Farax Cabdi: Gabadhii imtixaanka shahaadiga ah ku gashay sariirta cisbitaalkii ay ku umushay

Soomaaliya

Xigashada Sawirka, DHOQOSHAY MCH

Degmada Dhoqoshay, waxa ku umashay Farax Cabdi Maxamuud, oo ka mid ahayd ardayda sanadkan u fadhiisatay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax-bannaanida ee Somaliland.

Farax Cabdi Maxamuud, oo ah hooyo 21 jir ah, oo waxbarashadii dusgsiga hoose, dhexe iyo sareba ku qaadatay isla degmadaas oo iyada oo xaamilo ah gashay saddexdii maalmood ee u horreeyey Imtixaanka ku gashay dugsigeeda, ayaa maanta Imtixaankii ku gashay xarunta Xannaanada curuurta iyo Hooyada ee degmadaasi, ka dib markii shalay abaaro afartii galabnimo ay fooshu qabatay, iyada oo akhrinaysa, isuna diyaarinaysay Imtixaanka maanta loo fadhiisanayey oo ahaa Juquraafi iyo Xisaabta warqadeeda koowaad.

Farax Cabdi Maxamuud oo ahayd gabadha keliya ee shan arday oo sannadkan ka baxayey Dugsiga sare ee Degmada Dhoqoshay, ayaa mar keliya dhalisay hadal hayn weyn markii maalintii afaraad ee imtixaanka ay iyada oo umul ah sariir dusheed ku gashay, maddaama oo saacado ka hor waqtigii ay iskuulkeeda ku geli lahayd ay umushay wiil.

Dareenka Farax ee umushadeeda iyo imtixaankii isbitaalka dhexdiisa lagaga qaaday

Soomaaliya

Xigashada Sawirka, DHOQOSHAY MCH

Farax Cabdi Maxamuud oo BBC la hadashay ayaa sharraxday qaabkii fooshu u qabatay iyada oo casharradii imtixaanka akhrisanaysa ayaa tidhi "Markii aan maalintii saddexaad soo dhammaystay imtixaanka abbaaro kowdii duhurnimo ee Isniintii isu diyaarinayo imtixaanka maalinta afraad oo aan geli lahaa, ayaa aniga oo casharadii akhrisanaya labadii iyo badhkii duhurnimo fooshu i qabatay, ka dib xannaanada ayaa la ii soo qaaday afartii galabnimo ilaa tobankii ayaan foolanayey, 10:30-kii habeenimo ayaan umulay".

Farax Cabdi Maxamuud waxa ay sheegtay in ay ku faraxsan tahay labada dhacdo ee isku soo beegmay ee geba gebaynta geeddigeedii waxbarasho ee dugsiga sare iyo in ay wiilkeedii curad umusho oo ay xustay in ay u bixisay Suldaan, waxaanay tidhi, "Dareenkaygu waa mid farxadeed, maaddaama oo aan maanta galay imtixaankii aniga oo umul ah, oo weliba aan ku galay sariirta dusheeda, markii la ii oggolaaday in xannaanadii aan ku umulay la igu keeno".

Waxay intaa raacisay "Xaalad adag oo fool iyo walac ah ayaan soo maray, laakiin imika markii aan umulay waan nafisay oo culays ayaa iga degay, aniga iyo wiilka yarna aad baan u fiicannahay".

Farax ayaa sii wadatay Imtixaanka oo gashay afar maaddo oo kale.

Waxay jeceshaya in ay sii wadato waxbarashadeeda ilaa heer jaamacaddeed, waxaanay hoosta ka xarriiqday in ay doonayso in ay barato caafimaadka.

Farax waxa ay sheegtay in kalkaaliyaasha caafimaadka ee xarunta ay ku umushay ay si weyn u caawiyeen oo garab istaag u muujiyeen, xaaladdeedana si gaar ah ula socteen.

Aasaaskii qoysnimo iyo ardaynimo

Soomaaliya

Xigashada Sawirka, DHOQOSHAY MCH

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Farax oo 21 jir ah, waxay ku dhalatay isla degmada Dhoqoshay, oo qiyaastii magaalada Burco 100 km kaga beegan dhinaca koonfur bari, waxayna hayaankeeda waxbarasho soo wadday tan iyo 2008-dii.

