Maxaad ka taqanaa Maxamuud Xaashi, siyaasiga ay 'Jookarka' ugu yeeraan taageerayaashiisu?

Guddoomiyaha Xisbiga Kaah

Markii uu guuleystay ururka Kaah ee uu aasaasay, soona galay kaalinta labaad ee codadkii la dhiibtay, waxaa muuqatay in hambalyo xoog le uu ka helay gudaha Somaliland siyaasi Maxamuud Xaashi, sida ay muujinayeen muuqaallo ku baahay baraha bulshada oo ay taageerayaashiisu ugu wacayaan "Jookarkii siyaasadda".

Maxamuud Xaashi ayaa lagu tilmaamaa siyaasi weyn "oo qaan gaar ah" marka loo eego waqtiga uu siyaasadda ku jiray. Muddo ka badan 35 sano ayuu qayb ka ahaa siyaasadda Somaliland.

Waayihiisii siyaadda marka dib loo eego, waxa lagu xasuustaa in uu 1993 dii ku biiray baarlamaanka Somaliland - xilligaas oo uu ahaa xubin mucaarad ah oo aad uga dhex muuqatay Baarlamaanka, sida uu BBC da u sheegay Cabdinaasir Xaaji oo daraaseeya waxna ka qora siyaasadda Somaliland. Muddo 12 sano ah ayuu sheegay in uu ku jiray baarlamaanka.

Waxa uu inta ku daray in uu goobjoog ka ahaa aasaaskii Somaliland, markii dambana uu noqday maayarka magaalada Burco, kadibna wasiir ayuu ka noqday xukuumaddii Somaliland.

Xilliyadaas oo dhan ayuu sheegay in uu Xaashi mar walba ka dhex muuqday siyaaadda Somaliland, oo u ahaa siyaasi cadcad.

Falanqeeye Siyaasadda Somaliland

Xigashada Sawirka, Cabdinaasir Axmed Xaaji

Cabdinaasir oo ka warramayay shaqsiyadda Xaashi ayaa yiri: “Waxaa uu qeyb ka ahaa sababaha ay siyaasadda Somaliland ay ku fadhido sida isbaheysiyada iyo cidda guuleysaneysa, waxaana dad badani ay ku tilmaaman siyaasad sameeye".

Isaga qudhiisa - Maxamuud Xaashi - xilli uu ka hadlayay meel fagaare ah ayuu waxaa uu ku tilmaamay xisbigiisa "Boqor Sameeye".

Maxamuud Xaashi, Guddoomiyaha Xisbiga Kaah oo BBC da la hadlayey doorashada ka hor ayaa sheegay, in uu doonayo “ in Somaliland ay ka dhacaan isbeddel siyaasadeed, in dhalan gedis dhaqanka siyaasadeed lagu sameeyo”, isagaoo intaas ku daray in aragtidiisu aanay ahayn hal hoggaamiye oo hal hoggaamiye lagu beddelo ama guddoomiye xisbi oo guddoomiye xisbi uu beddelo ama magac xisbi oo magac xisbi oo kale lagu beddelo.

Xaashi ayaa sheegay in barnaamijkooda siyaasdeed qodobka ugu weyn uu yahay "aragti in aragti lagu bedddelo".

Door noocee ayuu ku lahaa xisibigii Kulmiye? goorma ayeyse isku dhaceen ?

Xisbiga Kulmiye oo muddo dheer hayay talada Somaliland ayuu Maxamuud Xaashi waxa uu qayb ka ahaa aasaasayaashiisa, sida uu BBC da u sheegay Cabdinaasir Xaaji oo intaas raaciyay in Xaashi qayb ka qaatay ololihii doorashada ee ku soo baxay madaxweyne Muuse Biixi sanadkii 2017kii.

"Sababta ugu weyn ee uu u dhisay ayaa ayaa lagu tilmaama in ay ahayd in uu noqdo qofka ku wareegayo Xisbiga Kulmiye marka uu Muuse Biixi madaxweyne noqdo iyo in isaga loo doorto guddoomiyaha xisbiga", ayuu yiri Cabdinaasir.

Balse waxa uu sheegay in doorashada kadib aysan sidaas waxa u dhicin, halkaas uu ka bilowday khilaaf u dhaxeeya labada siyaasi.

Xafiiska ururka Kaah

Fursadda uu ku sameeyay ururka Kaah oo hadda Xisbi noqday

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sida uu BBC da u sheegay Cabdinaasir Axmed Xaaji, "fursaddan uu ku dhisay xisbiga Kaah aaya ku timid khilaaf kale oo u dhaxeeyay xukuumada madaxweyne Biixi yo mucaaradka koobaad, kadib markii xukuumaddu ay ku dhawaaqday in la furo ururada. Inkasta oo ay ka careysiisay arrintaasi mucaraadka marki dambe waxaa soo faragelisay maxkamadda sare oo xukuntay in ururada la furi karo.

Intaas kadib waxa uu sheegay Cabdinaasir in Maxamuud Xaashi uu ahaa qof marwalba saameyn ku yeelan karay xildhibaanada Somaliland xiligii ay ololaha ku jireen, waxaana soo baxay xildhibaano ay isku afkaar yihiin balse ka soo galay xisbiyo kale.

Guusha Maxamuud Xaashi iyo xisbigiisa ayaa loo tirinayaa kadib markii uu isbaheysi la galay xisbiga Waddani oo hadda ku guuleeysaty madaxtanimada Somaliland, isbaheysigaas oo suurta geliyay in Cabdiraxamaan Cirro uu ku guuleeysto madaxweynaha la dooratay ee Somaliland, sida uu qabo qoraagan siyaasadeed.

Waxaase la is weeydiinayaa saameyn nooce ah ayuu Maxmuud Xaashi ku yeelan karaa mustqabalka dowladda uu soo dhisi doono xisbiga Waddani maadama ay isbaheysi ahaayeen.

Cabdinaaris oo su’aashaasi ka jawaabayey ayaa sheegay in ilaa iyo hadda aysana jirin cid oddorisi karta qaabka ay saameyntiisu noqon doonto, "laakin waxa heshiiskoodii hore ku jirtay in haddii xisbiga Waddani u talada ku guuleysto in talada wax laga sii doono Kaah, marka waxaa la qiyaasayaa in ay golaha wasiiarada ay qeeyb ku yeelan doonaan marka xisbi mucaard ah in uu dowladnimadii qeyb ka noqdo waa su’aal u bahaan in la ogaado” ayuu yiri Cabdinaasir.

Maxamuud Xaashi laftiisa ayaa mar uu ka jawaabayey waxa ay ka faa’idayaan isbaheysiga ay la galeen Waddani wareysi ay BBCdu ay la yeelatay ka hor doorashada ku sheegay in isbaheysiga ay ka faa’idi doonaan seddex arimood oo ay ugu weyntahay "In Somaliland uu is beddel ka dhaco” isagoo intaas ku daray in ay dowladda dhalaneysana ay wax ku yeelan doonaan.