Caa'isha: 'Xirfadda sawir-qaadista waxaan ka dhaxlay qoyskeyga'

Caa'isha Subeyr

Xigashada Sawirka, Caa'isha Subeyr

Qoraalka sawirka, Caa'isha waa muuqaal duube iyo sawir qaade ku sugan Muqdisho
    • Author, Issak Malin
    • Role, Waiye

Caa’isha Xasan Subeyr waa gabar ku shaqeysa xirfadda kaamirada waana muuqaal duube iyo sawir-qaade ku sugan magaalada Muqdisho, xirfadda ay haatan ku shaqeyso ayay horay ugu shaqeyn jireen aabbaheed iyo awowgeed waxa ayna sheegtay in tani qoyskeeda u tahay dhaxal maaddaama iyada iyo adeeryaalkeed ay ka shaqeeyaan haatan.

Caa’isha waxa ay ku dhalatay magaalada Muqdisho waana curadda qoyska aabe Xasan, heerarka kala duwan ee waxbarashada ayay ku soo qaadatay Muqdisho illaa ay ka qalin jabisay culuum la xiriirta saxaafadda.

Sanadkii 2016 ayay ku soo biirtay xirfadda muuqaal duubista iyo sawir qaadista, inkasta oo tan iyo yaraanteeda ay jecleyd oo marka ay kaamira aragto qaban jirtay, waxa ay BBC-da u sheegtay in aabaheed iyo awowgeed ay ka shaqeyn jireen xirfadaan taasina ay u sahashay jaceylka ay u qabto kaamirada.

Awowgeed, aabaheed iyo dadka kale ee qoyska Caa'isha ee ku shaqeeya warbaahinta

Caa’isha awowgeed waxa uu ka shaqeyn jiray wasaaradda warfaafinta Soomaaliya si gaar ah waxa uu uga howlgali jiray Radio Muqdisho iyo wargeys qoraal ahaa oo ku hadli jiray afka dowladda sida ay BBC-da u sheegtay.

Dhanka kele aabe Xasan ayay ugu suurtagashay in uu ka shaqeeyo warbaahinta maadaama uu uga horreeyay aabihiis oo Caa’isha awoowe u ah, waxa uuna u raaci jiray goobtiisa shaqada tan iyo markii uu soo qaangaaray, iyadoona halkaasi ay uga dhalatay in uu bilaabo xirfadda saxaafadda, waxa uuna ka shaqa bilaabay warbaahinta dowladda gaar ahaan farsamo yaqaan oo uu ka bartay aabihiis, balse waxa uu balaariyay xirfadihiisa isagoona ka shaqeeyay qeybaha kala duwan ee warbaahinta sida muuqaal-duube, sawir-qaade iyo wariye.

Caa’isha ayaa sheegtay in aabbaheed uu ku dhintay qarax ka dhacay mid kamid ah hoteelada ku yaala magaalada Muqdisho sanadkii 2009-kii xiligaas oo uu shaqo muuqaal duubis ah u aaday xaflad ka socotay hotteelka, halka awowgeedna uu dhintay sanadkii 2016, ‘’Awoowe iyo aabe waligood wax kale ma aysan ka shaqeyn, waxaan aaminsanahay qoys warbaahin inaan nahay oo irsaaqadeena meel kale jirin,’’ ayay tiri Caa’isha.

Caa'isha Subeyr

Xigashada Sawirka, Caa'isha Subeyr

Qoraalka sawirka, Caa'isha aabaheed xilli uu ku guda jiray shaqada warbaahinta

Waxaa kale oo haatan xirfadda saxaafadda ku jira ilaa saddax adeeryaal u ah Caa’isha oo qaarkood furtay goobo lagu barto farsamada kaamiradaha iyo duubista muuqaalada ama qaadista sawirada.

Mar aan wax ka weydiinay qaabka ay ku soo gashay warbaahinta iyo halka ay xirfadda ka baratay ayay inoo sheegtay in yaraanteedii ay arki jirtay aabaheed marka uu shaqada ka yimaado isaga oo wata kaamarado iyo qalab warbaahin, waxa kaliya ee isheedu qaban jireena ahayd qalabka wax lagu duubo oo ay ku aqliyeysatay, sidaasna ku jeclaatay xirfadda sawir qaadista.

