Muxuu heshiiska isbahaysi ee Waddani iyo Kaah ka beddeli karaa saaxada Tartanka doorashooyinka Somaliland

wadani iyo Kaah

Magaalada Hargeysa, waxa maanta heshiis isbahaysi siyaasadeed oo ay yeelan doonaan ku kala saxeexday Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani iyo Urur-siyaasadeedka Kaah.

Heshiiskan oo guddoomiyeyaasha Kaah iyo Waddani, Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Murrashaxa Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro kala saxiixdeen, ayaa nuxurkiisu ahaa sidii ay u yeelan lahaayeen iskaashi iyo isbahaysi dhinaca doorashooyinka ah.

Madasha heshiiskan lagu gaadhay, ayaa waxay labada dhinac ku balan qaadeen in ay si wadajir ah uga shaqaynayaan sidii Somaliland uu uga dhici lahaa isbeddel siyaasaddeed, oo ay ugu yeereen "mid badbaado u ah Somaliland".

Waa tallaabadii siyaasadeed ee ugu horreysay ee ay qaadeen Kaah iyo Waddani ka hor doorashada isku sidkan ee madaxtooyada iyo Ururrada ee la filayo inay ka qabsoonto Somaliland bisha Nofember ee sanadkan.

Dadka ka faallooda siyaasadda Jamhuuriyada iskeed Madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa qaba in doorashada Nofember ay tahay mid ka mida doorashooyinkii ugu adkaa dhanka loolanka.

Maxay yihiin qodobada ay ku heshiiyeen Wadani iyo Kaah

kaah iyo waddani

Xigashada Sawirka, Waddani

Hoggaanka Xisbiga Waddani iyo Urur-siyaasadeedka Kaah, waxa ay qalinka ku duugeen heshiis iskaashi siyaasaddeed ah oo ka koobnaa seddex iyo toban qodob.

Qodobka heshiiska ugu saamaynta badan ee la saxiiday waa in ururka Kaah ay "taageerayaashiisu u codeeyaan doorashada soo aadan murashaxa madaxeyne ee xisbiga Wadani Cabdirixmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro".

Halka Ururka siyaasadeedka Kaah uu isna wax ka heli doono xukuumada uu soo dhisi doono Xisbiga Waddani "haddii ay doorashada ku guulaystaan".

Arrinta xusida mudan waa in taageerayaasha Ururka Kaah ay leeyihiin laba codayn oo kala ah inay doortaan Xisbi maadaama ururrada ay galayaan tartanka ay ugu gudbayaan Xisbi, iyo Murashax madaxweyne, maadaama ururkoodu uusan lahayn murashax madaxweynanimona ay codkooda u weecin doonaan Cabdirixmaan Cirro oo xilka Madaxweynaha u taagan.

Waxaa kale oo labada dhinac ay ku heshiiyeen in dib loo furo dastuurka Somaliland, si dib u eegis loogu sameeyo hannaanka Saami qaybsiga iyo in xalka Gobolka Sool loo maro nabad iyo wadahadal.

Maxay ka yidhaahdeen Hoggaanka labada dhinac isbahaysigan ay sameeyeen

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Isbahaysigan siyaasadeed ee ay Waddani iyo Kaah yeesheen, ayaa masuuliyiinta labada dhinaca ku tilmaameen mid hormuud ka noqonaya isbeddel siyaasadeed oo Somaliland ka dhaca 13 Bisha November, 2024.

Afhayeenka Xisbiga Waddani Maxamed Faarax oo la hadlay BBC-da, ayaa sheegay in Isbahaysigan uu yahay mid dhabbaha u xaaraya in Xisbiga Waddani ku guuleysto talada Somaliland "Heshiiskan waa mid taariikhi ah oo shacabka Somaliland dan u ah, waxaanu si wadajir ah uga shaqaynaynaa sidii Waddanka loo badbaadin lahaa" ayuu yidhi Afhayeenka Xisbiga Waddani.

Somaliland, waxa iska diiwaan geliyey 10 urur-siyaasadeed oo u tartami doona doorashada, haddaba muxuu Xisbiga Waddani uga xushay in uu heshiis la galo Kaah. Afhayeenka Xisbiga Waddani oo su'aashan BBC-da weydiisay ayaa yiri "Ururka Kaah.

