Maxaa ku dhacay nin gubay sawirka haweeneyda hugaamisa Tanzania Samia Suluhu?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Farshaxaniiste reer Tansaaniya ah oo lagu eedeeyay inuu gubay sawirka Madaxweyne Samia Suluhu Xassan, ayaa lagu xukumay laba sano oo xarig ah ama ganaax lacageed oo dhan $2,000 oo doolar ka dib markii lagu helay dambiyo dhanka internetka ah.
Shadrack Chaula ayaa la xiray ka dib markii lagu eedeeyay inuu duubay muuqaal baraha bulshada ku faafay, oo muujinaya isaga oo gubaya sawirka madaxweyne Samia xilli uu sidoo kalana aflagaadeeyay.
Farshahaxniistahan 24-sano jir ah ayaa qirtay inuu galay dambiga wuxuuna ku guul dareystay inuu maxkamada horteeda ka diifaaco dambiga uu geystay.
Xarigiisa ayaa dhaliyay muran dhanka sharciga ah, iyadoo qaar ka mid ah qareenada ay sheegeen inuusan jirin wax sharci ah aan la jabinin marka loo gubidda sawirka madaxweyne Saamiya Suluhu.
Qaar ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa bilaabay olole dhanka internetka ah si ay lacag ugu ururiyaan oo ay uga bixiyaan lacagta ganaaxa ah ee Chaula lagu xukumay si xabsiga looga sii daayo.
Sannadkii 2018-kii, Tansaaniya waxay soo saartay sharciyo adag oo ka dhan ah faafinta "wararka been abuur ah", kuwaas oo dadka dhaleeceeya u arkaan hab lagu xakameynayo xorriyadda hadalka.
Booliisku waxay sheegeen in Chaula uu "ereyo adag" u adeegsaday madaxweynaha muuqaalkii uu soo dhigay akoonkiisa TikTok 30-kii Juun isagoo ku sugan tuulada Ntokela, ee ku taal koonfurta-galbeed ee magaalada Mbeya.

Xigashada Sawirka, MWANANCHI
Taliyaha booliska deegaankaas Benjamin Kuzaga ayaa Talaadadii u sheegay saxafiyiinta in dambiyada farshaxaniistaha ay ka mid yihiin in uu gubay sawirka madaxweynaha iyo in uu internetka ku faafiyay waxyaabo xunxun.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Ma ahan dhaqanka dadka Mbeya inay aflagaadeeyaan madaxdeena qaranka," ayuu yiri Mr Kuzaga.
Dhanka kale qareenada qaar ayaa sheegay in uusan jirin sharci dhigaya in la ciqaabo qofka gubo sawirka madaxweynaha.
“Sawirka ma waxaa qaaday sawir qaade dowladeed? Meel fagaare ah ha u soo baxaan oo ha sharaxaan saamaynta iyo muhiimadda ay sawirradan ku leeyihiin bulshada iyo qaranka. Yaa itusi kara sharciga dhigaya in sawir la gubay uu dembi yahay? Qareen Philip Mwakilima ayaa sidaas u sheegay wargeyska Mwananchi.
Balse falkan oo Tanzaaniya looga aqoonsaday mid ka baxsan anshaxa, ayaa dhaliyay caro dadweyne.
Khamiistii, garsooraha maxkamada Shamla Shehagilo ayaa Chaula ku heshay danbi ah in uu bartiisa TikTok ka qaybiyay muuqaalo ay ku jiraan macluumaad been abuur ah oo xadgudub ku ah shuruucda internetka ee dalka.
Maxkamaddu waxay xukuntay in falka uu geystay uu isugu jiro xad-gudub dhanka internetka ah iyo kicin taas oo lid ku ah sharciga dalka Tansaaniya.
Chaula ayaa aamusay markii la siiyay fursad uu iskaga difaaco eedeymaha, sida ay soo tabisay warbaahinta gudaha ee dalkaas.
Xeer Ilaaliyaha ayaa ka codsaday maxkamada inay eedeysanaya lagu xukumo ciqaab adag si dadka kale ay tusaale ugu noqoto oo ay u ilaaliyaan una "ixtiraamaan" madaxweynaha.
Kiiskan ayaa dood ka dhaliyay dalkaasi iyadoo dadka dhaliila ay sheegeen in xukunka lagu riday farashaxaniiste Chaula uu yahay mid aad u adag isla markaana uu muujinayo sida ay dowladdu u caburineyso mucaaradka.
Madaxweyne Saamiya oo talada dalka qabtay 2021-kii, waxa ay la timid isbedelo furfuray goobaha siyaasadda iyo bulshada.
Balse mucaaradka iyo kooxaha xuquuqul insaanka ayaa walaac ka muujiyay in dalku uu dib ugu laabanayo siyaasadaha dib u dhaca ah.













