Madaxweynaha Soomaaliya oo faahfaahiyay qaabka Puntland looga caawinayo dagaalka Daacish

Xigashada Sawirka, SNTV
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka warbixiyay howlgallada ciidamada dowladda fedraalka iyo xooggaga deegaanka ay ka wadaan meelo ka mid a dalka.
Madaxwayne Xasan oo maanta khudbad ka jeedinayay furitaanka kalfadhiga baarlamaanka ayaa waxa uu dhanka kale bogaadiyay howlagallada ay ciidamada Puntland ka wadaan buuraleyda Calmiskaad.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in Puntland ay ku garab-taagan yihiin howlagallada ka dhanka ah Daacish ee ay waddo.
"Waxaan garab taagannahay ciidanka dowlad-goboleedka Puntland iyo shacabka Puntland ee sida geesinnimada leh ugu bareeray inay khawaarijta ka xoreeyaan deegaannada iyo meelihii ay soo galeena dib ay uga bixiyaan" ayuu yiri.
Madaxwaynaha ayaa xusay in dowladdiisa ay diyaar u tahay garab istaagga Puntland. "Walaalaheenna dagaalka ay ku jiraan ee xoreynta iyo iska caabbinta argagixisada, dowladda Soomaaliya waajib cad ayaa ka saaran inay garab istaagto waana garab istaagaynaa"
Dowladda ayuu madaxwaynaha sheegay in ay guddi ka shaqeeya garab istaagga Puntland u saari doonto dhawaan.
"Xukuumadda iyo dowladda federaalka guud ahaan waxay magacaabi doontaa mar dhaw guddi u qabailsan sidii loo garab istaai lahaa taakuleyn wixii awoodda saamaxayso loogu garab istaagi lahaa ciidamada iyo shacabkaas halgamaya ee khawaarijta la dagaalamaya," ayuu intaa ku daray.
Madaxwaynaha ayaa shacabka ugu baaqay in Puntland ay ku garab istaagayaan dagaalka ka dhanka ah Daacish.
"Waa dagaal xaq ah, shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo uu joogana ay waajib ku tahay inay garab istaagaan"
Qabashada doorasho qof iyo cod ah

Xigashada Sawirka, TV QARANKA
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Madaxwaynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu mar kale ku celiyay sida ay dowlaDdiisa uga go'an tahay in daLka ay ka qabato doorasho qof iyo cod ah.
Waxaa uu intaa ku daray in la joogo xilligii shacabka loo celin lahaa xuquuqdooda doorashada oo uu sheegay in ay ka maqnayd muddo ka badan 50 sano ah.
"Maanta waxaan joognaa meel kale oo ah in aan dadka soomaaliyeed xuquuqdii ay la'aayeen muddo 56 sano ah inaan u celino oo aan dhhno masuuliyadiini wadaninimo qaata oo doorta qofa aad ku aaminaysaan masuuliyadina" ayuu yir Madaxwayne Xasan.
Waxaa uu intaa ku daray in qabashada doorashada aysan ahayn mid dhaln-teed ah balse ay ka go'an tahay in ay qabtaan.
"DoorashadU waa xaqiiqo way dhacaysaa ilaahey idinkiis," ayuu caRrabka ku adkeeyay madaxwaynaha.
Madaxwayne Xasan sheekh Maxamuud ayaa tusaale u soo qaatay doorashadii ugu dambeysay ee dowladdii rayidka ay qabatay 1969-kii oo uu sheegay in caqabado badan ay hortaagnaayeen haddana la qabtay.
"Doorashadii ugu dambeysay oo dalkan ka dhacda 1969-kii ma jirin diiwaangalinta codbixiyayaasha nidaam casri ah ma jirin dadka inta doorasho rabto ha timaado inta la yiraahdo ayaa warqadda doorashada la siin jiray khad meel taalo gacanta loo marin jiray, meeshaas kama bilaabayno maanta waxaan ka bilaabaynaa hab digital ah oo qofka codeynayo la yaqaano oo tira dadka codeynayo la yaqaanno oo meesha ay ka codeynayan la yaqaano ayaan rabnaa inan ka bilaawno," ayuu intaa ku daray.
Madaxwaynaha ayaa farta ku fiiqay in howsha doorashada kharashka ku baxaya inta badan ay bixisay dowladda Soomaaliya.
"Waxaan rabaa baarlamaanka fedraalka ah inaan u sheego howsha noocaas ah kharashkeeda inta badan dowladda soomaaliya bixisay, malaayiin doollar ayay dowladda bixisay si qalabkaas iyo tiknoolajiyaddaasi loogu soo iibiyo," ayuu yiri.
Dhammeytirka dastuurka

Xigashada Sawirka, TV QARANKA
Madaxwaynaha ayaa sidoo kale khudbaddiisa ku so hadal qaaday arrimaha dhammeystirka dastuurka.
Waxaa uu baarlamaanka ka codsaday in ay kalfadhiyada yar ee u haray ay xoogga saaran dhammeystirka dastuurka.
"Mudanayaal iyo marwooyin dadwaynaha Soomaaliyeed waxay inaga sugayaan in kalfadhigan baarlamaanka ee maanta furmaya uu dhammeystiro cutubyada dhiman ee dastuurka haddii kale shaqadi faraha badnayd ee soo qabanay oo dastuurka ka soo qabanay micno badan ma sameynayso," ayuu yiri.
Madaxwaynaha ayaa muujiyay sida ay lagama maarmaanka u tahay in la helo dastuur dhammeystiran.
Muhiimadda ugu wayn waxay tahay dalku waa in uu dastuur dhammeystiran yeeshaa." Ayuu intaa ku daray.