Waa kan ugu tunka weyn marka Ururrada kale la eego, waxaan is leeyahay isbeddelkaas waad ka wada shaqaynaysaan waa mid guulaysan doona. Ururrada kale waan soo dhawaynaynaa in aan heshiis noocan oo kale ah la galno"

Afhayeenka Urur-siyaasadeedka Kaah, Xasan Cabdillaahi Mataan, oo u warramayey BBC, ayaa sheegay in heshiiskan yahay fursad weyn oo labada dhinac u fududaynaysa in ay guul ka gaadhaan doorashooyinka bisha November.

Afhayeen Mataan, waxa uu sheegay in Ururkooda Kaah doonayaan inay Xisbi Qaran noqdaan, isla markaana ay Waddani ku taageerayaan sidii Murrashaxiintiisu ugu guulaysan lahaayeen talada dalka "Heshiiskan ujeeddadiisa ugu weyn waa badbaada Somaliland. Waa heshiis lagu soo celinayo midnimadii iyo walaalnimadii shacabka Somaliland"

Maxaa keenay xilligan isbahaysigan

isbahaysiga

Xigashada Sawirka, Waddani

Heshiiska iskaashi ee Waddani iyo Kaah, waxa uu ku soo beegmay, iyada oo 100 maalmood ka hadhsan tahay doorashooyinka Madaxtooyada iyo Ururrada.

Dr. Axmed Faarax Iidle (Axmed Saki), oo ah Cilmi baadhe iyo Barre ka tirsan Jaamacadda Hargeysa, ayaa tilmaamay in sababta ay wakhtigan ugu soo beegeen heshiiskan ay tahay, "madaama doorashadu kaabiga u saaran tahay in cadaadis siyaasadeed ay saaran Xisbiga talada haya".

"Waxaad moodaa in Xisbiga Waddani isticmaalayo xeelad kasta oo uu ku doonayo inuu ku hanto talada Somaliland, waana tan keenaysa in xilligan uu isbahaysi la samaysto Ururka Kaah, oo ah mid miisaan leh" ayuu yidhi Dr. Axmed-saki Faarax oo u warramayey BBC-da.

Qorshaha ay maanta ku gaareen heshiiska labada dhinac ayey sheegen inay soo socotay muddo sanad ku dhow.

Heshiiskan muxuu ka beddeli kara dheellitirnaanta siyaasadda iyo doorashooyinka

Sida uu BBC-da u sheegay Dr Axmed Saki, in heshiiskan uu aragtiyo cusub ku soo kordhinayo saaxadda Siyaasaddeed ee Somaliland.

“In Urur iyo Xisbi tartan ka dhexeeyo in ay isbahaysi samaystaan waa arrin ku cusub Siyaasadda Somaliland."ayuu intaas raaciyey

Wuxuu intaa raaciyey in isbahaysigan uu culays ku noqon karo Xisbiga talada haya ee Kulmiye kaas oo Somaliland hoggaaminayey afar iyo tobankii sano ee la soo dhaafay.

Xisbiga Waddani, ayaa laftiisu doorashadan u tartami doonna sidii ku sii xajisan lahaa Xisbinimadiisa, sidaas oo kale ururka Kaah ayaa isaguna doonaya inuu ka gudbo dayrka ururnimo oo ka mid noqdo saddexda ugu danbayn noqda Xisbi buuxa.

Halkaa markay joogto, Dr, Axmed Saki, oo ah falanqeeye si dhow ula socda siyaasadda Somaliland ayaa qaba in ururka Kaah iyo hoggaankiisu ay qaateen ‘khamaar Siyaasaddeeed’.

"Waxaa walaac badan ka taagan yahay, haddii taageerayaasha Waddani goostaan in keliya ay soo saaraan Xisbiga Waddani, isla markaana murrashaxiisa u codeeyaan, markaa waxaad moodaa in Ururka Kaah ciyaaray khamaar siyaasaddeed oo ah in ay lumiyeen dad xagga Xukuumadda ah iyo kuwa kale oo mucaarad ah, iskuna koobeen oo keliya taageerayaashooda iyo kuwa Waddani.”ayuu BBC-da u sheegay Dr Axmed Saki.

Waa markii labaad ee sidan oo kale ay Xisbi iyo Urur siyasaadeed heshiis isbahaysi iyo wadashaqayn kala saxiixdaan.

Sanadkii 2010-kii Xisbiga tallada haya ee Kulmiye oo xilligaas ahaa mucaarad ayaa heshiis isbahaysi ah la qalay urur la oron jiran Qaran kaas oo markii danbe ku biiray Kulmiye oo ay isku meel doorashada ka galeeen.

Jamhuuriyada Iskeed madaxbanaannida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa ka mid ah deegaannada gobolka bariga Afrika dadka codkooda ku soo doortaaan kuwa iyaga hoggaaminaya.