Intee bay le'eg tahay fursadda ciidamada Puntland kaga guuleysan karaan Daacish dhulka buuraleyda ah

Ciidanka Puntland

Xigashada Sawirka, Radio Dalsan

Qoraalka sawirka, Ciidanka Puntland

Puntland ayaa sheegtay inay dishay ku dhowaad labaatan dagaallame oo ka tirsan dagaalamayaasha kooxda Daacish, kadib markii uu dib u qarxay dagaal ciidamada Puntland iyo kooxdaas ku dhex maray aagga buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Dhanka ciidamada Puntland-na, waxaa lagu soo warramayaa in laga dilay ilaa afar askari, kuwa kalena uu dhaawac soo gaadhay.

Dagaalkan ayaa imaanaya saacado uun kadib markii ay Puntland BBC-da u sheegtay inay kooxda Daacish kala wareegeen fadhiisimo ay ku lahaayeen aagga buurahaas.

"Taliska Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland waxa ay dileen ciidamadu maleeshiyaad ka mid ah Daacish oo ay ku jiraan xubno ajaanib ah, ayna la wareegeen afar saldhig oo ay lahaayeen" ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed ka soo baxay Maamulka Puntland oo ay ku baahiyeen warbaahinta dawladda.

In muddo ahba, Puntland ayaa isu diyaarinaysay dagaal ay la gasho kooxdan iyada oo dhawaan ay ahayd markii ay ku dhawaaqeen hawlgalka dagaalkan.

Dagaalkan ayaana loo arkaa mid muujinaya heerka ay gaadhsiisan tahay fiditaanka kooxda ISIS ee Soomaaliya, si gaar ah deegaannada Puntland.

Falanqeeye Axmed Cabdullaahi Kaboole oo amniga falanqeeya ayaa ku doodayaa in ajnabiga laga soo sheegayo dagaalkaas ay muujinayaan in dagaalkani caalami yahay.

"Dagaalka ka socda buuralayda calmiskaad waxa u tusaale u yahay halista sii kordhaysa ee ISIS ee Soomaaliya, waxaadna mooddaa in kooxdan ay helayaan dagaalyahanno ajnabi ah marba marka ka danbaysa, kuwaas oo ka kala yimid bariga dhexe, bariga afrika iyo waqooyi afrikaba. Buurahanina waxa ay ay yihiin Meesha ay ugu xooggan yihiin" ayuu yiri Axmed Cabdullaahi Kaboole oo ka faalooda arrimaha amniga.

Falanqeeyayaasha ayaana ku doodaya in deegaanka lagula dagaallamayaa kooxdaas uu yahay mid adag oo aan si fudud lagaga guulaysan karin.

"Dhulka buuralaydu waxa ay ka dhigan tahay in ay difaac dabiici ah ay heli karaan taas oo ciidanka Puntland ku adkaynaysa in ay si fudud uga adkaadaan" ayuu qabaa falanqeeye Kaboole.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sida ay baahiyeen Crisis Group, kooxdan ayaan iska caabbisay dagaallo muddooyinkii u danbeeyey kaga iman jiray kooxda Alshabaab oo ay is hayeen, taas oo keentay in ay heleen jaanis ay ku bullaalaan gudaha deegaammada Puntland.

Halkaas oo loo arko in kooxda ISIS oo ku soo jabtay dagaalkii caalamiga ahaa ay mar kale deegaannadan u aragto goob ay ka soo laba kaclayn karto.

Qoraal ay hore u baahisay International Crisis Group ayaa ku doodayey in dagaal lala galo kooxdan uusan cidhib tiri karin hadda, balse uu wiiqi karo, waase haddii ay iska kaashaadaan Puntland iyo Dawladda Federaalka oo taageero caalami ahna helaya.

Kooxdan isku magacawday Dawladda Islaamka ayaa dhammaadkii bishii ina dhaftay weerar ku ekeeyey ciidammada Puntland ee hadda hawlgalka ku jira, kuwaas oo khasaare uu soo gaadhay, halka iyaguna ay sheegeen in ay dhammaan kooxda weerarka ku soo qaadday ay laayeen, kuwaas oo ay ku jireen dagaallamayaal ajaanib ah.

Hoggaamiyaha Kooxdan ee Soomaaliya ayaa muujinaya heerka ay gaadhsiisan yihiin, kuwaas oo hore u ahaan jiray koox aan saamayn badan lahayn, xilli hadda la soo werinayo in Cabdiqaadir Muumin oo kooxdan u sarreeyaa uu xubin maamul oo sare uu ka yahay ISIS-ta caalamiga ah, heer gaadhsiisan in uu yahayba hoggaanka ugu sarreeya kooxdan ee adduunka oo dhan, sida marar kala duwan warbaahinta reer galbeedku ku qeexeen, kuwaas oo xog ka helayey saraakiil Maraykanka ah.

Maxaa laga ogyahay hogaamiyaha Daacish ee Soomaaliya Cabdiqaadir Muumin oo mar la sheegay in la beegsaday'?

Muumin

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sida laga soo xigtay taliska ciidamada Maraykanka ee Africom, duqeymo dhanka cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyay Soomaaliya dabayaaqadii bishii May ee sanadkii 2024-ka ayaa lala beegsaday hoggaamiyaha garabka Soomaaliya ee ururka Daacish.

Ma cadda in lagu dilay duqeyntaas iyo in kale, sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah oo u warramay warbaahinta.

War qoraal ah oo 31-kii bishii May ay soo sareen howlgalka Maraykanka ee Afrika ee loo yaqaano AFRICOM, ayey ku sheegeen in duqayn ay ku bartilmameedsadeen Daacishta ku sugan buuraha Cal-Bari.

Warkaas ayaa lagu yiri: "Innagoo kaashanaya dowladda Federaalka Soomaaliya, Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa Soomaaliya ka fuliyay weerar cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday maleeshiyada Daacish,"

Duqeynta ayaa ka dhacday deegaan fog oo ku dhow aagga Dhaardaar oo qiyaastii 81 KM dhanka Koonfur Bari kaga beegan magaalada Boosaaso ee dalka Soomaaliya.

Qiimayn hordhaca ah oo markaa la sameeyay ayaa lagu sheegay in saddex ka tirsan Daacish lagu dilay duqeyntaas, iyadoo aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka ah sida ay bayaankooda ku sheegeen AFRICOM.