Nasiiba Aadan Siiro: Gabadha jeedisa muxaadarooyinka diiniga ah ee soo jiita haween ay fannaaniin ka mid yihiin

Xigashada Sawirka, NASIBA/SOCIAL
- Author, Mohamed Bashi Khaliif
- Role, Wariye
Khudbadaha Nasiiba Sheekh Aadan Siiro oo kamid ah cullimada dumarka Soomaaliyeed ee Magaalada Hargeysa ayaa muddooyinkii dambe aad ugu shaacbaxay baraha bulshada, dad badan ayaana hadal haya khudbadaheeda.
Muxaadarooyinka Nasiiba, qabato ayaa u badan kuwo ay u jeediso dumarka oo ay ku qabato hoolal ay isugu yimaadaan mararka qaar boqolaal haween ah.
Nasiiba, oo BBC-da la hadashay ayaa xustay in muxaadarooyinka ay u jeediso dumarka ay soo bilowday muddo shan sano ka hor balse ay ku jeedin jirtay habka Online gaar ahaan aalada Telegram.
“Waxaan online kula hadli jiray ilaa 21 kun oo gabdhood oo Soomaali ah oo adduunka kala jooga marka waxaan dareemay in baahi weyn jirto runti” ayey BBC da u sheegtay Nasiiba.
Hadda kumanaan haweena ayaa qaababka online ka iyo fadhi-hadalba ugu xiran muxaadarooyinkeeda kuwaas oo ay diirada ku saarto sida ay BBC-da u sheegtay in dadka lagu xiro Alle.
Mid ka mida khudbadahii ay jeedisay Nusayba, waxa ka mid ahaa kuwo ay ka qayb galeen gabadho fanaaniin ah oo ay ka mid ahayd fannaanada caanka ah ee Najma Nashaad taas oo hadal hayn badan ka dhalisay baraha bulshada, markii la daabacay sawriada Najma oo ku labisan xijaabada adag ee ay dumarku ku asturaan inta badan jirkooda.
“Waxaan arkayey, dad badan oo falanqaynayey kulankaasi, oo xitaa kulankaas dabadeed dhahaya Najmo Nashaad wali waa heesaysaa. Najmo ma oran fankii baan ka soo ka baxay laakiin waa qof Muslima oo is tiri soo dhagayso inanta sheekhadaa hadalkeeda, runtii wuuna saameeyey, maalintaas ka dibna waxay tiri waxaan ku dadaali doonaaa inaan xijaabto” ayey BBC-da u sheegtay Nasiiba.
Nusayba, waxay BBC-d au sheegtay inay doonayso gabdhaha fanka ku jira ay doonayan inay ka baxaan, waliba ay doonaynaan inay gacan qabtaan.
“Inantaa Najmo Nashaad oo kale waxaan ku rajo weynahay inay fanka ka baxdo oo tusaale nool u noqoto. Laakiin marka qofka la dhaho fanka ka bax waa inuu beddel helaa ha noqoto waxa uu ku mashquulo ama dhan dhaqaale labadaba, marka waxaan wadnaa mashruuc weyn oo doonayno in gabdhaha fanka lagaga saaro oo an abuuri doonaa oo qorshaha iigu jira.”ayey tiri Nasiiba.

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Maxay khudbadaheedu u soo jiitaan Haweenka?

Xigashada Sawirka, BARAHA BULSHADA
Iyadoo ka hadlaysay sida ay khudbadaha diiniga ee ay jeedisaa u yeeshaan saamayn iyo soo jiidasho ayey xustay inay xoogga saarto is waafajinta casriga cusub iyo dhaqanka Soomaalida.
“Waxaan is arkay in anigoo cilmi diini ah leh haddana aan leeyahay balaaqo aan dadka wax ku gaarsiin karo taas ayaana igu dhiiri galisay inaan qabto kulamadan diiniga ah”ayey tiri Nasiiba.
Waxay intaa ku dartay inay hesho farriimo badan oo kaga imaanaya bulshada, gaar ahaan haweenka, kuwaas oo u sheega in muxaadarooyinkeedii saameeyeen oo ay wax ka beddelen.
“Gabdho ganacsato ah, kuwo jeneraalo ah oo ciidamada ka tirsan iyo qaybaha dumarku ayaa ilala soo xiriiray oo ii sheegay inay isku beddeleen hadalkaygiii… taasna waa rabi hanuunkiisa” ayey hadalkeeda raacisay.
'Doorka yar ee gabdhaha wacdiga jeediya'

Xigashada Sawirka, ASTAAN
Ma badna tirada gabdhaha culimada ah ee sida ban-baxa ah u jeediya muxaadarooyinka diinig ah sida Nasiiba oo kale, waxay BBCda u sheegtay in sababta ugu weyn ee ay u bilowday howshan ay tahay markii ay dareentay in kaalintaasi loo baahan yahay.
Waxay intaa ku dartay in intii ay howshaa waday ay u soo baxeen muhiimada ay leedahay in la helo gabdho dadka wacdiya oo soo hor istaagta dumar Soomaaliyeed.
“Waxay dumarku u baahan yihiin inay helaan gabadh ay waydiin karaan waxskatsa oo su’aalaha sida gaarka u taabanaya ah, waana baahi badan arrintaasi” ayey tiri Nasiiba.
Waa Tuma Nasiiba?
Nasiiba Sheekh Aadan Siiro, waxay sanadkii 1991 ku dhalatay magaalada Hargaysa.
Dugsiga hoose/dhexe iyo sare waxay kaga baxday magaalada Hargaysa.
Heerka kowaad iyo labaad ee jaamacada ayey ku soo qaadatay dalka Malaysia iyadoo ka baxday jaamacada Kuala Lumpur Metropolitan University College.
Cilmiga diinigaa ayey sheegtay inay inta badan ka baratay culimada Soomalida markii danbana ay u aaday jaamacada Madina Muna-wara ee dalka Sacuudiga oo ay cimliga diinta ka baratay.
Jaamacada Azhar, ayey hadda ka barataa takhakhuskeeda PhD oo ay baranayso taariikhda Siirada.
Waxaay ka soo jeedaa qoys diin ku taxnaa, allaha u raxmadee aabaheed Sheekh Aadan Siiro, wuxuu ka mid ahaa culimada waaweyn ee Soomaaliyeed.
Waa hooyo ubad korisa, haddana jeedisa kulamo diiniya iyadoo ka hadlaysay sida ay arintaas u maarayso ayey sheegtay inay jadwelkeeda u kala qaybiso labadaas howlood ee waaweyn.













