'Sida uu sawir aan qaaday u halleeyay telefoonno badan'

Xigashada Sawirka, GAURAV AGRAWAL
Gaurav Agrawal, oo ah seynisyahan sidoo kale sawir qaade ah oo ku nool magaalada San Diego, wuxuu aamini waayay markii uu si lama filaan ah u arkay sawir uu qaaday xagaagii lasoo dhaafay oo qabsaday hadal-heynta wararka caalamka.
Wuxuu sawirkaas bishii August ee sanadkii 2019-kii ku qaaday harada St Mary ee ku taalla xerada xayawaanka duur doogta ah ee Glacier National Park, taasoo ku taalla gobolka Montana ee dalka Mareykanka.
Wuxuu sawirray muuqaal gabbaldahc ah oo aad u qurux badan. Waa sawir qaade laakiin wax lacag ah kuma iibiyo sawirrada quruxda badan ee uu sameeyo.
Sidaas awgeed, sawirkii wuxuu soo dhigay bar lagu daabaco sawirrada oo lagu magacaabo Flickr, halkaas ayuuna uga haray.
Hase yeeshee, cillad lama filaan ah oo sawirka raacday ayaa sabab u noqotay in telefoonno badan oo shaashaddooda la saartay ay hallaabaan. Cilladda waxay ka socotay dhinaca seynisyahanka sawirkaas lahaa.
Telefoonnadii sawirkaas lagu shubay oo dhan waxaa khasab noqotay in xogtii ku jirtay oo dhan laga masaxo, si dib loogu hagaajiyo.
Isbuucii lasoo dhaafay, qoraal Twitter-ka lasoo dhigay oo arrintaas ku saabsan ayaa si weyn u faafay - sidaas awgeedna, Mr Agrawal wuxuu lasoo xiriiray BBC-da.
"Ma jiro wax aan u sameeyay si ula kac ah," ayuu yiri. "Waan ka murugeysanahay in dad badan ay arrintaas dhibaato kala kulmeen."

Xigashada Sawirka, Gaurav Agrawal
Cilladdan waxay u muuqataa inay telefoonnada qaar halleyneyso, laakiin ma aha dhammaan telefoonnada ay shirkadaha kala duwan soo saaraan.
Si kastoo ay ahaataba waxaa lagaaga digay inaad tijaabiso.
"Wuxuu ahaa gabbaldhac sixir ah," ayuu yiri Mr Agrawal oo BBC-da uga warramayay galabta uu sawirkaas qaaday, isagoo xaaskiisa la joogay xerada xayawaanka duur joogta ah.
Wuxuu ahaa safarkoodii saddexaad oo ay halkaas ku tagaan, iyagoo ujeeddadooduna ay ahayd inay helaan sawir cajiib ah.
"Cirku wuxuu ahaa casaan, daruuro isdul saaranna way ka muuqdeen, waxaana isku raacnay inaysan jiri karin mar ay sidaas ka qurux badan tahay xilliga ay qorraxda dhaceyso. Waan ka tagnay goobtii markii uu muuqaalkii isbaddalay."
Sawirkaas quruxda badan wuxuu ku qaaday kaamiradiisa, oo nooceedu yahay Nikon, markii dambena xoogaa ayuu sawirkii tifaftiray isagoo adeegsanaya mid ka mid ah adeegyada tiknoolojiyadda ee loo yaqaanno software-ka.
Waa halkaas meesha ay cilladda ka raacday sawirka, inkastoo seynisyahanku uu sheegay inuusan ka warqabin waxa dhacay.
Software-ka uu adeegsaday oo lagu magacaabo Lightroom wuxuu sawirrada u yeelaa saddex midab oo kala nooc ah, kuwaasoo ku kordhiya bilicda.
Mid ka mid ah midabbadii uu Mr Agrawal qaatay ayaan la shaqeynin barnaamijka ay ku shaqeeyaan telefoonnada Android-ka qaarkood.
Sababta uu ku fahmi waaay cilladda waxay ahayd maadaama uusan waligiis isku dayin inuu tijaabiyo.

Xigashada Sawirka, Google
"Ma aanan ogeyn in habka aan adeegsaday uu dhibaatadan keeni doono," ayuu yiri. "Aniga waxaan heystaa iPhone, shaashaddana mar kasta waxaa ii saaran sawirka xaaskeyga."
Mr Agrawal wuxuu taageerayaal ka badan 10,000 ku leeyahay barta sawirrada lagu daabaco ee Flickr.
Sawirro iyo muuqaallo uu horay u sameeyay waxaa isticmaalay majalladda caanka ah ee National Geographic.
"Waxaan jeclaan lahaa in sawirka aan qaaday uu baraha bulshada ku faafo isagoo sabab wanaagsan wata, laakiin waxaa laga yaabaa taas inaysan hadda ahayn oo mar kale ay dhici doonto," ayuu yiri.
"Hadda kaddib waxaan isticmaali doonaa qaab kale oo aan sawirrada ku qurxiyo."










