Sida dhakhaatiirtani ay qalliimo ugu guuleyteen iyaga oo aan heysan koronto iyo baahida keentay

Qalliin

Korontadu waa arrin nolol iyo geeri u ah wiilka Tetiana. Wuxuu dhashay isagoo naafo ah, wuxuuna u baahan yahay qalab koronto ku shaqeeya si uu u sii noolaado, wax u cuno, iyo inuu dawo helo.

"Aad ayaan ugu tiirsanahay korontada, haddii uusan ahayn dagaalkan dhiigga badan ku daatay, noloshu wey ka duwananaan lahayd sidan, laakiin waan la qabsan karnaa," Tetiana ayaa u sheegtay BBC.

Ukrainiyiintu waxa ay baranayaan in ay ku noolaadaan mugsiga, iyada oo Ruushku uu sii wado in uu garaaco xarumaha tamarta ee dalka oo dhan.

Tetiana, oo ku nool magaalada dekedda leh ee Odesa, ayaa sheegtay in korontada aan la’isku halleyn karin ay nolosha ka dhigayso mid aad u adag sababtoo ah waxay u baahan tahay inay hubiso in korontadu ay joogto tahay.

Waxa ay haysataa matoor shidaal ku shaqeeya oo u baahan in mar walba lagu shubo, laakiin waa in la damiyo lixdii saacadoodba mar si loo qaboojiyo.

Korontadu waxay sidoo kale saamaysaa taleefanka gacanta, sidaa darteed u helidda adeegga ambalaasta ee wiilkeeda waxay noqon kartaa halgan iyo dhibaato kale.

"Mararka qaar waxay qaadataa nus saac, mararka qaarkood waa saacad ka hor inta aysan ambalaasku imaan," ayay tiri. "Wiilkeyga wuu dhiman karaa haddii uusan helin Ogsajiinta.”

Malaayiin reer Ukraine ah, maqnaanshaha korontadu waxay la macno tahay biyo la'aan, qaboojiye, wiish ama helitaan qalab kasta oo nolosha muhiim u ah.

Saddexdii bilood ee la soo dhaafay oo keliya, Ukraine waxay lumisay sagaal gigawatts oo ah awoodda wax soo saarka, shirkadda tamarta qaranka ee Ukrenergo ayaa tiri.

La'aanta koronto la dhaliyo ayaa ka sii dareysa marka loo eego heerkulka kor u kaca xagaaga, waxana muuqata in dadka reer Ukraine ay baahi badan u qabaan isticmaalka qaboojiye-yaasha.

Caasimadda Ukraine ee Kyiv ayaa muddo dheer laga dareemayay koronto la’aan.

Roksolana waxaa doortay dadka deggan gurigeeda oo ka kooban 24 dabaq si ay gacan uga geysato socodsiinta qalabka korontada ee dhismaha.

Isbitaallada

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxay sheegtay in ku noolaanshaha dhismooyinka qaar aanay ahayn mid sahlan sababtoo ah korontadu waxay sidoo kale ka dhigan tahay in haddii ay maqan tahay aysan biyo jirin.

"Wiishashka sidoo kale ma shaqeeyaan, markaa hooyooyinka caruurta leh iyo dadka naafada ah waa inay sugaan. Waxay qorsheynayaan in ay bannaanka u baxaan kaliya xilliga ay koronto jirto, waxa ay raacisay. "Waa inay gudaha ku jiraan lix saacadood, haweenkeena waayeelka ah uma soo bixi karaan dukaamada si ay u helaan rootigooda."

Magaalada Zaporizhzhia, dhakhtarka ilkaha Volodymyr Stefaniv ayaa sheegay in ballamaha dib loo dhigo waqtiga ugu dambeeya, waxaana jiray marar koronto la waayay intii lagu jiray qalliimo adag.

"Haddii ay tani dhacdo, waxaanu bilownaa in aan ku howlgalno matoorradeenna si aan u dhamaystirno wixii aan bilownay. Ma jirto waddo kale, uma sheegi karno bukaanka inuu soo noqdo berri," ayuu yiri. "Run ahaantii dhowr toddobaad ka hor korontadu waxay noqotay mid marar badan la waayay. Dabcan aad bay u adag tahay carqaladeyntan."

Si loo sameeyo hawlgallo deg-deg ah inta lagu jiro mugdiga iyo qalliinka, Mr Stefaniv wuxuu isticmaalaa tooshka madaxa. Tani waa xirfad uu kasbaday oo uu hagaajiyay markii uu daweynayay askarta jiidda hore, shirkaddiisuna waxay wali siisaa adeegyo bilaash ah ama qiimo dhimis ah xubnaha ciidamada Ukraine.

"Waxaan daweyn karaa koronto la'aan. Waxaan barannay inaan qalliinno fulinno koronto la'aan," ayuu yiri.