Gabadhii dhaliili jirtay madaxweynaha Tanzania ee Kenya lagu afduubay oo la sii daayey

Xigashada Sawirka, X/Amnesty International
Haweeney caan ah oo xuquuqda aadanaha u doodda, una dhalatay dalka Tanzania, Maria Sarungi Tsehai oo rag hubeysan ay ku afduubteen dalka Kenya ayaa sheegtay in la sii daayay, saacado ka dib dhacdadaas.
Afhayeenka hay'adda Amnesty International Kenya Roland Ebole ayaa BBC u sheegay in haweeneydan si xoog ah loogu riday gaari xilli ay shalay galab ku sugnayd Nairobi.
Balse Ms Tsehai ayaa la sii daayay saacado kadib. Waxay taageerayaasheeda 1.3 milyanka ah ee ku xiran barteeda X la soo wadaagtay muuqaal, iyadoo jareyneysa oo murugeysan, balse waxay sheegtay in la soo badbaadiyay.
Ms Tsehai ayaa dhaliil u jeedisa madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Hassan, waxayna dowladdeeda ku eedeysay inay dalka dib ugu celisay keli talisnimo.
Madaxweynaha Ururka sharci yaqaannada ee kenya Faith Odhiambo, ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda X ku sheegtay inay ku guuleysteen sii deynteeda.
Shir jaraa'id oo ay qabatay ayay sidoo kale ku dirtay digniin, iyadoo sheegtay inaysan oggolaan doonin in dalka loo adeegsado meel lagu afduubto shakhsiyaadka.
Midna saraakiisha Kenya iyo kuwa Tanzania kama hadlin arrintan.
Maria iyo saygeeda David ayaa afar sano ka hor magangelyo ahaan ugu soo guuray dalka Kenya.

Xigashada Sawirka, X
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ms Tsehai ayaa aad ugu doodda xuquuqda dhulka iyo xorriyadda hadalka ee gudaha Tanzania.
Waxaa jiray walaac ah in Tanzania ay dib ugu laaban karto xukunkii adkaa ee madaxweynihii geeriyooday John Magufuli, inkastoo haweeneyda xilka kala wareegtay ee Samia ay xanibaadda ka qaadeyso isu imaatinnada mucaaradka ayna ballan qaadeyso so celinta siyaasadaha lagu tartamo.
Sanadkii la soo dhaafay, dhowr mucaaradka ka tirsan ayaa la xiray, qaarkoodna si fool-xun ayaa loo dilay. Hoggaamiye sare oo mucaarad ahaa ayaa geriyooday ka dib markii aashito lagu shubay.
Hay'adda Human Rights Watch ayaa kororka xirxiridda mucaaradka ku tilmaantay calaamad aan fiicneyn xilli ay soo dhow dahay doorashada madaxtinnimo ee sanadkan 2025, taasoo dhici doonta bisha Oktoobar.
Change Tanzania, oo ah dhaqdhaqa ay aasaastay Ms Tsehai, ayaa qoraal barta X uu soo dhigay ku sheegay inay aaminsan yihiin inay haweeneydaasi kaxaysteen saraakiisha amniga Tanzania oo ka howlgala meelaha ka baxsan xuduuddaha Tanzania si ay u aamusiiyaan kuwa dowladda ka soo horjeeda.
Bilihii la soo dhaafay, waxay walaac ka muujisay ammaankeeda, iyadoo ka sheekeysay dhacdo ay labo nin iyada uga baadigoobayeen gurigeeda xilli ay ka maqneyd.
Kenya ayaa lagu yaqaan inay dowladaha shisheeye u suurtogeliso inay afduubtaan muwaadiniintooda ayna musaafurin qasab ah ka fuliyaan, taasoo jebineysa sharciga caalamiga ah.
Sanadkii lasoo dhaafay, hoggaamiyaha mucaaradka Uganda, Kizza Besigye, ayay saraakiil Ugandhees ah ka afduubteen Nairobi waxaana laga tallaabiyay xadka si maxkamad loo saaro.
Dowladda Uganda ayaa sheegtay in Kenya ay ka caawisay howlgalka – balse dowladda Kenya ayaa arrintaas beenisay.
Kenya dhexdeedana, waxaa ka dhacay kiisas dad lagu waayay, ka dib dibadbaxyadii sanadkii hore ee ay dhallinyaradu hor kacayeen loogana soo horjeeday canshuuro-kordhinta la qorsheeyay.
Koox u doodda xuquuqda aadanaha oo dowladda ay maalgeliso ayaa sheegtay in ilaa 80 qof la afduubtay lixdii bilood ee la soo dhaafay.
Qaar yar ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay la sii daayay, waxaana isa soo tarayay baaqyo ah in dhammaan dadka la afduubtay la sii daayo.













