Maxay tahay sababta laba saacadood oo jimicsi ah asuucii ay u noqon karto mid baddasha noloshaada?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dad badan ayaa ku dhibtoodaa inay sameeyaan jimicsiga lagu taliyey toddobaad kasta, balse cilmi baaristu waxay soo jeedinaysaa in jimicsigu leeyahay saamayn xooggan.
Su'aal kama taagna in jimicsigu u fiican yahay wadnaha, Jimicsiga joogtada ah wuxuu hoos u dhigaa cadaadiska dhiigga iyo kolestaroolka wuxuuna yareeyaa fursadaha wadne qabad ama istaroog.
Laakiin mararka qaarkood way adkaan kartaa in la helo wakhtiga (iyo dhiirigelinta) jimicsiga. Haddaba, waa maxay xaddiga ugu yar ee jimicsiga aad kaga bixi karto samaynta adigoo weli arkaya faa'iidooyinkaan?
Jawaabtaasi waxay ku xiran tahay sida ugu habboon ee aad ku bilaabi karto.
Markasta oo aad samayso jimicsi waxa aad ka badbaadi kartaa khataraha caafimaad darro, socodka badan ama wadista baaskiilka ayaa qayb ka ah aalamiitada qofkasta oo waqti u helikaro u sahlanaankarta.
Jimcsi joogto ah ayaa ka qayb qaadan kara yaraynta halista ama dhimashada cudurada wadnaha ilaa 20%.
Sidoo kale markasta oo aad kordhiso jimicsiga waxaa kordhaya faa'iidooyinka aad helayso caafimaad ahaan iyo fiyoobiqabka wadnaha iyo xididdada jirka.
Haddii aad tahay qof shaqadiisu aad u badan tahay quburada waxa ay kugula talinayaan inaad asbuuciiba saacado yar aad samayso jimicsi si loo arko hoos u dhac khatarta wadnaha ah.
Haddii aad kordhiso saacada jimicsiga ee asbuuca waxaa laga arki karaa caafimaadka iyo isbadal guud oo jirka dhan ah.
Daraasad ayaa lagu sameeyay dad aan jimicsan waxaana loo furay tababar ku aadan orodka iyada oo la eegayo qaab adkaysigooda waxaana marba marka ka danbaysa soo hagaagayay xawaaraha orodkooda iyadoona marba marka ka danbaysa ay kordhayeen saacadaha ay ka qayb galikaraan tartanka, waxaana la ogaaday isbeddello muuqda oo ku yimid qaabdhismeedka wadnaha.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Tababarka joogtada ah ee jimicsiga ayaa ka qayb qaata dhimista khataraha iyo kor u qaadista muruqa wadnaha, isbadallada ayaana dhaca kadib marka la sameeyo jimicsiga joogtada ah muddo sadax bilood ah.
Isbaddalada noocaan ah ayaa loo malaynayay inay tahay mid ku kooban cayartoyda oroddada ah oo kaliya, balse daraasadda ayaa caddaysay qofkasta oo diyaar u ah inuu sameeyo orod ama socod badan uu heli karo faa'iidooyinka caafimaad ee wadnaha iyo xiddidda.
Bilowga hore ee jimicsiga saacad ama laba saac asbuuckasta ayaa samaynaya wax cajiib ah balse haddii aad ka kordhiso oo aad gaar siiso afar saac ama ka badan ayaa ah meesha ugu wanaagsan ee hoos u dhigaysa khatarta wadnaha.
Dadka qaar ayaa leh jimicsiyo ama cayaaro joogto ah si ay u ilaaliyaan caafimaadkooda.
Fikradda ah inaadan waligaa jimicsi sameynin oo aad shaqeyso afar saacadood todobaadkii waxay noqon kartaa mid adag gaar ahaan haddii aadan haysan waqti firaaqo badan. Tani waa meesha xoojinta jimicsigaagu uu muhiim u yahay.
"Haddi u helida wakhti aad ku jimicsato usbuuca ay tahay caqabad oo aad awoodo inaad shaqaysato oo kaliya maalmaha fasaxa ah, ku naso in tani wali faa'iido leedahay"

Xigashada Sawirka, Getty Images
In kasta oo ay jimicsiyadani waqti gaaban yihiin, xooggoodu waxay ka dhigan tahay kululaynta jirta ee todobaad laha ah.
Sidoo kale samaynta jimicsiga ayaa ka qayb qaata hoos u dhigista cadaadiska dhiigga iyo kolestaroolka.
Inta badan daraasadaha ayaa muujinaya jimicsiga inuu yareeyo khataraha wadnaha iyo xididdada dhiigga.
Balse dhanka kale haddii aad qabto cudurrada wadnaha waxaa lagu taliyay inaad ka warqabto xaaladdaa xilliyada aad jimicsiga samaynayso.
Mid ka mid ah daraasadda dib u eegis lagu sameeyay in ka badan 37,000 oo qof ayaa lagu ogaaday in kuwa sameeyay dhaqdhaqaaqa jireed ama jimicsiga joogtada ah toddobaadkii ay hoos u dhacday khatarta cudurrada wadnaha iyo xididdada.













