Maxaan ka naqaannaa diyaaradaha ay Puntland "ka qabsatay" Daacish ee ay horay ugu isticmaaleen dagaalkii ay al-Shabaab la galeen?

Xigashada Sawirka, PuntlandTV
Ciidamada Puntland ayaa soo bandhigay diyaarado nooca iskood is wada ah, kuwaas oo ay sheegeen inay adeegsanayeen kooxda Daacish ee ay kula dagaallamayaan buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.
Sawirro la sheegay in la soo qaaday furimaha dagaalka ee ciidamada ku sugan yihiin oo baraha bulshada ee telefishinka Puntland la soo dhigay ayaa laga arkayey diyaarado nooca aan duuliyaha lahayn oo xajmi ahaanna aan wayneeyn, kana mid an waxyaabo ay ciidamadu soo bandhigeen.
Qabashada diyaaradahaan oo tiradoodu ay siddeed ahayd ayaa suurta-gashay kadib dagaal culus oo dhex-maray kooxda Daacish iyo ciidanka maamulka Puntland, waxaana sidoo kale ay ciidanka la wareegeen goobo ay kooxda kasoo duuli jirtay, sida uu BBC u xaqiijiyay wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir.
Wasiirka ayaa sheegay in qeyb ka mid ah diyaaradahan ay yaalleen meelihii ay ciidamadu kala wareegeen oo ah deegaanno ka tirsan Balli-Dhidin.
Haddaba maxaan ka naqaannaa diyaaradahan aan duuliyaha lahayn?

Xigashada Sawirka, PuntlandTV
Diyaaradahan ayaa isugu jira kuwa wax basaasa iyo kuwo ay qaraxyo ku rakiban yihiin una diyaara inay is qarxiyaan, kuwaas oo la sheegay inay lahaayeen kooxda Daacish.
"Kooxdani waxay caan ku tahay inay adeegsato qaraxyada loo isticmaalo Drons-ka iyo kuwa dhulka lagu aaso oo rimuutka laga hago, kooxda Daacishna waa kooxdii ugu horreysay Soomaaliya aad ugu adeegsatay oo 2023 waxay adeegsadeen dagaalkii ay la galeen kooxda al-Shabaab ee ka dhacay buuraha Calmiskaad waxayna taasi u sahashay inay al-Shabaab ka qabsadaan oo ka saaraan fariisimahoodii buurahaas", ayuu yiri Janaraal Cabdi Xasan Xuseen, oo Puntland ka soo qabtay xilalka taliyaha booliska iyo sirdoonka.
"Inta badan Drones-kan waxay isugu jiraan kuwa markii hore loogu talagalay in sawirrada iyo muuqaalada lagu qaato laakiin waa ay mudiifikeeyeen, qaraxyo ayay ku xiraan, gumucyada RBJ ayay ku xiraan si ay qaraxyo u sameeyaan waana u jeednay hadda kaamirooyinka laga qabtay qaarkood inay yihiin kuwa araga habeenkii leh waana hubka ugu hormarsan ee ay hadda kooxda isticmaalayaan inkastoo ciidamada ay hadda dedaal badan ugu jiraan inay ka hortgaan ayna ku guuleysteen oo kuwa badan ayay soo rideen amaba ay soo qabteen," ayuu yiri sidoo kale Janaraal Cabdi Xasan.
Sidee ayay Daacishta ku sugan buuraha ku helaan diyaaradaha Drones-ka?
Janaraal Cabdi Xuseen ayaa sheegay inay ku helaan sida agabka kale ay ku helaan.
Nimankani waxay ila tahay Gacankan Cadmeed iyo baddan baa ku furan oo Yemen ayay gacan-saar la leeyihiin iyo meelo tira badan oo sida hubka uu Soomaaliya u soo galo oo si sharci darro ah ayuu ku soo galaa oo kooxaha kale ayaa u soo dira.
Waxa uu sheegay in waddanka uu yahay waddan xudduudihiisu furan yihiin oo ma ahan waddan xaduudihiisa koontaroolan yihiin.

Xigashada Sawirka, FACEBOOK/CABDIYARE
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Marka horeba waxaa qeyb badan oo ka mid ah loo adeegsadaa in si ganacsi ah ama si shakhsi ah baa loo soo iibsadaa ka dibna tignoolajiyaddii hadda waa la fahmay oo wax ka badal baa lagu sameeyaa oo si qalloocan baa loo adeegsadaa marka meelahaas ayay ka helaan. Runtii nimankan farsamo yaqaanana waa ay haystaan maaddaamaa nimanka ajaanib u badan yihiin carab ah oo ka soo dagaallamay meelo kala duwan sida Afghansitan, Ciraaq, Suuriya, Yemen ilaa Liibiya marka waa dad farsamo ahaan diyaarsan oo khuburo ah, haddii ay aaladdii helaan u fududahay inay isticmaalaan," ayuu yiri Janaraal Cabdiyare.
Sida ay baahiyeen Crisis Group, kooxdan ayaan iska caabbisay dagaallo muddooyinkii u danbeeyey kaga iman jiray kooxda al-Shabaab oo ay is hayeen, taas oo keentay in ay heleen jaanis ay ku bullaalaan gudaha deegaannada Puntland.
Halkaas oo loo arko in kooxda ISIS oo ku soo jabtay dagaalkii caalamiga ahaa ay mar kale deegaannadan u aragto goob ay ka soo laba kaclayn karto.
Qoraal ay hore u baahisay International Crisis Group ayaa ku doodayey in dagaal lala galo kooxdan uusan cidhib tiri karin hadda, balse uu wiiqi karo, waase haddii ay iska kaashaadaan Puntland iyo Dawladda Federaalka oo taageero caalami ahna helaya.
Gobolka Bari waxaa haatan si xowli ah uga socda howl-galka Hilaac ee ciribtirka kooxda argagixisada ee Daacish oo ku dhuumalaysata buuralleyda fog ee Calmiskaad.
Maalintii shalay ayey aheyd markii halkaas lagu khaarajiyay in ka badan 20 dagaal-yahan oo ka tirsan Daacish, kuwaas oo ay ku jireen 4 ajaanib ah sida uu sheegay taliska howl-galka ee Puntland.
Dagaallada u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo maleeshiyada Daacish ayaa dib u laba kacleeyey laba toddobaad kahor markii ay Puntland shaacisay in ay weerari doonto kooxaha argigixisada ah.
Balse kadib kooxda Daacish ayaa weerar toos ah oo isugu jira qaraxyo iyo dagaal ku soo qaaday qayb kamid ah ciidamadii ku sugnaa buuraha deegaanka Dharjaale.













