Madaxweynaha la doortay ee Somaliland siduu u arkaa heshiiskii is afgarad ee Somaliland iyo Itoobiya?

Madaxweynaha la dootrtay ee Somaliland

Xigashada Sawirka, Cabdiraxmaan Cirro

Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday maadaxbanaanideeda ee Somaliland, waxay dooratay madaxweyne cusub markii afaraad. Doorashadan ayaa Muuse Biixi oo 7-dii sano ee u dambeeysay soo hogaaminayay Somaliland, waxa kaga adkaaday Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro).

Sida ku cad natiijada ay ku dhawaaqeen Guddiga Doorashooyinka Somaliland maalintii shalay ahayd ee Talaadada, madaxweyne Biixi ayaa helay ku dhawaad 35 boqolkiiba codadkii la dhiibtay. C/raxmaan Maxamed C/laahi oo ah Guddoomiyaha xisbiga Waddani ayaa helay 64% codadkii la dhiibtay.

Maxamuud Aadan Jaamac Galaal, oo ah afhayeenka xisbiga Madaxweynaha la doortay, oo waraysi siiyey barnaamijka wararka ee BBC News Day ayaa sheegay in doorashadu ay ahayd mid si weyn loogu tartamay balse ay u dhacday si habsami leh.

Afhayeenku waxa kale oo uu sheegay in doorashada Somaliland ay ahayd mid si xor iyo xalaal ah u dhacday marka loo eego waddamo badan oo gobolka ah.

Maraykanka iyo Itoobiya oo saamayn ku leh mandaqada ayaa iyaguna bogaadiyay doorashada Somaliland. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa toddobaadkii hore , qoraal ay soo saareen ku sheegay in doorashadu ay ku dhacday si nabad ah, dimoqraaddi ah oo xor iyo xalaal ah.

Warsaxaafadeed ay wasaaraddu soo saartay kadib markii lagu dhawaaqay natiijada doorashada Talaadadii, ayaa Madaxweyne Muuse Biixi iyo Murrashax Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ku ammaanay hoggaaminta dimuqraadiyadda ku dayasha leh.

Mid ka mdi ah qoddobadii ugu waaweynaa intii lagu jiray ololaha doorashada Somaliland waxa ka mid ahaa heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay Itoobiya iyo Somaliland kala saxeexdeen bishii December ee sannadkii hore. Is-afgaradku wuxuu u ogolaanayaa Itoobiya inay Somaliland ka kireysato xeeb dhererkeedu yahay 20 KM si ay u isticmaasho marin badeed iyo ganacsi.

Taas beddelkeeda, Itoobiya waxay ogolaatay inay aqoonsato Somaliland, sida ay sheegeen masuuliyiinta Hargeysa. Geesta kale, dawladda Itoobiya, ayaa ku dhawaaqday inay ogolaatay in Somaliland qeyb laga siiyo saami qaybsiga shirkadda diyaaradda Itoobiya, isla markaana “mawqif adag laga qaato” qadiyadda aqoonsiga dal ahaan.

Inkastoo la sheegay in heshiiska is-afgaradka ah loo bedeli doono heshiis wax ku ool ah muddo bil gudaheed ah marka ay labada dal kala saxiixdaan; ayaa hadana sannad ku dhowdahay kadib markii la saxiixay. Dhinaca kale, saxeexa heshiiskaasi waxa uu sii xumeeyay xiriirka u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya oo Somaliland u aragta qayb ka mid ah dhulkeeda.

Madaxweynaha La doortay ee Somaliland

Xigashada Sawirka, AFP

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Madaxweynaha la doortay Cabdiraxmaan Maxamed xilligii uu ku jiray ololihiisa doorashada; Wuxuu sheegay in xisbigiisa uu dib u eegis ku sameyn doono heshiiska. Inkastoo madaxweynaha la doortay uusan waligiis diidin heshiiksa MOU, haddana marka uu ka hadlayo wuxuu adeegsadaa erayo diblomaasiyadeed.

Afhayeenka xisbiga Waddani Maxamuud Aadam oo ay BBC-du waydiisay sida xisbiga madaxweynaha la doortay uu u arko heshiiska ayaa sheegay. "Xitaa doorashada ka hor, mawqifkayagu waa sidiisii, wuuna sii ahaanayaa," ayuu yiri, isaga oo sharraxaya in fikradda dib u eegista heshiiska aysan waxba iska bedelin.

Afhayeenka waxa uu ku dhawaaqay in xisbigiisu aanu faallo ka bixin Karin kana hadli karin heshiiska is-afgaradka ah ee ay Itoobiya la saxeexdeen wakhtigan. Maxamuud waxa uu ku sababeeyeen arintaas “Heshiiska oo aan loo soo bandhigin Xisbiga intii hawsha lagu guda jiray” iyo in “Xisbigu aanu dib u eegis ku samayn heshiiskaas wixii ka dambeeyay”.

Afhayeenka ayaa sheegay “Guud ahaan, si kastaba ha ahaatee, waanu soo dhawaynaynaa wada shaqayn kasta oo cadaalad iyo faa’iido ku jirto oo aan la yeelano deriskeena. Gaar ahaan Itoobiya waxay ahayd saaxiib weyn sannadihii la soo dhaafay ayuu yiri. Marka aan xafiiska la wareegno, waxa aan qiimayn doonaa wixii ay xukuumaddii hore qabatay,” ayuu ku jawaabay.

Maxamuud waxa uu sheegay in aanay jirin wax wada hadal ah oo ay kala yeesheen xukuumadda Somaliland oo ay la socdaan. "Inta ay og yihiin," ayuu xusay in xisbigoodu uusan wax wadahadal ah la yeelan Itoobiya.

Si kastaba ha ahaatee, xisbigu, sida xisbiyada kale ee xukunka haya, waxa uu mudnaan siin doonaa dadaallada lagu doonayo in lagu aqoonsado Somaliland dal ahaan, ayuu yiri afhayeenku. Waxa uu sheegay in xisbigoodu uu aaminsan yahay inay jirto “dacwad adag” oo ku saabsan Somaliland in loo aqoonsado dal.

Afhayeenka ayaa sheegay “Xisbiga Waddani ahaan; Madaxweynaha la doortay iyo xukuumadda uu soo dhisi doono muddo gaaban gudaheed ay ku dadaali doonaan sidii ay riyadaasi u noqon lahayd mid dhab ah, si loo helo aqoonsi ay ka helaan beesha caalamka.

Madaxweynaha la doortay ayaa la filayaa inuu xafiiska la wareego bartamaha bisha December.