Wakhtiga saxda ah ee ay dhacayso doorashada Jubbaland oo la shaaciyey maxaase ka horreeya

Jubaland

Xigashada Sawirka, Jubaland/Facebook

Baarlamanka Jubaland ayaa dhawaan u codeeyay wax ka beddelka qodobbo ka mid ah dastuurka, waxaana soo baxayay hubanti la'aan ku aaddan xilliga ay qabsoomeyso doorashada madxatinnimada maamul-goboleedkaas.

Waxaa taagan muran ka dhashay wax ka badelka baarlamaanka ee qodobada kamidka ah dastuurka maamulkaas, xildhibaanadu waxay arrintaa u cuskadeen in ay meesha ka saarayeen qodobbo caqabad ku ahaa dastuurka iyo horumarka, mucaaradkuna waxaa ay leeyihiin waa tallaabo khaldan oo aaney fileynin, waxaana ay sal uga dhigayaan dooddooda in wakhtigii baarlamaanku uu dhamaad yahay.

Wax ka beddelka dastuurka ayay mucaaradka Jubaland kasoo horjeesteen, iyagoo walaac ka qaba inay taas horseedeyso muddo kororsi.

Siyaasiyiinta maamul-goboleedkaas oo qaar ka mid ah ay yihiin musharraxiinta madaxtinnimada ayaa dalbanayay in la shaaciyo xilliga rasmiga ah ee ay doorashadu dhacayso.

Maamulka Jubalnd markii hore si rasmi ah uma shaacin xilliga ay dhacayso doorashada waxana walaaca ugu badan uu yahay in hubanti la’aan siyaasadeed iyo qabsoomidda doorashada ay jahwareer hor leh dhalisay.

Wasiir ku xigeen wasaaradda caddaaladda iyo Dastuurka Jubaland Bishaar Aadan oo ka qeyb galayay barnaamijka Doodda Jimcaha ee BBC-da ayaa dhowr mar la weydiiyay xilliga saxda ah ee uu maamulku qorsheynayo in ay doorashadu dhacdo.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn sheegay in bisha Nofembar ee nagu soo aaddan ay dhici doonto doorashada guud ee maamulka, isaga oo yiri, “wakhti ay doorasho dhacayso wasiir ma sheego ee guddi doorasho ayaa sheega, taana qorsheheedu wuu socdaa madaxweyneheyga ayaa saxiixay in ay November doorasho dhacayso sidaas ayuuna qorshuhu yahay”.

Mucaaradka ayaa dood ka qaba in muddo-xileedka baarlamaanka Jubaland oo sanad loogu daray uu ku eg yahay bisha Agoosto. Waxayna walaac ka qabaan in doorashada ay ku dhici karto waqtigaas, maaddaama sida ay sheegayaan aysan waxba diyaarsaneyn.

Cabdiweli Qaasim Gabow oo ah guddoomiyaha midowga Musharxiinta Mucaardka ah ee Jubbaland ayaa sheegay in dowladda iyo baarlamankuba aysan heysan wakhti ay ku qabtaan howlaha horyaalla marka loo eego muddo xileedka.

Jubaland

Xigashada Sawirka, Social

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

“Haddiiba doorashadu ay dhacayso Agoosto oo ah wakhtigii doorasho dhici lahayd maanta waxa ay ahayd in uu baarlamaankii cusbaa fadhiyo, haddana waxaa muuqata in aysan howlba socon oo xitaa guddi doorasho aan la magacaabin waxaana muuqata in laga shaqeynayo habkii lagu soo celin lahaa Axned Maxamed Islaam,” ayuu yiri musharrax ahna guddoomiye Cabdiwali Qaasim Gaabow.

Dood adag ayey sidoo kale mas’uuliyiinta mucaaradku ka keeneen in takrifal uu jiro balse waxaa is weydiin mudan waxa sharciyan laga yeeli karo.

Abuukaate Zakariye Yuusuf oo ka faallooda arrimaha sharciga oo qayb ka ahaa martida barnaamijka ayaa yiri, “dowladda Jubbaland ayaa laga rabaa in ay wax kala caddeyso haddii dastuur beddel uu jiro iyo haddi qabasho doorasho iyo wakhti cad in ay tahay laakiin wixii wax kabadal ah mar waliba waa ansax sharciyan haddii baarlamaan wakhti heysta uu isbedel sameeyo”.

Waxa uu sidoo kale sharraaxad ka bixiyay in mucaaradku ay xaq u leeyihiin in lagala tashado wax-kabadalka dastuurka isaga oo yiri, “Meel ay xaq ugu leeyihiin iyo meel ay ku qoran tahay ma jirto waayo wax waliba dowladda ayaa ku shaqo leh oo is beddel sameyn karta”.

Abuukaate Zakariye Yuusuf oo ka jawaabayay sida ay macquul ku tahay wax ka beddelka dasturka iyo xilliyada loo baahan yahay in is beddel uu yimaado ayaa yiri, “Dastuur wax ka beddelkiisa hab loo maro ayaa jira ma aha in nin walba uu siduu doono u beddelo ama baarlamaan kasta ee yimaada uu iska beddesho waa in sharciyad adag uu yeeshaa laakiin sida hadda uu yahay oo baarlamaanku ay ku shaqo leeyihiin dabcan qodobada qaar wax wey ka bedeli karaan”.

Bisha November oo ugu dambeyn la qorsheynayo in ay doorashadu dhacdo sida uu wasiir ku xigeenka wasaaradda caddaaladda iyo Dastuurka Jubbaland Bishaar Aadan BBC-da u sheegay ayaa waxa ka dhiman in kabadan afar bilood iyada oo howlaha horyaalla maamulku ay yihiin kuwo badan marka loo eego doorashada guud iyo diyaarinta guddiga doorashadaba.