Duruufo kala duwan oo sababay in dhawr jeer oo kala duwan uu xidhmayey dugsiyadii waxbarashadeeda ee degmada Dhoqoshay kama ay niyad jebin sii wadashada waxbarashadeeda, marka dib loo furo ayey halkeeda ka sii wadatay, waxaanay sannadkii 2018-kii ka baxday fasalka siddeedaad ee dugsiga dhexe, halka sannadkan 2024-ka u fadhiistay imtixaanka lagaga baxayo dugsiga sare.

Farax ayaa u sheegtay BBC-da in markii ay ka baxday Imtixaankii fasalka saddexaad ee dugsiga sare oo ahayd 2023-kii in ay guursatay "Markii uu ii dhammaaday imtixaankii fasalka saddexaad ee dugsiga sare ayaan guursaday, ka dibna waxa aan go'aansaday in aan guurkaas uga hadhin waxbarashaydii oo aan sii wato, ilaa aan dhammaynayo dugsiga sare, markaa maanta ayey kulmeen ilmahaygii koowaad iyo imtixaankii aan kaga baxayey dugsiga sare," ayey tidhi Farax.

Sidee ayay wasaaradda waxbarashada u maareysay dhacdadan ugubka ku ahayd?

Somaliland

Xigashada Sawirka, DHOQOSHAY MCH

Cabdikariin Hayaan oo ah mas'uulka u sarreeyey ee kormeerayey imtixaanka laga qaadayey ardayda ku gashay degmada Dhoqoshay, ayaa u sheegay BBC-da in gabadhan umushay ay samaysay naf-hurnimo iyo geesinnimo weyn, iyada oo xaamilo ah la gashay ardayda imtixaanka saddexdii maalmood ee u horreeyey, balse xaaladdu isbedeshay maalintii afraad "Markii aan ogaannay xaaladda ardayaddan ku soo kordhay ee nalagu soo war geliyey, waxaan u sheegnay in ay is dejiso imtixaankana looga qaadi doono habka ugu suurto gashay" ayuu yidhi Cabdikariin Hayaan.

"Ninka qaba gabadhan Imtixaanka gashay ayaa noo sheegay in gabadhiisu xaamilo tahay, oo iyadu doonayso in ay imtixaanka gasho oo aanay ka hadhin, ka dibna maaddaama oo ardayda degmada ku galaysay koobnayd, waanu is qaybinay ilaaliyaashii oo iyada xarunta caafimaad ee ay ku umushay ayaanu ugu geynay imtixaanka askari ilaaliye ahna waanu dul dhignay," ayuu intaas raaciyey Cabdikariin.

Cabdikariin Hayaan, waxa kale oo uu xusay in ay ogaadeen oo dadka degmadu u sheegeen in Farax ay ka mid ahayd ardayda ugu dedaalka badnayd degmada Dhoqoshay.

Doorkii iyo dareenka aabbaha qoyskan ee hayaanka waxbarashada xaaskiisa

Somaliland

Xigashada Sawirka, DHOQOSHAY MCH

Cabdishakuur Xasan Jaamac, oo ah ninka ay u dhaxday gabadhan umusha ah, oo u warramayey BBC-da ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in xaaskiisu ay umushay wiil, isla markaana ay gashay labadii maaddo ee imtixaanka "Aad ayaan ugu faraxsanahay in xaaskayga oo maanta umushay aanay ka hadhin imtixaankii oo ay sii wadato, waa arrin guul ah, waana sidii ay markasta ku fikiri jirtay."

Cabdishakuur Xasan Jaamac, oo ah hawladeen ka shaqeeya Wasaaradda Caafimaadka ee Somaliland, waxa uu ka dhawaajiyey in xaaskiisu tan iyo markii uu guursaday 2023-kii ay jeclayd in ay sii wadato waxbarashadeeda garabna uu ku siiyey in iyada oo umul ah ay imtixaanka gasho.

Kaltuun Cabdisalaan oo ah haweenayda umulisada ah oo ka hawl gasha xarunta caafimaad ee ay Farax ku umushay ayaa u sheegtay BBC-da in haweenayda iyo wiilka yar ee ay dhashay ay aad u wanaagsan tahay xaaladdoodu, oo dedaalkii ugu badnaa ay ku bixiyeen markii loo keenay afartii galabnimo ee Isniintii ilaa tobankii habeennimo intii ay umulaysay.

Kaltuun Cabdisalaan, waxa ay intaas ku dartay in ay u fududeeyeen waxyaabihii kale ee ay u baahnayd maaddaama oo ayimtixaan galaysay.