Waxay u heysatay in la sixray, laakiin qalliin kadib maxaa caloosheeda laga soo saaray?

Xigashada Sawirka, Recep Tayyip Erdogan Hospital
- Author, Issak Malin
- Role, Weriye
Waxaa Isbitaalka Recep Tayyip Erdogan oo hore loo oran jiray Digfeer, ee magaalada Muqdisho lagu sameeyay qalliin nuuca lagu soo saaro burada kaas oo ay muddo 18-sano ah la dhibbaneyd hooyo Maryan Xeyle Naxar, iyadoo buro culeyskeeda uu yahay 10-kiilo laga soo saaray caloosha hooyada.
Maryan oo maqalka naafo ka ah ayaa markeedii ugu horeysay lagu arkay xanuun dhanka caloosha ah iyo barar sanadkii 2006, xilligaas oo magaalada Muqdisho ay ka bilaabmayeen dagaallo, marba markii ka danbeysay oo ay burada ku sii weynaaneysay hooyadaan waxa ay dareemeysay xanuun dhanka caloosha ah iyo mararka qaar oo naqasku ku dhago, sidoo kale waxaa la arkayay bararka caloosha oo sii weynaanayay.
Maxamed Axmed Muqtaar oo ah wiilka hooyo Maryan ayaa BBC-da u sheegay in markii hore ay u maleyn jireen xanuuno kale sida sixir ama dabeyl waxa uuna sheegay in sanado badan ay geyn jireen goobo Qur’aan lagu saaro iyo goobaha sida dabiiciga ah ula tacaala xanuunada nuucaan ah balse aysan jirin wax iska badalay.
‘’Waxaan u heysanay in ay macnaha sixir ay tahay, ama in ay tahay dabeyl labadaas ayaan uga shakisaneyn’’ ayuu yiri.
Waxa intaa uu hadalka ku daray in markii danbe ay la aadeen isbitaallo kala duwan oo ku yaala Soomaaliya si ay wax uun uga ogaadaan waxa caloosha hooyada sii weyneynaya marba marka ka danbeysa.
Qoyska ayaa hooyadaan geeyay tiro isbitaallo ah xiliyo kala duwan, balse looma cadeyn waxa ay yihiin bararka sii baahayay ee caloosha hooyo Maryan, ‘’Hooyo waxaa la saaray 40 ama 50 kumbuyuutar, laakiin kumbuyuutar walba waxa uu soo sheegaayay in hooyo ay caloosha biyo uga jiraan, qaarna waxa ay leeyihiin buro kuma taallo oo waa iska caadi oo biyo kaliya ayay soo sheegeen,’’ ayuu yiri Maxamed.
Muddo badan oo ay qoyskaan tagayeen isbitaallada wax natiijo ahna ay waayeen ayay hooyo Maryan walaasheed ku talisay in ay Alle tala saartaan oo hooyada Qur’aan saaraan sidaas ayayna go’aan sadeen qoyska sida uu Maxamed BBC-da u sheegay.

Xigashada Sawirka, Dr Axmed Isxaaq
Goorma ayaa la ogaaday in Buro ay tahay waxa caloosha hooyo Maryan ku jir?
Qoyska hooyo Maryan oo ah qoys danyar ah ayaa sheegay in aysan awoodin in caafimaad dibadda ah ay u qaadaan hooyada, sidaasna ay ku kaliftay in Muqdisho iskaga hayaan inkasta oo marba marka ka danbeysay ay ka sii dareysay xanuunka iyo bararka caloosha.
Sanadihii 2021 ilaa 2022 ayuu xanuunka ka sii daray waxa uuna gaaray heer hooyadaan ay istaagi weysay culeyska ka saaran dhanka caloosha awgeed, ‘’hooyo sanadihii 2021 iyo 2022 oo ay xaaladeeda darsaday waxa aan kula soo orodnay Isbitaalka Recep Tayyip Erdogan oo hore loo oran jiray Digfeer, baaritaan kadib waxa ay inoo sheegeen in hooyo buro ku taalo, ay burada darantahay oo ay la tacaaleyso, in buradaas laga qalo ay tahay, haye ayaan dhahnay.

