If iyo Aakhiro: Sidee ayey dowladdii Siyaad Barre u maareysay dhulkii qabuuraha ee Xamar Bile?

Xigashada Sawirka, Social
Bilowgii bishan June ayey ahayd markii dowladda Soomaaliya ay soo saartay amar sheegaya in ehellada meydadkii ku aasnaa qabuuraha Iskool Buulisya lala baxo, iyada oo dowladdu sheegtay in dhulka qabuuraha ah ay u baahantahay isla markaan ay ka dhiseyso xarunta ciidamada badda ee Soomaaliya.
Haddaba, ma aha markii ugu horreysay ee dowlad Soomaaliyeed ay isticmaasho dhul qabuuro ah, hase yeeshee waxaa kala duwan qaabka ay dowladuhu u maareeyeen.
Degmada Warta nabadda gaar ahaan xaafadda Xamar Bile waxaa ku yaallay qabuuro caan ah isla markaana haystay dhul ballaaran, dowladdii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ayaa dhulkaas u bedeshay xarumo dowladeed iyo guryo.
Waxaase hadallo kala duwan ay kasoo baxayaan qaabka ay dowladdii xilligaas u maareysay qabuurihii halkaasi ku yaallay.
Dad badan ayaa qaba in xukuumaddu ay dhulkaas dhistay iyada oo aan laga saarin dadkii ku aasnaa, halka kuwa kalana ay qabaan in meydadkii laga saaray isla markaana ay dowladdu u sameysay xabaalo wadareedyo.
Wacdi Cabdi Kaahiye oo ku nool magaalada Muqdisho tan iyo xilligaas ayaa ka faallooday sidii ay wax u dheceen isaga oo kamid ahaa dadkii goob-joogga u ahaa dhacdada.
BBC-da ayuu u warramay Wacdi isaga oo ku bilaabay wixii uu arkay iyo sida xaalku ahaa xilligaas isaga oo yiri, “subax subaxyada kamid ah ayaa mar qura lagu baraarugay dowladda oo cagaf gelisay qabuurihii mar dambe loo bixiyay ‘If iyo Aakhiro’ ma jirin hadal hayn badan oo ka dhalatay arrintaas dowladdiina waxa ay dhismo ku billowday dhulkaas markiiba”.
Wacdi waxa uu sheegay in wax digniinno ah oo dowladdu ay bixisay markaas aaney jirin iyo in ehelladu ay la baxaan meydadkii dadkii ka geeriyooday ee halkaas lagu aasay.
“Sababta ‘If iyo Aakhiro’ loogu bixiyay dhulkaas waxa ay ahayd in aan laga saarin dadkii ku aasnaa isla markaana lagu dul degay kadib markii ay dowladdu dhistay”, ayuu sii raaciyay Wacdi.

Xigashada Sawirka, Social
Dad badan ayaa qaba in dowladdu ay mamnuucday in dhulka loogu yeero If iyo Aakhiro hase looga bixiyay Xamar Bile ciddii amarka dowladda ka hor imaaddana ay muteysan karto xabsi. Wacdi oo arrintaas aan weydinayna waxa uu sheegay in magaca Xamar Bile ay bixisay dowladda balse uusan arkin cid loo xiray.
Sidoo kale Wacdi waxa uu sheegay in ay jireen dad aragti ahaan ka hor yimid falka dowladdu ay ku guryeysay dhulkii ahaa qabuuraha, hase yeeshee aysan jirin cid si waadix ah usoo bandhigtay aragtideeda diidmo maadama dowladda laga baqayay.
Yaa degay dhulkii qabuuraha If iyo Aakhiro ee Xamar Bile?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Kadib markii dowladdii madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ay ka faraxalatay dhismaha dhulkii qabuuraha ahaa isla markaana laga taagay dhismoyaal isugu jira dabaqyo iyo guryo kale, waxaa dowladdu ay dejisay wasaarado kala duwan oo xukuumadda ka tirsanaa iyaga oo halkaa ku shaqeyn jiray.
Waxaa sidoo kale la dejiyay qaar kamid ah qoysaskii askarta dowladda maadaama ay ahaayeen ciidan dowladeed.
Waxaa kale oo halkaa deggenaa fanaaniintii qaranka qaarkood oo dowladdu ay halkaa guryo ka siisay.
Mid kamida fannaaniintii xilligaas la dejiyay guryihii halkaa laga dhisay oo aan qadka taleefanka kula xiriirnay ayaa ka gaabsatay in mageceeda la shaaciyo, hase yeeshee waxa ay tilmaantay in fannaaniin iyo qaybo badan oo shaqaalaha dowladda kamid ah halkaa la dejiyay.
“Waxa aan kamid ahaa dadkii ay dowladdu dejisay dhulkaas, waa run in dadku ay bixiyeen If iyo Aaakhiro dowladduna ay diiddaneyd ciddii magacaas laga maqlana la xirayay markii dambana dadku waxa ay la qabsadeen in la dhaho Xamar Bile”, ayey tiri.
Farqiga u dhexeeya labada dhacdo ee Iskool Buluusiya iyo tii Xamar Bile

Xigashada Sawirka, Facebook
Farqiga ugu horreeya ayey dad badani isku raacsanyihiin in uu yahay awoodda iyo cabsida dowladeed maadama amarkii kasoo baxay dowladda federaalka ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ay dad badani dood ka keeneen isla markaana ay ku dhiirradeen in ay si cad uga hadlaan sida uu qabo Wacdi Kaahiye.
Farqiga kale ayaa noqonaya in dowladdani ay bixisay amaro ah in eheladu ay la baxaan meydadka uga aasan qabuuraha Iskool Buliisiya taas amarkaas iyo ogeysiiskaas oo aysan bixin dowladdii Siyaad Barre.
Waxa ay dowladdu hadda ka damacsantahay qabuuraha Iskool Buluusiya
Wasiirka Gaashaandhigga ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in hadda ay dowladda u baahatahay dhulkan loona baahan yahay in lagu qabto danta qaranka.
Waxa uu sheegay in arrinta ay tahay arrin shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan qaranka Soomaaliyeed qiimo weyn ugu fadhida.
“Inta xagga la iska dhigo wararka la faafi doono ha loo hoggaansamo awaamiirta dowladda, maadaama dhulkaan loo qorsheeyey howlo dan-guud ah oo la deji doono ciidanka ilaalada xeebaha dalka.”













