Maxay yihiin boqolka arday ee la afduubay ee Maraykanku warka ka soo saaray?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maleeshiyo lagu tirinayo inay ka soo jeedaan gobolka Oromia, ayaa la sheegay inay afduubteen in k abadan boqol arday jaamacadeed kuwaas oo ka soo safray gobolka Amxaarada kuna sii jeeday magaalada Adiss Ababa.
Ardaydan ayaa ka soo kala kicitimay magaalada Debarq iyo magaalada Bahir Dar ee Waqooyiga Gonder ee Gobolka Axmaarada, waxayna ku safrayeen sadex bas oo nooca dadweynaha qaada ah oo lagu magacaabo "Tata" ayaa waxaa la sheegay in ay afduubteen maleeshiyaad lagu sheegay “Shene”.
Waxaa la sheegay in ardada qaar ay baxsadeen.
Labada bas ee ardaydy saarnaayeen ayaa waxaa lahayd jaamacada Debarak.
Laba arday oo baxsatay ayaa BBC-da u xaqiijiyay in mid ka mid ah basaska uu ka yimid magaalada Bahir Dar uuna ku sii jeeday caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, waxaana lagu joojiyay “tuulo yar” oo u dhexeysa Goha Zion iyo Tulu Milki.
Goob joogayaal iyo qoysaska la haystayaasha ayaa BBC-da u sheegay in rakaabka oo u badnaa arday wax ka barata jaamacadda Debarak, ee gobolka Amxaarada ay dableyda hubeysan ku qafaasheen deegaanka Gerbe Guracha oo ka tirsan waqooyiga Showa ee gobolka Oromada.
“Way hubaysnaayeen, way na joojiyeen iyaga oo hub adeegsanaya Waxay nagala dageen dhammaanteen baabuurka, markaas ka dib waxay noo kaxeeyeen dhanka kaynta", ayuu yiri mid ka mid ah ardeyda isagoo ka hadlayay sidii wax u dhaceen.
Ardayga hadlay ayaa falkaas ku tilmaamay mid argagax leh, isagoo sheegay in ay aad ka baxsadeen afduubka, ayna aad ugu farxeen markii ay ogaadeen in ay ka baxeen aagga.
Ardayga ayaa tilmaamay in marka laga soo tago ardayda saarneed uu basku siday hooyooyin caruur wata iyo rakaab kale, Waxa uu sheegay in tirada la haysto ay noqon karto 120 ilaa 130 qof.
Arday kale oo baxsatay ayaa sheegtay in 56 qof oo la socday saddexda bas oo la afduubtay ay baxsadeen
"Dhammaanteen waan cararnay si aan naftayada u badbaadinno," ayey BBC-da u sheegtay ardayad dhawacantay markii danba isbitaalka loo qaaday.
Ardayda oo qaarkood ku jira sanadka afaraad ee waxbarashadoda ayaa sheegay in dablayda afduubtay markii ilaa shan kilomitir ay sii wateen dadka ay ciidamada ammaanka ee dowlada Itoobiya is waydaarsadeen rasaaas.
Ardayda ayaa sidoo kale sheegay in saaxiibadooda ay ka war heleen in lacago lagu doonayo in lagu badbaadiyo.

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Shaqsi sheegay in walaashii ay wax ka barata Jaamacadda lana afduubtay ayaa sheegay in la weydiistay lacag dhan 700 oo kun oo birr si loo sii daayo.
Qofka la soo wacay ayaa sheegay in dablayda haysata walaashii ay u sheegeen inay lacagtaas ku bixiyaan saddex maalmood gudahood haddi kale ay diliyaan qofkooda, balse arrintaasi ay ku jahwareereen.
Jaamacadda Debarak oo ay BBC-du wax ka waydiisay arrintaas ayaa ka gaabsaday inay tafaasiil bixiyaan.
Dadaal ay BBC-du samaysay oo ay ku doonaysay in ay ku hesho xog ku saabsan sida ay wax u dhaceen ayaanay ku guulaysan xiriirro ay la samaysay saraakiisha deegaanka ay wax ka dhaceen.
Maamulka Jaamacadda ayaa sheegay in uusan dooneyn in uu bixiyo xog dheeri ah oo aan ka ahayn in uu yiri “waxaan codsi u gudbinay hay’adaha Federaalka ee ay khuseyso.
Ma ahan markii ugu horeysay oo fal kan lamid ah uu ka dhaco Waqooyiga Showa ee isku xira gobolada Axmaarada iyo Oromiya. Waxaa la xasuustaa in dhowr jeer oo hore la xiray dad lagana dalbaday lacago si loo sii daayo.
Hadalka Maraykanka ee afduubka

Xigashada Sawirka, @USEMBASSYADDIS
Safaarada Maraykanku ku leeyahay Addis Ababa ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in falalkaasi ay yihiin kuwo lidi ku ah sharciga.
“Afduubyadii ugu dambeeyay iyo kuwa soo noqnoqda ee ka dhacayay gobollada Oromia iyo Axmaarada waxay muujinayaan sida colaadaha daba dheeraaday ay u dhiirradaan dambiilayaasha ayna u wiiqaan sharciga.
"Afduubka loo geysanayo dadka rayidka ah iyo ardayda si dhaqaale looga helo waa in la joojiyo. Toddobaadkii hore, in ka badan 100 arday iyo rakaab ah ayaa lagu afduubay madaxfurasho,"ayaa lagu yiri bayaanka safaarada.













