Sidee u sameyn kartaa jimicsi marka aad sooman tahay?

Ramadan

Haddii aad ka fekereyso sida aad isugu wadi lahayd jimicsi iyo soon, waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa arrimo kaa caawinaya.

Marka aad dooneyso inaad jimicsi sameys aadna sooman tahay, waa inaad aad uga fekertaa jimicsigaaga maaddaama jirkaaga uu la qabsanayo soonkaheerka tamartaaduna ay hooseyso.

Belal Hafeez, oo ah tababare shakhsi ah, iyo Nazima Qureshi, oo cunnooyinka nafaqada leh ku takhasustay ayaa arrintan khubarro ku ah. Ninkan iyo xaaskiisa waxay leeyihiin ururuka 'Muslimiinta Caafimaadka qaba', waxay xitaa qoreen buug la magac baxay 'Tusmada Ramadaanka ee caafimaadka leh'.

"Hadafka Ramadaanka waa in xoogga la saaro ducada, qalwada iyo hagaajinta nafta, iyo in aad diiradda loo saaro soonka. Waxa aan cunno iyo sida aan u jimicsanno ayaana tan door weyn ka qaadaneysa, maaddaama ay saameyn weyn ku leeyihiin heerarkeenna isku buuqa, isku dheellitirka nolosha iyo shaqada iyo qoyska,” ayuu yiri Hafeez.

Haddii aad dooneyso inaad sidaada u caafimaad qabto aadna jirkaaga qurxiso 30-ka maalmood, arrimahan ayaa ah inaad maanka ku heyso.

Biyo badan cab

Ramadan
Qoraalka sawirka, Biyo badan cab saxuurta

"Dad badan ayaa ka cawda madax xanuun maalmaha hore ee Ramadaanka, sababo la xiriira biyaha oo jirkooda ku yar," ayay tiri Qureshi.

"Hadafku waa in la cabo isla xaddiga biyaha aad cabto marka aadan soomaneyn, marka biyaha u kala qeybi xilliyada yar ee aad heysato inta u dhaxeysa qorrax soo bax iyo qorrax dhac. Sida ugu fiican waa inaan hal liitar oo biyo ah cabto subixii. Caafimaad badan ayaad dareemi doontaa".

Haddii aad caadi ahaan isticmaasho cabitaannada kafeyga leh maalintii oo dhan, inaad biyo badan cabto aad ayay muhiim u tahay maaddaama kafeyga oo ada iska deyso ay sababto madxa xanuun.

“Waxa ugu weyn waa inaad yareyso cabitaanka kafeyga kahor Ramadaanka,” ayay tiri Qureshi. Si kastaba, haddii aad weli madax xanuun dareemeyso, biyo badan oo aad cabto ayaa kaa yareyn kara madax xanuunka.

Si wanaagsan u billow maalintaada

“Maaddaama aad labo waqti uun wax cuni doonto beddelkii saddex waqti aad wax cuni lahayd– afurka maqribkii iyo Saxuurta kahor qorrax soo baxa – waxaad u baahnaan doontaa inaad doorato cunnooyin ku siin doona tamara ad maalintii oo dhan ku shaqeyso,” ayuu yiri Mr Hafeez.

“Dadku waxay u heystaan haddii ay tamartu kugu yar tahay, inaad u baahan tahay uun inaad huruddo aadna iska deyso cuntada subixii. Waa muhiim inaad qaadato nafaqooyinkaas,” ayay tiri Qureshi.

"Cuntada subixii waa inay ka koobnaataa carbohydrates, borotiin iyo dufan caafimaad leh. Iyo sidoo kale haddii aad awooddo cun khudaar iyo furuto, taasi waa faa’iido dheeri ah.

"Waxaan aalaaba ku talinnaa boorash maalintii sababtoo ah waxaa ku jira dhammaanba waxyaabahaas, balse ma aha cunto badan oo waqti dheefshiid u baahan. Waxaa boorashka dheer, waxaan ku daraa yogurt oo borotiin leh, chia seeds (oo dufan caafimaad leh ay ku jirto), furuto iyo caano.

Ramadan
Qoraalka sawirka, Cun cunno isku dheellitiran

Boorashka maalintii ayaa sidoo kale leh faa’iido dheeri ah: sababtoo ah maalin kahor baad diyaarineysaa, si aad subixii isaga hurddo.

Qureshi ayaa qirsan in wax cunidda aroortii hore ay adkaan karto haddii aadan la qabsan, balse wuxuu sheegay in jirku uu degdeg ula qabsanayo. "Haddii aad ku dhibtooto labada maalin ee hore, wax yar cun si aad ula qabsato. Aalaaba maalinta afaraad iyo shanaad, baahi ayaad dareemi doontaa xilligaas.

Iska ilaali inaad habeenkii cuntada iska badiso

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Maaddaama aad maalintii oo dhan soomaneyd, waxaa laga yaabaa inaad is tiraahdo "ka daba gee" habeenkii, gaar ahaan haddii aad isla afureysaan qoyskaaga iyo saaxiibbadaa, ayuu yiri Hafeez. "Xilliga afurka waa waqti farxad leh – waa waqti ay dadku isku yimaadaan. Balse cuntada ay dad badan cunaan afurka waxaa ka buuxa kalori ay fududdahay in wax badan laga cuno.

