Maxay yihiin waxa kusoo dhacay Nairobi bannaankeeda ee dadka ku abuuray cabsida?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dhawaq aad u xooggan oo ay dabasocoto walxo wayn oo kor ka soo dhacay ayaa ka nixiyay qoysas iyo asxaab ka tirsan dadka reer Kenya oo nasiino iskaga jiray xilli galab ah.
"Waxay u egtahay bam, waan naxay, waxaan bilaabay inaan hareeraha eego, sidoo kale waxaan la yaabay waxa ay waxa meesha ku soo dhacay," Stephen Mangoka, oo ah 75 jir beeralay ah oo ku nool tuulada Mukuku ee ismaamulka Makueni, ayaa BBC u sheegay.
"Waxaan eegay cirka si aan u eego bal inuu qiiq jiro, balse waxba ma arkin.
"Waxaan u orday waddada si aan u hubiyo in uu shil dhacay, sidoo kale, waxba. Taasi waa markii qof ii sheegay in wax samada ka soo dhacay."
Dhab ahaantii, shay weyn oo wareegsan oo bir ah ayaa kor ka soo dhacay isagoo ku dhacay dhul beereed u dhow sagxadda wabiga waxayna ahayd mid kulul.

Xigashada Sawirka, Peter Njoroge / BBC
"Waxa aan aragnay bir weyn oo aad u cas, markaa waxa aan sugnay inta ay ka qaboobayso mana jirin cid u dhawaatay" ayay tiri Ann Kanuna, oo ah milkiilaha beer ku taal Mukuku halkaas oo ay birtu ku dhacday.
Garaangarta weyn ayaa qaadatay ku dhawaad labo saacadood inay qabowdo, balse dadka ayaa aad ugu soo xoomay si ay u daawadaan.
Birtaan aadka u wayn ee wareegsan ayaa dadka deegaanka ku abuurtay dood adag iyaga oo is waydiinayay waxa ay noqon karto iyo halka ay ka timid.
Maamulka deegaanka Makueni oo qiyaastii 115km (70 mayl) koonfur-bari ka xiga caasimadda Nairobi ayaa lagu wargeliyay.
Hay'adda Hawada sare ee Kenya (KSA) oo xogta loo gudbiyay ayaa maalintii xigtay goobta gaartay si ay baaritaan ugu samayso waxa dadka deegaanka ay ku soo wargaliyeen in ay ku soo dhacday.
Balse dadka qaar ee deegaanka ayaa ka cabsi qabay in sheyga ay qaataan dadka ama la xado.
Saraakiisha deegaanka ayaa goobta ka qaaday shayga waxa ayna sidoo kale gubeen qashinkii yaalay goobta uu ku soo dhacay.
Giraangirta ayaa miisaankeeda lagu sheegay inay ka badan tahay 500kg (1,102lb) wareegga dhexdiisa ayaana lagu sheegay 2.5m (8ft) dhexroorka.

Xigashada Sawirka, Peter Njoroge / BBC
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Mukuku wali laguma arkin xaalad noocaas ah, balse KSA oo qaadday shayga giraangirta ah ayaa muujisay walaaca dadku ay ka qabeen.
KSA waxa ay sheegtay in qiimaynteeda horudhaca ah ay muujinayso in shaygu uu ahaa "faraantiga kala sooca" ee gantaalaha hawada sare laga rido.
"Waxyaabahan oo kale waxaa badanaa loogu talagalay in ay burburaan oo ay gubtaan marka ay dib u soo galaan jawiga dhulka ama ay ku dhacaan meelaha aan la joogin, sida badaha," ayaa lagu yiri bayaankeeda maalintii xigtay.
Ma jirto cid wax ku noqotay markii ay soo dhacday balse qaar ka mid ah dadka ku dhaqan magaalada Mukuku ayaa bilaabay in ay ka cawdaan in saameynta shilkan uu geystay burbur soo gaaray guryaha ka agdhawaa goobta.
Christine Kionga, oo ku nool meel u jirta hal kiilo mitir goobta shilku ka dhacay, ayaa na tustay dildilaacyo ka soo baxay shubka qaar ka mid ah dhismayaal ku yaala barxadda gurigeeda. Waxay sheegtay in ay soo muuqdeen shilka kadib.
"Dowladdu waa in ay heshaa dadka iska leh ama halka uu ka yimid shaygan, oo ay magdhow ka hesho dadka ay waxyeelladu soo gaartay," Benson Mutuku oo deggan Mukuku ayaa u sheegay BBC-da.
Baaritaanno ay sameysay hay'adda xakamaynta Nukliyeerka ee Kenya ayaa lagu ogaaday in giraangirta birta ah ay leedahay shucaac balse heerkeedu uusan ahayn mid waxyeello u leh aadanaha.

Xigashada Sawirka, Peter Njoroge / BBC
Injineerada ka socda KSA, oo la aasaasay 2017 si ay u horumariyaan, una nidaamiyaan howlaha la xiriira waxyaabaha noocaan ah ee ee dalka Bariga Afrika, ayaa sii wada inay sameeyaan tijaabooyin kale si ay wax badan uga ogaadaan shayga.
Agaasimaha guud ee KSA ayaa sheegay in wax khasaare ah oo la taaban karo uusan soo gaarin markii shaygu uu dhulka ku dhacay.
"Mas'uuliyadda ugu dambeysa ee waxyeello kasta ama dhaawac kasta oo ka dhashay shaygaas bannaan waxa ay saaran tahay dawladda ay awood u leedahay in hawl wadeenka uu billaabay shayga," Brigadier Hillary Kipkosgey ayaa u sheegtay BBC-da.
BBC-da ayaa tusisay sawirada walaxda wakaaladda hawada sare ee UK si ay u hesho fikradaha khubaradeeda.
"Waxyaabaha ugu macquulsan ee ay noqon karto waa giraanta kala goynta heerka sare ee gantaalka Ariane sanadkii 2008," ayuu yiri agaasimaha furitaanka, Matt Archer.
Ariane waxa uu ahaa gantaalkii ugu weynaa ee Yurub, isaga oo in ka badan 230 dayaxgacmeed ka caawiyay in ay galaan wareega, ka hor inta aanu hawlgab noqon 2023-kii.
Waxa ay u muuqataa in giraanta kala soocida laga yaabo in uu dhulka ku wareegayay muddo 16 sano ah ka hor inta aanu si lama filaan ah uga soo muuqan Mukuku.
Tani maaha dhacdadii ugu horeysay ee qashinka hawada sare ka muuqda ee Bariga Afrika.
Maalmo ka hor, siddeeddii Jannaayo, waxaa jiray warar aan la xaqiijin oo ku saabsan waxa loo malaynayo inay yihiin haraaga hawada sare oo si aad ah uga gubanaya hawada sare ee waqooyiga Kenya iyo koonfurta Itoobiya.

Xigashada Sawirka, Peter Njoroge / BBC
Nasa ayaa ku qiyaastay in hadda ay jiraan in ka badan 6,000 oo tan oo khashinka hawada sare ah.
Waxaa jira qiyaaso badan oo kala duwan oo ku saabsan fursadaha qashinka noocan oo kale ah ay ku soo dhici karaan.
Dadka deggan Mukuku, ayaa wajahaya cabsi la xiriirta waxyeelada uu giraantaasi keeni lahaa haddii uu ku soo dhici lahaa bartamaha tuulada halkii uu ku dhacay dhul beereedka.
"Waxaan dowladda uga baahannahay dammaanad in aysan mar kale dhici doonin." Ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka.













