Jimci xoogan oo todobaadkii mar ahi wuxu u dhigmaa mid maalin le ah

Jimicsigu waa faa'iido

Xigashada Sawirka, Getty Images

Maalmaha nasashada todobaadka oo qofku jimicsi aad u badan sameeyo ayaa faa’iido la mid ah ka uu maalin kasta wakhti kooban samayn lahaa, sida lagu ogaaday daraasad la sameeyey.

Cilmi-baadheyaal Maraykan ah ayaa muddo darsayey 350,000 oo qof mudoo toban sano iyo dheeraad ah si ay u ogaadaan wax tarka jimicsiga adag ee maalinta qudha ahi faa’iidada uu leeyahay.

Sida lagu faafiyey majallada Internal Medicine Journal natiijadii waxay noqotay in faa’iidadu ku jirto wadarta guud ee wakhtiga qofku jimicsi sameeyo ee aanay ayayn inta maalmood ee uu sameeyo.

Ugu yaraan 150 daqiiqo todobaadkii oo jimicsi heer dhexe ah ayaa dhakhaatiirtu ku taliyaan in qofku sameeyo.

In uu qofku socod tallaabadiisu dheer ah sameeyo, baaskiil xawlid dhexdhexaad ah uu ku wado ama inuu ciyaaro kubadda tenis ka ee laba labada loo ciyaaro, ayaana noqon kara jimicsigaas.

Hadii kale qofku wuxuu samayn karaa jimics adag oo 75 daqiiqo ah sida orod, dabbaal ama uu ciyaaro kubadda cagta arintaas oo ay khubarada caafimaadku ku taliyaan iyagoo raacaya xeerarka NHS.

Dadka ka qayb galay cilmi-baadhistan laga sameeyey Maraykanku yagu waxay jimcisiga adag samaynayeen mudadaa laakiin waxay ku samaynayeen oo waxaas oo dhan ku qabanayeen mar qudha ee maalmo kala dambeeya umay qaybin.

socodka dheer ee buuro fanashadu waa jimicsi

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dadka gaadhsiiyey jimcisiga daqiiqadaha loo cayimay ha ku sameeyaan maalin qudha ama todobaadka oo dhan ha u kala qaybiyaane, waxa halista ay ku dhiman karaan ka hoosaysaa kuwa jimicsi ka yar daqiiqadahaa sameeyey.

NHS waxay sidoo kale ku talo bixisay in dadku sameeyaan wax jimicsi ah maalin kasta sida in qofku jimicsi adag sameeyo ama aanu mudo dheer waxba qaban ee iska fadhiyo uun.

Jimicsiyada adag waxa ka mid ah Yoga iyo in qofku mudo shaqo adag ka qabto beertiisa.

Jimicsiyada adage e faa’iidada leh ee mudada gaaban lagu qaban karo waxa ka mid ah kuwa daqiiqado kooban si aan kala joogsi lahayn loo sameeyo waxaana ka mid ah:

  • Jimicsiyada aadka u adag
  • In qofku waxyaabo culus qaado
  • In buuraha orod lagu fuulo

In qofku aad u neef tuuro

Joanne Whitmore oo ah kalkaaliso ka tirsan hay’adda daryeelka caafimaadka wadnaha ayaa tidhi "daraasaddan ballaadhani waxay muujinaysaa in marka laga hadlayo jimicsiga nuxurku aanu ahayn goorta aad samaynayo

‘‘ Waxa ugu muhiim sani se yahay in marka hore qofku dhaqdhaaq sameeyo.

‘‘Hadii aad mudada aad jimicsanayso ku soo koobto malin keliya iyo hadii aad todobaadka oo dhan u qaybinayso waa inaad beegsataa in aad 150 daqiiqo oo heer dhexe ilaa heer xawli ah oo jimicsi ah aad samayso todobaad kasta.

‘‘Jimicsigu wxuu kobciyaa caafimaadka waxaanu hoos u dhigaa khatrta uu qofku ku qaadi karo cudurrada ku dhaca habdhiska dhiig mareenka, wadnaha amaba faalig keeni kara.

‘‘Jimicsiga aadka u adag iyo ka dhexdhexaadk ah labaduba waxay qofka ku qasbaan inuu neef tuuro oo uu kodho garaaca wadnihiisu isaga oo ay u suurto galayso inuu hadli karo isaga oo xaaladaa ku jira.