Maxay kawada hadleen Abiy Axmed iyo Xasan Sheekh oo ku kulmay Addis Ababa?

Madaxda Itoobiya iyo Soomaaliya

Xigashada Sawirka, Villa Somalia

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Sabtidii shalay booqasho ku tagay dalka Itoobiya, sida uu sheegay xafiiskiisa, waana calaamadii ugu xoogganeyd ee weli lagu muujinayo in uu soo hagaagayo xiriirka labada dal ee deriska ah, kaddib muddo sanad ah oo ay xiisad ka dhalatay qorshaha Addis Ababa ay ku dooneyso in ay saldhig ciidan uga sameysato Somaliland uu soo jiitamayay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u duulay dalka Itoobiya, isagoo ka soo kicitimay dalka Uganda, halkaasoo uu shalay oo Sabti ahayd uu kaga qayb galay shir looga hadlayay beeraha Afrika, sida lagu sheegay war qoraal ah oo lagusoo taabacay baraha bulshada ee xafiiska Villa Somalia.

Intii uu ku sugnaa Itoobiya, waxa uu wadahadallo la yeeshay madaxda Itoobiya si loo xoojiyo xiriirka labada dal iyo horumarinta mudnaanta la wadaago," ayaa lagu yiri bayaanka.

"Iskaashigan soo cusboonaaday wuxuu hoosta ka xariiqayaa waa cusub oo iskaashi oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Waxa kale oo ay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo oo kor loo qaado xiriirka laba geesoodka ah,sida lagu sheegay war-murtiyeedka wadajirka ah.

"Hoggaamiyeyaasha ayaa isku raacay in lasoo celiyo, korna loo qaado xiriirka u dhexeeya iyada oo loo marayo dib u hawlgalinta matalaadda dublamaasiyadeed ee labada caasimadood, sidoo kale Madaxda ayaa adkeeyay baahida loo qabo in la iska kaashado arrimaha gobalka, si dhawna looga wada shaqeeyo danta guud", ayaa lagu yiri bayaanka.

Itoobiya iyo Soomaaliya

Xigashada Sawirka, Villa Somalia

2-dii Jannaayo, Itoobiya waxay u soo dirtay Muqdisho wasiirkeeda gaashaandhigga, waana booqashadii ugu horreysay oo laba geesood ah tan iyo markii uu xumaaday xiriirka labada dal.

Xiisada ayaa dhalatay bishii Janaayo 2024 ka dib markii Itoobiya ay heshiis is afgarad ah la saxiixatay jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanideeda ee Somaliland.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Heshiiskii is-afgaradka ahaa, Somaliland waxay ahayd inay Addis Ababa ka kirayso dhul xeebeed ay ka samaysato ciidammada badda Itoobiya iyo deked ganacsi si ay suurtogal ugu noqoto aqoonsiga madax bannaanida Somaliland.

Wixii markaas ka dambeeyay Soomaaliya waxa ay Itoobiya ku eedaysay in ay wiiqayso midnimada dhuleed, waxa ay ku hanjabtay in ay ciidamadeeda nabad ilaalinta ah ka saarayso gudaha dalka, waxa kale oo ay xoojisay xiriirka ay la leedahay Masar iyo Ereteriya oo ah dalal ay si weyn isku hayaan Itoobiya.

Ka dib bilo badan oo wada hadallo is-daba joog ah iyo dadaallo dhexdhexaadin caalami ah oo aan natiijo laga gaarin ay socdeen, Soomaaliya iyo Itoobiya waxay ku heshiiyeen 11-kii Dec, wadahadalladii Turkiga iyo in laga wada shaqeeyo xallinta khilaafka iyo in la bilaabo wada xaajoodyo farsamo dhammaadka Febraayo.

"Iyadoo la tixraacayo khatarta halista ah ee sii kordheysa ee kooxaha xagjirka ah ee gobolka, madaxdu waxay isku raaceen in ay farayaan hay'adaha amniga ee kala duwan in ay sii xoojiyaan iskaashiga horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka," ayaa lagu daray bayaanka villa Somalia.

Heshiiskii Ankara

Xigashada Sawirka, Villa Somalia

War saxaafadeedka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in socdaalka madaxweynaha ee Addis Ababa uu daba socdo heshiiskii Ankara iyada oo lagu yiri,

"Ugu danbayn, waxa ay madaxdu adkeeyeen sida ay uga go'an tahay hirgalinta Heshiiskii Ankara iyada oo loo marayo jawi saaxiibtinimo iyo niyad-wanaag, waxaana la isla qaatay dardar-gelinta guddiyada farsamo ee hiragalinta heshiiskaas".

Maxay horay Somaliland uga tiri heshiikii Ankara?

Xukuumadda cusub ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa horraan ka hadashay heshiiskii ay Ankara ku gaareen madaxweynaha Soomaaliya iyo Raysal wasaaraha Itoobiya.

Afhayeenka Xisbiga Waddani Maxamed Faraax Cabdi, oo u warramay BBC-da ayaa ka hadlay aragtida Xisbigooda ee ku aadan Kulankii Ankara ku dhex maray Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Somalia iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya.

"Heshiiska ka dhacay Ankara waxba inagama khuseeyaan, waa labo dal anagnuna waxan nahay Somaliland, haddii ay heshiinayaan waa labo dal oo walaalo ah, in ay is raacaan oo heshiiyaan oo sheekeystaan waa iska caadi waxba nagama khuseeyaan", ayuu yiri Afhayeenka Xisbiga Waddani Maxamed Faraax Cabdi.

Dhinaca kale waxa uu ka hadlay moqifka ay xukuumaddu ka leedahay heshiiskii is-faham ee ay horay uwada galeen Somaliland iyo Itoobiya.

"MOU-ga Itoobiya anagu ma aynaan arag oo xukuumaddu hadda ayey talada la wareegtay, wan arki doonnaa, marka la arko ee la derso haddii ay danta Somaliland kujirto waa laga shaqeyn doonaa, haddii aysan danteenna kujirinna laga shaqeyn mayo, marka waxaynu sugi doonnaa in aynu aragno kaddib ayaan go'aan laga gaari doonaa", ayuu sii raaciyay.

Xukuumadda cusub ee Somaliland hadda weli wax war ah kama aysan soo saarin heshiiskii is afgarad.