Qaar ka mid ah safiirrada haweenka ah ee Soomaaliya ku matalaya dalal waawayn oo caalamka ah

Dr. Hodan iyo Dr. Khadiija

Xigashada Sawirka, Dr. Hodan iyo Dr. Khadiija

Qaar ka mid ah safaaradaha ugu waawayn ee Soomaaliya ee ku yaalla dalalka laga haybeysto ee caalamka ayaa sanadkaan waxaa qaarkood loo magacaabay haween Soomaaliyeed.

Dalalkaas ayaa waxaa ka mid ah Shiinaha, Belgium ka iyo Midowga Yurub, kuwaas oo loo arko qaar muhiim u ah dhanka diblumaasiyada Soomalaiya marka laga hadlayo xiriirka ay Soomaaliya ay leedahay caalamka intiisa kale.

Safiiradada ku matala Soomaaliya dalalkaas ee dhawaan loo magacaabay ayaa waxa ay yihiin haween lagu tuhmo in ay aqoon sare leeyihiin.

Safiirka Soomaaliya ee Belgium

Xigashada Sawirka, Amb Hodan Osman Abdi

Safaaradda Shiinaha

Danjire Dr. Hodan Cismaan Cabdi, Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, ayaa maanta si rasmi ah ugu gudbisay nuqulka Aqoonsiga Danjirenimo Agaasime Ku-Xigeenka Habmaamuuska Qaranka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, Mudane Li Jinjin.

Kulanka oo ka dhacay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Shiinaha ee magaalada Beijing ayaa astaan u ahaa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Shiinaha, sida lagu daabacay bogga safaaradada Soomaaliya ee Shiinaha.

Shiinaha waxaa uu ka tirsan yahay dalalka leh awoodda diidmada qayaxan marka ay go’aannada gaarayaan Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, sidaasi daraadeed Soomaaliya ayaa u aragta safaaradda iyo danijraha u fadhiya Shiinaha mid muhiim u ah xiriirka labada dal.

Danjiraha Cusub Dr. Hodan oo lafteedu sharraxaad ka bixisay muhiimadda ay u leedahay mas’uuliyadda matalaadda Soomaaliya, ayaa carrabka ku adkeysay sida labada dal ay iskaashigooda uga sii faa’iideysan karaan mustaqbalka.

“Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa ah laba dal oo xiriir qotodheer oo taariikhi ah wadaaga, kuna dhisan is ixtiraam iyo wada shaqeyn” ayey tiri Dr Hodan.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Intii uu socday kulanku, Danjiraha iyo Agaasime Ku-Xigeenka ayaa si gaar ah u adkeeyey muhiimadda sii xoojinta iskaashiga labada dhinac, iyagoo isla qaatay in la dardargeliyo qorshayaasha danaha labada shacab ka dhexeeya.

Shiinaha ayaa saameeyn weyn ku leh qaarada Afrika isago maalgashi dhaqaalle oo badan ku sameeyay dalal ka mida ah Afrika , dhawaana waxa lagu qabtay Beijing Shir madaxeedka dalalka Afrika iyo Shiinaha.

Danjire Dr Hodan ayaa lafteedu wax ku baraty dalka shiinaha waxayna si wanaagsan ugu hadashaa afka shiinaha, iyada oo aqoon u leh dhaqan shucuubta dalkaas.

Danijre Hodan Cismaan Cabdi waxa ay shahaadada PhD ka qaadatay Zhejiang University oo ku taalla dalka Shiinaha, waxayna soo noqotay Cilmi-baare ka tirsan Machadka Daraasaadka Afrika ee Jaamacadda Zhejiang Normal Univeristy, halkaas oo ay sidoo kale kasoo noqotay Agaasimaha Fulinta ee Xarunta Daraasaadka Bariga Afrika.

Ka hor intii aan loo magacaabin Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha, Dr Hodan wax ay xilal kal duwan ka soo qabatay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Tirada haweenka ee qabtay xilalkaan lagu matalayo dowladda Soomaaliya ayaa haweenka qaar waxay u arkaan fursad wayn oo ay heleen.

Danijre Dr Hodan oo BBC da uga warrantay sida ay u aragto fursadda ay heshay ayaa ku tilmaantay: “Masuuliyad culeyskeeda leh haddana farxadeeda leh“ waxayna uga mahadcelisay Madaxweynaha Soomaaliay iyo dowladda Soomaaliya fursada ay u siiyeen in ay dalkeeda u shaqeyso, iyadoo sheegtay maadaama ay Shiinaha wax ku baratay in ay aqoonteeda iyo kartideeda ay uga faa’ideyn doonto dalkeeda.

Shiinaha ayaa si gaar ah usoo dhaweeyay maadaama ay tahay safiirka kaliya ee si wanaagsan ugu hadla afka shiinaha. Waxa kale oo soo dhaweeyay safiirka Cameroon oo ah guddoomiyaha diblumaasiyiinta shisheeye ee Shiinaha kuwaas oo ka badan 200 oo safiir.

DR. Khadiija

Xigashada Sawirka, DR. Khadiija

Midowga Yurub

Dhanka kale midowaga Yurub waxa uu muhiim u yahay siyaasadda Soomaliya, maadama midowga yurub u yahay dalalka si weyn u kaalameeya sidii ay Soomalaiya cagaheeda ugu istaagi lahayd.

Dr Khadiija Cosoble Cali Safiirka Soomaaliya ee Belgium iyo Midowga Yurub ayaa dhawaan la wareegtay xilka safiirnimo ee ay ku mataleyso Soomaaliya. Waxay muddo kusoo jirtaya siyaasadda iyo ka shaqeynta arimaha bulshada waana qof si weyn looga yaqaan Soomaaliya .

Danijre Dr Khadiija Cosoble, waxay wax ku baratay dalka Mareykanka, iyadoo ka qaadatay shahaadada PhD ee Xallinta Khilaafaadka iyo Dhisida Nabadda oo ay ka qaadatay Jaamacadda George Mason.

Soomalaiya ayay horay waxay uga soo noqotay Wasiiru Dowle sanadihii 2000-2002dii ee dowladdii Cali Khaliif Galeyr, sidoo kale waxa ay soo noqtay xubin baarlamaan oo ka tirsan baarlamaankii Carta.

Waxaa aad loogu yaqaan kasoo shaqeyntaa arimaha bulshada oo ay muddo dheer kasoo shaqeeyneysay Soomaaliya .

Danjire Khadiijo Cosoble oo BBC da la hadashay ayaa sheegtay in ay ku faraxsantahay in ay ay dalkeeda safiir uga noqoto dalka Belguim iyo Midowaga Yurub.

“Waxay ii tahay sharaf in aan dalkeyga ku matalo halkan ugunu shaqeeyo khibrada iyo aqoonta aan leeyahay” ayeey tiri Dr. Kahdiijo Cosoble.

Midowga yurub ayaa soo dhaweeyay magacaabisteed iyagoo sheegay in ay ku faraxsanyihiin in dowladda Soomaaliya ay soo magacowdo qof dumar ah oo aqoon leh oo muddo dheer kasoo shaqeynaysay arimaha siyaasadda iyo arimaha bulshada Soomaaliya.