Caqabadaha ay la kulantay sawir qaade Caa’isha

Xirfadda kaamiradda oo ay rag iyo dumar ka shaqeeyaan ayaa leh caqabado siyaabo kala duwan u soo wajahda xiliyada ay shaqo jirto, waxaana jirta in qofkasta mid gaar ah soo wajahdo taas oo ku reebi karta saameyn maskaxeed ama ku abuuri karta niyad jab.

Caa’isha ayaa inooga sheekeysay qaar kamid ah caqabadihii soo wajahay intii ay xirfadaan ku guda jirtay, ‘’Mar ayaa la iidiray xildhibaanad kamid ah baarlamaanka Soomaaliya waxaana ila socotay gabar wariye ah, si aan uga duubno muuqaal taxane ahaa, balse erayga koowaad ee ay idhahday waxa uu ahaa sidee waxaan ku sameyn kartaa?, taas oo saameyn igu yeelatay aniga, waxa aana ugu jawaabay eray kulul oo ahaa fadhiiso shaqada naloo soo diray anaga ayaa qabaneynee,’’ ayay tiri.

Caa'isha Subeyr

Xigashada Sawirka, Caa'isha Subeyr

Qoraalka sawirka, Qaar kamid ah sawirrada ay qaadday Caa'isha Subeyr
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxaa kale oo ay inoo sheegtay in caqabad ay la kulantay xilligii ay socdeen cayaaraha dowlad goboleedyada oo ay muuqaal duubis iyo sawir qaadis u joogtay garoonkii uu ka socday tartankaas, iyadoona la kulantay hadallo aan u wanaagsaneyn in ay maqasho oo ay dhahayeen dadkii ka agdhawaa xiligii ay howsha ku jirtay, waxa ayna sheegtay in ay maqashay iyada oo la leeyahay ‘’maxay la ordeysaa qoftaan jiko ayaa u danbeysa, maxay isku waalee wiilasha meesha ay ka boodaan kama boodi kartee, waxaan laba maalin waaye, kaliya waxa ay ka rabtaa in la buunbuuniyo’’ iyo ereyo kale oo ay dhibsatay intii uu socday tartanka dowlad goboleedyada.

Balse markii ay soo gaba gaboobeen cayaaraha dowlad goboleedyada ayay wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha gudoonsiiyeen Caa’isha shahaado sharaf ah ‘haweeneyda ugu wanaagsan ee sawir qaade’ ka noqotay tartankii kubadda cagta dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, dhanka kale waxa ay ku guuleysatay sanadkii 2023 iyo 2024, bilada abaal marinta ‘sawir qaadaha ugu wanaagsan’ waxaana gudoonsiiyay Mogadisho Awards.

Caa'isha Subeyr

Xigashada Sawirka, Caa'isha Subeyr

Qoraalka sawirka, Waxa ay ku geeleysatay abaalmarin iyo shahaado sharaf ay ku muteysatay shaqada muuqaal duubista iyo sawir qaadista

Dhanka kale Caa’isha ayaa la kulantay dad badan oo ku dhiiragaliyay xirfadeeda kuna amaanay muuqaalada ay duubtay iyo sawirada ay qaaday, waxa ayna sheegtay in aysan waxba u arkin dadka sida aan wanaagsaneyn ula dhaqma, haatana aysan saameyn ku yeelan hadalada qaar.

Caa’isha waxa ay ka soo shaqeysay qaar kamid ah warbaahinta gaarka loo leeyahay iyo wasaaradda warfaafinta Soomaaliya oo ay muddo gaaban la shaqeeneysay sidoo kale waxa ay barnaamijyo u duubtay, sawirana u qaaday xarumo iyo hay’ado aan dowli ahayn oo madaxbanaan.

Gabadhaan da’da yar ayaa tiigsaneysa in ay hirgaliso goob xirfadda kaamiradda lagu baro dumarka si ay u nooleyso maga aabaheed, una muujiyo jaceylka ay u qabto kaamiradda.