Goormee ayuu Cirro la wareegayaa xilka madaxtinnimada Somaliland?

Cirro

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Cirro, oo 69 jir ah, ayaa looga fadhiyaa inuu wax ka qabto dhaqaalaha iyo diblomnaasiyadda xumaatay sababo la xiriira heshiiska ay Somaliland la gashay Itoobiya

Dabaal-degyo ayaa xalay ka dhacay magaalooyinka waawayn ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland, kuwaasoo loogu hambalyeynayay madaxweynaha la doortay ee Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

Hoggaamiyaha mucaaradka ayaa shalay lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashadii dhowaan qabsoontay.

Cirro ayaa ku guuleystay 64% codadkii la tiriyay wuxuuna noqonayaa madaxweynihii lixaad ee Somaliland tan iyo intii ay ka go'day Soomaaliya inteeda kale sanadkii 1991.

Ninkan 69 jirka ah, horena usoo noqday guddoomiyaha baarlamaanka Somaliland, ayaa ka guuleystay madaxweynaha xilka haya Muuse Biixi Cabdi, oo 35% ka helay codadka.

Doorashadan ayaa waxay ahayd mid si wayn loogu tartamay islamarkana waxyaabo badan kaga duwanayd doorashooyinkii ka horreeyay.

Doorashadan ayaa marar badan dib loo dhigay waxaana taasi ka dhshay dibaxyo iyo is qabqabsi badan, balse ugu dambeyntii waxa ay qabsoontay 13 bishan November.

Madaxwaynaha imika xilka kasii degaya Muuse Biixi Cabdi ayaa muddo xileedkiisa oo ku ekaa sanadkii 2022 waxaa uu ku darsaday labo sano.

Intii uu ololaha ku jiray, Cirro ayaa sheegay in xisbigiisa uu dib u eegis ku sameyn doono heshiiskii Somaliland ay la gashay Itoobiya kaasoo 20km (12-meyl) oo ka mid ah xeebta muddo 50 sano ah uga kireyneyso dalkaas si uu saldhig ciidanka badda uga sameysto - heshiiskaasoo gobolka ka abuuray xiisad didblomaasiyadeed.

Itoobiya

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha xilka ka sii degaya Muuse Biixi Cabdi ayaa horraantii January heshiiska is af-garad la saxiixday raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed

Heshiiska ayaa xumeeyay xiriirka Muqdisho ee Itoobiya, oo ka mid ah ciidamada nabad-ilaalinta Soomaaliya ee la dagaallamaya kooxda al-Shabaab, wuxuuna heshiiskaasi Soomaaliya u dhoweeyay dalalka aysan Itoobiya isku fiicneyn ee Masar iyo Eritrea.

Soomaaliya waxaa ay u aragtaa Somaliland inay ka tirsan tahay Jamamuuriyadda Fadealka Soomaaliya, heshiis kast oo ay la gasho waddan kale uma aqoonsana in uu yahay mid sharci ah maaddaama uusan oggolaansho ka haysan Muqdisho.

Maalin ka dib markii la saxiixay is-afgaradka, Soomaaliya waxay heshiiska ku tilmaantay fal "gardarro" ah oo "caqabad ku ah nabadda iyo xasiloonida". Waxaa kale oo ay u yeedhay safiirkeedii joogay Addis Ababa.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo horey u caddeeyay mowqifkiisa ayaa mar kale yiri "dalkeenna waan difaaci doonnaa, waxaan ku difaaci doonnaa wax kasta oo lagama maarmaan ah, taageero ayaan weydiisan doonnaa cid kasta oo gacan naga siinaysa."

Goormee ayuu la wareegayaa xilka?

Somaliland

Xigashada Sawirka, Cabdiraxmaan Cirro/Facebook

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo madaxweynaha xilka ka sii degaya Muuse Biixi Cabdi, ayaa la filayaa in ay xil wareejintoodu dhacdo, muddo bil gudaheed ah, sida uu BBC-da u sheegay garyaqaan Mubaarik Cabdi Ismaaciil, "Sida distuurka Somaliland dhigayo, muddo bil ah gudaheed ayey xil wareejinta iyo dhaarinta m adaxweynaha cusub dhacaysaa, muddadaas bisha ahna waxay ka bilaabmaysaa maalintii doorashadu dhacday ee 13 November, markaa maalinta xil wareejintu waxa ay ku beegan tahay 13 December." Ayuu yiri.

Muddada bisha ah ee kala guurka ah ayaa waxaa dhaca dhawr qodob oo ay ka mid yihiin in maxkamadda sare ay ansixiso natiijada guddida doorashooyinku ku dhawaaqeen, haddii cabasho laga muujiyo natiijada doorashada in la dhammeeyo, in la magacaabo guddida xil wareejinta iyo diyaarinta xafladda caleemo saarka.

Inkasta oo aanay jirin maalin cayiman oo ay dhacdo xafladda xil wareejinta madaxtinnimada Somaliland maaddaama oo ay doorashooyinku waqtigooda dib uga dhacdaan mararka qaarkood, haddana madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Muuse Biixi ayaa markii uu ku guulaystay doorashada madaxtinnimada ee dhacday 13 november 2017-kii, waxa uu xilka la wareegay 13 December 2017-kii.

Inta uusan Cirro xilka la wareegin ma magacaabi karo xubnaha dowladdiisa, balse toddobaadka ugu horreeya ee xafiiska ayay u badan tahay inuu bilaabo howshaas.

Caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee Somaliland waxaa ka qayb gala wufuud laga soo marti qaado dalalka Bariga Afrika iyo dublamaasiyiinta dalalka Reer-Galbeedka ee xaruntoodu tahay Muqdisho iyo Nairobi.