Xigashada Sawirka, Isbitaalka Recep Tayyip Erdogan
"Aniga iyo gabdhihii isla dhalanay ayaa meel iskugu imaanay waan shoornay waxaan ogaanay in aanan lacag markaas awoodi karin oo aan hooyo ku qali karin marka inaan Qur’aan iska saarno oo hadana Ilaaheey wax noo sahlo oon hooyo isbitaal ku geyno oo la fiiriyo waxaan waxa ay yihiin’’ ayuu yiri.
Muddo kadib ayay qoyska u suurta gashay in mar kale ay ku laabtaan isbitaalkii ka sheegay burada si qaliinka loogu fuliyo hooyada, wiilka ayaana sheegay in Alle uu u fududeeyay in ay hooyo isbitaalka dib ugu soo celiyaan si looga soo saaro waxa caloosha ka jiray oo loogu sheegay in ay buro tahay.
Sidee qalliinka loo fuliyay?

Xigashada Sawirka, Isbitaalka Recep Tayyip Erdogan
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dr Axmed Isxaaq Xuseen oo ku takhasusay cudurada haweenka iyo qalliimadoda kala duwan, kana howlgala Isbitaalka Recep Tayyip Erdogan, ayaa BBC-da uga warbixiyay xaaladdii ay ku sugneyd hooyo Maryan markii loo keenay iyo sida uu qaliinka ku fuliyay, waxa uuna sheegay in tani ay ahayd buradii ugu weyneyd oo uu arko ‘’Maama Maryan waa bukaan nagu soo booqatay isbitaalka, hooyada ayaana runtii in muddo ah la dhibaneyd buro kaga taalay ugxaanta een taas oo aad ugu sii weynaatay ilaa caloosha qeybta sare soo gaartay, een maamadaan marka ay noo imaaneysay dhibka ugu weyn ee heystay waxa uu ahaa xanuun dhanka caloosha ah, culeys saa’id ah iyo in ay naqaska uu dhibaayo aysan la jiifan karin, la fadhin karin kaas oo ay in muddo ah la dhibaneyd.
"Kadib marka aan u sameynay baaritaanadii lagama maarmaanka u ahaa ogaanshaha nuuca burada waxaan ogaanay in maamada ay ku taalo buro aad u weyn, cabirkeeduna uu ahaa 30-sinti mitir, sidaas ayaan qoyska ku wargalinnay in ay tahay in buradaan laga soo saaro maamada’’. Ayuu yiri dhaqtar Axmed.

Xigashada Sawirka, Isbitaalka Recep Tayyip Erdogan
Hooyo Maryan ayaa loo sameeyay qaliinka burada kaas oo qaatay muddo laba saac ah, bishii la soo dhaafay ee June, iyadoona lagu guuleystay in laga soo saaro buro aad u weyn.
Dhaqtarka ayaa intaa hadalka ku daray in qaliin weyn oo caloosha la furay lagu sameeyay hooyada si loo soo saaro buradaan oo aad u weyneyd una badneyd dhanka bidix ee caloosha, ‘’runtii qaliin weyn oo aan u sameynay hooyada waxa aan kaga soo saarnay buro aad u weyn oo markii aan miisaan saarnay noqotay 10-kiilo’’.
Burada laga soo saaray hooyadaan ayaa hadda waxa ay taalaa isbitaalka Isbitaalka Recep Tayyip Erdogan qeybta baaritaannada cadadka burooyinka la dhigo si baaritaan loogu sameeyo.
Qoyska hooyo Maryan ayaa aad u farxay kadib markii qaliinka lagu guuleystay waxa ayna dareemeen in culeys weyn uu ka dagay hooyada oo ay haatan lugaheeda ku soconeyso muddo kadib sida uu wiilkeeda Maxamed BBC-da u sheegay.













