Mucaaradka Jubbaland talaabo nuucee ah ayay qaadayaan kadib qodobadii dastuurka ee maanta wax laga badalay?

Baarlamaanka iyo Raae

Xigashada Sawirka, JLTV

Kalfadhi ay maanta yeesheen baarlamaanka Jubbaland ayay ku sheegeen in ay wax ka badal ku sameeyeen laba qodob oo ka mid ah dastuurka Jubbaland.

Qodobka 26 aad ee dastuurka oo ay sheegeen baarlamaanku in ay ka dhigeen mid ogolaanaya in xubnaha baarlamaanku ay golaha wasiirada ku biiri karaan, iyo qodobka 70 aad oo ay meesha ka saareen kaas oo xanibayay inta jeer ee madaxweynaha dawlad goboleedka la soo doran karo oo ay meesha ka saareen, ayaa ah kuwa isbadalka ugu wayni ku dhacay, sida xubin ka mid ah baarlamaanka u sheegay BBC da.

Balse qodobka hadalhaynta dhaliyay ayaa ah kan 70 aad ee ay meesha ka saareen baarlamaanku.

“Qodobkii 70 aad ee dabarka ahaa ee madaxweynaha Jubbaland wuxuu xilka hayn karaa laba kal, isagana waa la furay. Qodobka 65 aad ayaa loo soo raray asaga meesha ayaa laga saaray,” ayuu BBC da u sheegay gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Jubbaland Cabdi Xuseyn.

Gudoomiyaha ayaa ku sii adkeeyay hadalkiisa in madaxwaynuhu uu haatan wixii ka dambeeya isku soo sharrixi karo madaxtinimada “inta uu doono”.

Balse waxaan warkaan qanaaco ka muujin qaar ka mid ah mucaaradka xukuumadda haatan talada haysa ee Jubbaland ee hugaamiyo madaxweyne Axmed Madoobe.

Mucaaradku sidee u arkaa ‘dabarka’ ay fureen baarlamaanku?

Cabdi Raage

Xigashada Sawirka, Social Media

Cabdi Cali Raage oo horay la taliye sare horay ugu soo noqday madaxweyne Madoobe, balse markii dambe kamid noqday mucaaradkiisa ugu adadag, ayaa BBC da u sheegay in talaabad baarlamaanku ay qaadeen uu isagu u arko mid aan sharciga waafaqsanayn.

Wuxuu ku dhaliilay baarlamaanka in ay qodobada ay ka badaleen dastuurka ay yihiin kuwa u fasaxaya madaxweynaha Jubbaland in uu isi soo sharrixi karo inta uu doono, taas oo horseedi karta ama u ogolaaneysa hal madaxweyne in uu joogo xilka noloshiisa oo dhan.

“Waxa laga hadlayo waa in qofku iska joogo, oo ay noqo wax iska furan…waxay ahayd heshiis bulsho [in la xanibo mudada] oo aan dhamaanteen isku raacnay. Tii baa maanta la jabiyay,” ayuu BBC da u sheegay Raage.

Dastuurka Jubbaland ayaa horay u xanibay inta jeer ee madaxweynaha loo dooran xilka madaxweynenimada, waxaana uu dhigayay qodobka 70 aad ee haatan la badalay in laba kal oo kaliya qofka musharraxa ah loo dooran karo in uu hugaamiyo dawlad goboleedka Jubbaland.

Dhanka kale Raage ayaa ku eedeeyay guddoonka baarlamanaka Jubbaland in kulankii qabteen uusan ahayn mid uu u dhamaa kooramkii sharciga ahaa, balse gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Jubbaland ayaa sheegay in xildhibaano ku filan ay ku sugnaayeen goobta.

Maxaa u qorshe ah?

Ksmayo

Xigashada Sawirka, Kismaayo

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Doorashooyinkii horay uga dhacay Jubbaland ee uu dhamaantood ku soo baxay madaxweyne Axmed Madoobe, ayaa mar walba ahaa kuwa muran badan dhalinayay.

Tii ugu dambeysay ee dhacday sanadkii 2019 kii ayaa sababtay in musharrixiin badan ay is hubeeyaan, taasina ay mararka qaar sababaysay in gacanqaad uu dhexmaro ciidamada dawladda iyo kuwa musharixiinta qaar.

Mid kamid musharrixiintii doorashadii 2019 kii oo lagu magacaabo Cabdinaasir Seeraar ayaa madaxweyne Axmed Madoobe ku eedeeyay in weerar uu ku qaaday ilaaladiisa, inkasta oo madaxtooyadu iska fogeysay eedaas.

Cabdi Cali Raage ayaa sheegay in haatan aysan doonayn in ay markaan gacan ka hadal uga jawaabaan dhamaan tabashooyinka ay qabaan, balse ay doonayaan in ay waddo taas ka duwan ay xal ku raadiyaan.

“Annagu xaalad kasta oo na soo wajahda, waxaan mar walba isku dayi doonaa in waxa aan aaminsanahay aan ku gaarno nabad”, ayuu yiri Raaage.

Doorashada madaxweynenimada Jubbaland ayaa la filayaa in ay dhawaan dhacdo, waxaana la filayaa in bilooyinka soo aadan ay bilowdaan ololaha iyo hardanka u dhaxeeya ragga ku tartami doona xilka madaxweynaha.