Seeynisyahan aaminsan in gabowga yahay cudur, lana daweyn karo

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waayeelnimadu waa dhab oo waa lama huraan, waana halka uu qof walba ku dambeyn doono hadii uu nool-yahay, balse waa hidde-sidaha sida uu aaminsan yahay seenisyahan David Sinclair oo oo beeniyay.
Sida laga soo xigtay daraasad la sameeyay in ka badan labaatan sano ka hor, wuxuu sheegay in ay suurtogal tahay in laga hortago duqnimada degdegga ah, iyadoo lagu saleynayo dhowr arrimood, si qofka caafimaadkiisa loo sugo muddo dheer.
Seeynisyahan Sinclair wuxuu rumeysan yahay in dhowaan ay suurtogal noqon doonto in meesha laga saaro gabowga iyadoo la isticmaalayo dawooyin, kuwaas oo wali la tijaabinayo oo "laga yaabo in awood loo yeesho in la baabi'yo gabowga.
Saynisyahankan oo ah dhakhtar ka tirsan Jaamacadda Australia, iyo Machadka Teknolojiyadda Massachusetts ee Maraykanka, ayaa ka shaqeeya sheybaarka Jaamacadda Harvard, halkaas oo uu ka baarayo sababta aan loo duqoobo.
Dhowr abaalmarin oo dhanka seyniska ah ayuu ku guuleystay. Wuxuuna xitaa noqday qof caan ah.
Waxaa loo doortay inuu ka mid noqdo 100 -ka qof ee ugu saameynta badan adduunka, sida lagu qoray majaladda Time. Wargeyskaas waxay barta twitter-ka ku leedahay ku dhawaad 200,000 oo ku taxan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Cilmi-baaraha ayaa sidoo kale aasaasay dhowr xarumood oo cilmi-baaris ah, kuwaas oo qaarkood xoogga saaray gabowga ama ka hortagga duqowga.
Sinclair, sidoo kale waa qoraaga buugga Lifespan kaas oo eegaya rajooyinka maalmaha nolosha, wuxuu u noqday buugga ugu iibsashada badan.
Wuxuu wax ka qoray sheekada caanka ah ee gabowga lama huraanka ah.
Saynisyahanka wuxuu rumaysan yahay inay tahay in aan beddelno aragtidayada ku aaddan sida aan uga fikirno da'da: "Halkii aan u arki lahayn inay tahay uun hannaan caadi ah iyo ifafaale dabiici ah, waa in aan u aragnaa in gabowga yahay cudur la daaweyn karo," ayuu yiri.
Sinclair ayaa sheegaya in tani ay tahay isbeddel weyn oo ku dhaca hab-dhaqankeenna ku aaddan waayeelka kaas oo gacan ka geysan kara dheeraynta nolosha. Iyo in laga tago "khuraafaadka ah in qof walba ay khasabtahay inuu gaboobo", sida uu aaminsan yahay.
Arrimaha kale ee Sinclair uu sheegay waxaa ka mid ah: "daaweynta waxay naga caawin kartaa in aan sii noolaano, haddii ay tahay in aan taas si dhab ah u qaadanno."
Maxaa loo gaboobaa ama duqoobaa?
Saynisyahannadu waxay ogaadeen sagaal sababood oo suurtagal u noqon kara gabowga. Cilmi-baaristiisii socotay 25 sano ee la soo dhaafayna, waxay muujineysaa in labadaas ay kala yihiin:
- Waa mid aanu ka dhaxalnay waalidiinteenna
- Waxaa sababa bay'ada aan ku nool nahay iyo wakhtiga
"Waxaan u malaynayaa in ay kuwan yihiin sababaha aan u gabowno," ayuu yiri Sinclair.
Waxaad leedahay ma doonayo in aan duqoobo, maxay tahay sababta?
"Ma jiro sharci bayooloji ah oo dhahaya 'waa in aan gaboownaa'. Ma garanayno sida looga takhaluso fikraddan balse meesha waan ka saari karnaa haddii aan tan yarayno. Sheybaarkana wuxuu samayn karaa habkaas", ayuu sheegay ninkan seynisyahanka ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Qaabka aan u noolnahay maalin kasta waxay saamayn weyn ku leeyihiin nolol-maalmeedkeenna oo xitaa waxay soo gaabinaysaa maalmaha nolosheenna."
Samaynta waxyaabaha saxda ah waxay hoos u dhigi kartaa gabowga.
Intaas waxaa sii dheer, in ka badan 80% boqolkiiba, daryeelka caafimaad ee mustaqbalka ay ku xiran tahay sida aan u nool nahay ee kuma xirna Hidda sidaha, ayuu sheegay ninkan.
Waxaa jiro waxyaabo ay saynisyahannada ka ogaadeen dadka cimriga dheer.
Marka laga taxaddaro nooca saxda ah ee cuntada iyo xaddiga uu qofka cunayo, waxay qeyb weyn ka qaadan kartaa la dagaallanka gabowga. Jimicsiga ayaa sidoo kale caawiya ka hortagga gabowga.
Sidee bay arrimahan u caawiyaan yaraynta geedi socodka duqnimada?
Saynisyahannada waxay rumaysan yihiin in qaababka qaar ee nolosha ay jirka ka caawin karaan la dagaallamo "cudurka gabowga".

Xigashada Sawirka, Getty Images
Cilmi-baareyaasha waxay rumaysan yihiin in jimicsiga, oo si habboon loo sameeyo, iyo cunista cuntooyinka dheeli-tiran, ay gacan ka geysan doonaan in la yareeyo geedi-socodka duqnimada.
Gaboowga wuxuu sababaa cuduro badan sida wadne xanuunka, macaanka iyo cuduro kale.
Markaa fikradda ah in qofka laga dhigo mid u muuqda qof da'yar, ayaa ka dhigi doonta inuu si caafimaad ah ku sii noolaado.
Daraasad dhowaan lagu daabacay joornaalka Nature, waxay kor u qaadday arrinta il-baxnimada qadiimiga ah.
Waxay arrintaas muujinaysaa in hawlaha aan qabanno awgood, aynaan dib u dhigi karin gabowga ama aynaan ka hortagi karin in dadka ay duqoobaan.
200 oo sano ka hor, bini-aadamka wuxuu awood u lahaa inuu ku socdo xawaaraha faraska.
Waxaa jiro farsamooyin aan isticmaali karno si aan u xallino dhibaatadaas oo aan nolosha u wanaajino.

Xigashada Sawirka, Getty Images















