Culimada Soomaaliyeed oo ka hadlay geerida Ismaaciil Haniyeh

Xigashada Sawirka, X
Waxaa tan iyo markii la baahiyey warka ku saabsan geerida hoggaamiyihii garabka siyaasadda Xamaas ee Ismaaciil Haniyah, oo lagu dilay magaalada Tehran ee caasimadda Iran isa soo tarayey aragtida ay bulshadu caalamku ka bixinayaan dhimashadiisa. Culimada Soomaaliyeed ayaa iyaguna dhankooda ka hadlay ayagoo u arka in lagu gardoorraday.
Shiikh Cali Maxamuud Xasan (Wajiis) oo ah xoghayaha guud ee Majmaca Culimada Soomaaliyeed ayaa BBC-da u sheegay in hoggaamiyahaas ‘gacan ka xaqdaran ay dishay’
”Ismaaciil Cabdisalaan Axmed, Ismaaciil Haniyah, Ilaahay ha u naxariisto, waxaa waaye nin ay gacan ka xaqdaran dishay, wuxuuna hogaaminayey dad doonayey halganka ay dhulkooda ku xoraystaan ayuu hoggaaminayey. Ehelkiisii waa ka tacsiyaynayaa, waana ka murugaysannahay" ayuu BBC-da u sheegay Shiikh Cali Wajiis
Shiikh Cali Wajiis oo ka jawaabayey doodda ah in uu ku jiray liiska ‘argagaxisada’ Maraykanka’ ayaa sheegay in aanay xogtaas waxba ka jirin.
”Mawaafiiqda dawliga ah sida Sida Qaramada Midoobay ay ku qoreen heshiisyadooda, dadka gobonnimo doonka waxay xaq u leeyihiin in ay dhulkooda ay difaacdaan” ayuu yidhi Shiikh Cali Wajiis.
”Culimada Soomaaliyeed iyo dadka Soomaaliyeedba waxa ay isku raacsan yihiin dhiigga hoggaamiyahaas ee la daadiyey in ay xaqdarro ahayd’ ayuu sii raaciyey hadalkiisa.
Ismail Haniyeh waxaa loo yaqaannay hoggaamiyaha guud ee Xamaas ilaa iyo maanta oo ay kooxdu xaqiijisay dilkiisa oo ka dhacay Iiraan.

Xigashada Sawirka, Reuters
MadaxweynahaFalastiiniyiinta Maxamuud Cabaas ayaa Haniyeh u magacaabay raysal wasaare sanadkii 2006 ka dib markii Xamaas ay ku guuleysatay inta badan kuraasta doorashooyinkii qaranka.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sanadkii 2018, Waaxda Arrimaha Gudaha Mareykanka ayaa Haniyeh u aqoonsatay argagixiso. Wuxuu ku noolaa Qadar dhowrkii sano ee ugu dambeeyay.
Sidee dilka Ismaaciil Haniyah u saamaynayaa heshiiskii xabbad joojinta ee socday?
Israa'iil inta badan kama hadlaan hawlgalladooda dibadda, laakiin weerarkan ayaa laga yaabaa inuu raacay qaab la mid ah hawlgalkii Israa'iil ee lagu beegsaday difaaca hawada Iran ee agagaarka xarunteeda Nukliyeerka ee Natanz 19kii Abriil.
Diyaaradaha Israa'iil ayaa la rumeysan yahay inay gantaalo ka soo rideen meel ka baxsan hawada Iran.
Laakiin iyada oo faahfaahinta weerarka ay si tartiib tartiib ah u soo baxayso, iyo sidoo kale cawaaqibka siyaasadeed ee ka dhalan kara ayaa sida oo kale dood weyn ee taagan.
Midda se la hubo ayaa ah dhaawaca suurtagalka ah ee arrintani u geysan karto dedaalladii jilicsanaa ee xabbad joojinta ahaa ee laga shaqaynayey muddooyinkii u danbeeyey.
Ismail Haniyeh waxa laga yaabaa in aanu masuul ka ahayn dhacdooyinka maalinlaha ah ee dhulka Gaza, taasi oo ah qaybta taliyaha milatariga Yahya Sinwar,
Balse dhanka kale Ismaaciil ayaa hoggaamiyaha kooxda ahaa xilliyadii uu dibad wareegga ahaa loo arkayey xubin muhiim ah oo dhexdhexaadinta iyo wadahadallada nabadda si firfircoon uga qayb qaata, kuwaas oo ay dhexdhexaadinayeen Qatar, Maraykanka iyo Masar.
Saraakiisha Mareykanka ayaa dhawaan soo jeediyay in wada xaajoodka xabad joojinta uu dhawaan guuleysan karo, in kasta oo kulan ka dhacay Rome isbuucii hore aysan wax guul ah ka soo bixin.
Waxaase aad u adag in la arko sida wax horumar ah loo gaadhi xilli uu xaaladda adkaynao dilka Ismaaciil Haniyah.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa war ka soo baxay soo koobay falcelinta laga yaabo in dad badan oo gobolka ku nool ay u arkaan sida wax u dhaceen.
"Waxaa mar kale la daaha ka qaadmay in xukuumadda [Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin] Netanyahu aysan dooneynin inay nabad gaadho," ayaa lagu yidhi bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkigu.