“Sambuuska ayaa tusaale u ah. Waxaa ku jira ugu yaraan 250 kalori midkiiba. Qofna kuma ekaado hal, balse labo amaba saddex ayaa laga cunaa.

"Haddii aad sidan sameyso toddobaadkii mar waa iska caadi, balse waxaa laga yaabaa inaad maalin walba cunto bishaas. Marka inkastoo aad soomman tahay, haddana cunto badan ayaad cuneysaa, mid ka badan tii aad cuni lahayd xilli kale oo sanadka ka mid ah".

Qureshi wuxuu intaas ku daray, "Waxaad dareemeysaa sida inaad tamar yar leedahay, taasoo maalmaha kale isla sidii aad ahaaneyso, waxaadna dareemeysaa caafimaad darro.

“Waxa aan ku talineyno ayaa ah in lagu afuro biyo, timir iyo furuto, kaddibna aad tukato. Karso cunnooyin dhaqameedkaaga, balse hubi inaad cunto borotiin, carbohydrates iyo khudaar, maraq amaba cunno lagu sameeyay digaag iyo kalluun.

Is deji iskuna dheellitir cuntadaada

Haddii aad cuntadaada la wadaagto dadka kale, sida isu imaatinka qoyska iyo saaxiibbada, waxaa laga yaabaa inaad la kulanto cadaadis ku aaddan inaad wax wlaba cunto. Balse lammaanahan waxay adeegsadaan khidad yar oo caawisa.

Hafeez wuxuu leeyahay, "Waxa ugu muhiimsan ee aan dadka u sheegno ayaa ah inay is dejiyaan marka ay wax cunayaan. Qaado waqtigaaga, wada sheekeysi badan yeelo. Haddii qofka aad martida u tahay ku arko adiga uu saxan maran sita marka qof wlaba oo kale uu wax cunayo, waxaa laga yaabaa inuu kugu dhiirrigeliyo inaad wax badan cunto. Marka is deji cadaadiskaas lama kulmeysid markaas."

Haddii ay ka qeyb galaan kulan uu qof kale soo abaabulay, waxay sidoo kale keenaan cunto waxayna hubiyaan in cuntadaas ay dhammeystirto nafaqada cunnooyinka la cunayo. "Waxaynu nahay lammaanaha keenaya ansalaato," Hafeez ayaa sidaas ku kaftamay.

Ramadan

“Waan ogahay khudradda ma aha waxa ugu badan ee la cuno, balse xaqiiqda ayaa ah in miiska ay mar walba saaran yihiin borotiin iyo carbohydrates,” ayuu yir Qureshi. Ma ahan inaad leedahay 'ma cuneyno cuntadaada, keliya teenna ayaan cuni doonnaa', balse waa uun in la dhammeystiraa cuntada taalla."

Jimicso xilliga kugu habboon

"Inta badan dadka waxay jimicsadaan saacad ama labo saac kahor afurka, sababtoo ah markaas kaddib wax bey cuni karaan oo cabi karaan," ayuu yiri Hafeez.

"Si kastaba, haddii aysan kuu saamaxayn, jadwalkaaga ku ekow. Sanadkii hore waxaan jeclaa inaan galabtii jimicsado – waxaan dareemay inaan tamar badan lahaa maalinta inteeda kale. Jimicsiga ugu horreeya wuu adkaan karaa, balse jirkeenna waa mid adkeysi leh si deg deg ah ayuuna ula qabsadaa inuu maarreeyo xaaladda.

“Sidoo kale waad jimicsan kartaa afurka kaddib, balse maaddaama salad iyo cibaadeysi ay tahay xilligaas, way adag tahay inaad waqti u hesho.

Diiradda saar awoodda iyo xasiloonida

Ramadan
Qoraalka sawirka, Xilligan waa waqtigii awoodda, ee ma aha kii daalka

Kuma xirna waqtiga maalinta ka mid ah ee aad doorato inaad jimicsato, waa muhiim inaad la qabsato howsha.

"Yaree xaddiga jimicsigaaga inta lagu jiro Ramadaanka," ayuu leeyahay Hafeez. “U isticmaal Bishan mid aad diiradda ku saarto dhaqdhaqaaqa, awoodda iyo dhismaha xasiloonida. Laga soo bilaabo garbahaaga ilaa bowdyahaaga iyo xitaa jilbahaaga, xoogga saar awoodda dhaqdhaqaaqaaga.

"Dabcan, inaad hurdo fiicna hesho waa muhiim haddii aad dooneyso inaad kordhiso caafimaadkaaga.

Diiradda saar hadafkaaga

Haddii aad la daalaa dhaceyso inaad tamar hesho xilliga Ramadaanka, Hafeez wuxuu kugula talinayaa inaad dib ugu laabato hadafka soonka.

"Way ka qaro weyn tahay soomidda. Waxaa jira cibaadeysi taasoo muhiim ah. Waa dib ula midoobidda dhaqankeenna.

"Waa inay naga caawisaa inaan awood yeellano kana fiicnaanno sidii hore. Waqtiyada adag, xusuusnow waa caadi inaad dareento in keliya ay tahay 30 maalmood. Aniga ahaan, waxay iga caawisaa inaan yeesho adkeysi."