jirin wax jawaab degdeg ah oo ka timid Xamaas oo ku saabsan bayaanka Netanyahu.

Sida laga soo xigtay mas'uuliyiinta Falastiiniyiinta, 50 ka mid ah maxaabiista la sii dayn lahaa ayaa ku xukunaa xabsi daa'im, 60 ayaa lagu xukumay xabsi dheer, 445 ayaa Israa'iil ay xirtay tan iyo 7-dii Oktoobar.

Waxa jira 62 la haystayaal ah oo la qafaashay 7dii Oktoobar 2023 kuwaas oo ay weli Xamaas haystaan, qiyaastii kala bar ayaa la aaminsan yahay inay nool yihiin. Kuwo kale ayaa la filayaa in la sii daayo marxaladda xabbad-joojinta ee saddexda marxaladood ah ee u dhaxaysa Isra'iil iyo Xamas, taasoo la qorsheeyay inay bilaabato 1-da Maarso.

Xamaas ayaa bilowday sii daynta la haystayaasha, oo ay fududaysay Laanqayrta Cas, si ay ugu beddesho maxaabiista Falastiiniyiinta ka dib markii uu dhaqan galay heshiiskii xabbad joojinta 19kii Janaayo.

Sabtidii, Mr Shoham, 40, iyo Mr Mengistu, 39, ayaa loo gudbiyay Laanqayrta Cas ee Rafah, koonfurta Qasa ka hor inta aan loo gudbin Ciidamada Difaaca Israel (IDF).

Mr Shoham waxa uu booqday qoyska oo ku sugnaa Kibbutz Be'eri bishii Oktoobar 2023-kii markaas oo isaga iyo dad kale, oo ay ku jiraan xaaskiisa iyo laba carruur ah, ay Xamaas qafaasheen. Xubnaha qoyskiisa ee la qabtay ayaa la sii daayay 50 maalmood ka dib.

Heshiiiska Xabad joojinta Israa'iil iyo Xamaas

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoysaska u dabaaldegayay soo celinta lixda nin ayaa ku baaqay in la sii daayo dhammaan la haystayaasha harsan.

"Codsigeena kaliya ayaa ah in aan ka faa'iidaysano daaqadan fursada ah si aan u xaqiijino heshiis...ka celin doona dhammaan la haystayaasha guryahooda," qoyska Mr Shoham ayaa yiri.

La haystayaasha haray waxaa ka mid ah Edan Alexander, oo 21 jir ah askari Israel-Maraykan ah oo la qabtay 7-dii Oktoobar.

Hooyadii, Yael Alexander, oo daawanaysay la haystayaashii Sabtidii la sii daayay, ayaa BBC u sheegtay inay "la yaab" tahay in la sii daayo, laakiin qoyskeeda ay "aad u adag tahay" sugitaanka.

Ku dhawaad 1,200 oo qof - badankoodna rayid ah - ayaa lagu dilay weerarradii Xamas ee 7-dii Oktoobar 2023, iyadoo 251 kalena la geeyey Qasa iyagoo la afduubtay.

Isra'iil ayaa bilowday olole weyn oo milatari ka dhan ah Hamas si ay uga jawaabto, kaasoo la sheegay inay ku dileen ugu yaraan 48,319 oo Falastiiniyiin ah - badankoodna rayid ah- sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas maamusho.