TOOS, Hogaamiye sare oo ka tirsan Xamaas oo lagu dilay duqeyn ay Israa'iil geysatay

Xamaas waxay sheegtay in mid ka mid ah dadka dhintay uu ahaa Muhammad al-Hawli, oo ahaa taliye ka tirsan garabka militariga ee dhaqdhaqaaqa Deir al-Balah

Tebin toos ah

  1. Markii ay Soomaaliya ciidamo u dirtay Masar iyadoo kahor timid Israa’iil balse caqabad kala kulantay Itoobiya.

    Sannadkii 1967-kii waxaa ka qarxay Bariga Dhexe dagaal weyn oo socday 5-tii illaa 10-kii bishii Juun ee sannadkaas. Dagaalkaas, wuxuu u dhexeeyey dowladda Masar oo ay xulufo la yihiin dowladaha Siiriya iyo Urdun iyo dowladda Israa’iil.

    Magacyo kala duwan ayaa loo yaqaan dagaalkaas. Adduunku, wuxuu ugu yeeraa ‘Dagaalkii Carabta iyo Yuhuudda ee 1967’ ama ‘Dagaalkii Saddexaad ee Carabta iyo Yuhuudda’. Carabta guud ahaan, iyo Masaarida gaar ahaan, waxay dagaalkaas ugu yeeraan ‘Dagaalkii 1967 ama ‘Dibu-Dhac’. Dhanka Yuhuudda waxaa looga yaqaannaa ‘Dagaalkii Lixda Maalmood’.

    Magac walba ha lahaadee, wuxuu ahaa dagaal ruxay caalamka oo idil. Wuxuu ka billowday xiisad soo taagneyd illlaa iyo aasaaskii xukunka Israa’iil, taas oo ay sii adkeysay meel-marin la’aanta heshiiskii Armistice, ee la saxiixay 1949-kii, iyo xirashadii ay Masar xiratay Gacanka Suweys 1956-kii, kuna dhawaaqday inay qarameysay.

    Bishii May 1967-kii ayaa mar kale Madaxweynihii Masar Jamaal Cabdinaasir uu ku dhawaaqay in Gacanka Tiran (the Straits of Tiran), ee afaafka Siinaay iyo Jasiiradda Carabta ku sii xira Badda Cas uu ka xiray maraakiibta Israa’iil, isagoo amar degdeg ah ku bixiyey inay halkaas isaga baxaan ciidamo gurmadka deg-degga ah, oo ay sannadkii 1956-kii keentay Qaramada Midoobay, kuwaas oo la magac-baxay UNEF (the United Nations Emergence Force).

  2. Senetar sare oo Mareykan ah iyo Netanyahu oo kulmaya

    .

    Xigashada Sawirka, X

    Qoraalka sawirka, .

    Lindsey Graham, oo ah kamid ah senetarada sare ee Mareykanka, ayaa sheegay inuu u socoto Israa'iil.

    Waxaa uu bartiisa X ee horey loo oran jiray Twitter ku qoray: "Waxaan u safrayaa Israa'iil si aan ula kulmo raysal wasaare Benjamin Netanyahu iyo kooxdiisa iyadoo Bariga Dhexe uu ku jiro marxalad xasaasi ah ee taariikhda Bariga Dhexe.

    Hadafkayga safarkan waa inaan ka faa'iidaysto fursadaha taariikhiga ah ee ay soo bandhigeen hoggaanka aan horay loo arag ee Madaxweyne Trump ayuu yiri, isagoo intaa raaciyay inuu doonayo inuu ka hor tago sharta oo uu taageero dadka u doonaya xoriyadda"

    Senetarkan Jamhuuriga ah ayaa si isdaba joog ah uga jawaabay dibadbaxyada Iiraan maalmihii la soo dhaafay, isagoo si joogto ah ugula taliyay dibadbaxayaasha inay sii wadaan dadaalkooda sababo la xiriira inay soo socdaan "caawinaadda Trump".

    Shalay ayuu xafiiskiisa ku qaabilay Amiir Reza Pahlavi

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  3. Maxay Israa'iil u weerartay todobadaan waddan 2025 tii?

    Sannadkii 2025, Israa'iil waxay qaadday weeraro ka dhan ah waddamo in ka badan weerarada waddan kasta oo adduunka ah uu qaaday, taasoo ka dhigan mid ka mid ah hawlgallada millatari ee ugu ballaarnaa taariikhda dhow.

    Sida laga soo xigtay Aljazeera, warbixinnada laga helayo xarun kaydisa isku dhacyada hubaysan iyo goobaha ay ka dhacaan oo lagu magacaabo ACLED, xogtu waxay muujinaysaa in intii u dhaxaysay Janaayo 1 ilaa 5 December, Israel ay fulisay ugu yaraan 10,631 weerar, ay ka fulisay ugu yaraan 7 waddan.

    Palestina (Gaza iyo Daanta Galbeed)

    Gaza ayaa weli ah meesha ugu khatarta badan. Israa'iil waxay dishay in ka badan 25,000 oo Falastiiniyiin ah, waxayna dhaawacday ugu yaraan 62,000 ilaa hadda sannadkan oo keliya. Weerarada ayaa ahaa kuwo soo noqnoqda, oo ay ku jiraan 10-kii Oktoobar, markaasoo daraasiin rayid ah la dilay ama la dhaawacay. ACLED waxay sheegtay 7,024 weerar oo Gaza ka dhacay iyo 1,308 oo ka dhacay Daanta Galbeed, iyadoo la tiriyay duqeymaha cirka, duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyo bambooyinka.

    Sii akhri kuwa kale

  4. Xogo dheeraad ah oo laga helay saldhiga wayn ee Mareykanka ku leeyahay Qadar

    .

    Xigashada Sawirka, USAF

    Qoraalka sawirka, .

    Mareykanka ayaa hoos u dhigay heerka feejignaanta amni ee saldhiggiisa milatari ee Udeid Air Base ee dalka Qadar.

    Warkan waxaa werisay wakaaladda Reuters, iyadoo soo xiganaysa saddex ilo-wareed oo xog-ogaal ah oo aan magacyadooda la shaacin.

    Digniin dhanka ammaanka ah ayaa laga soo saaray saldhiggan shalay oo Arbaco ahayd.

    Sida ay Reuters sheegtay, iyadoo soo xiganaysa hal il-wareed, diyaaradaha millatariga Mareykanka ee Arbacadii laga qaaday saldhigga ayaa hadda si tartiib tartiib ah dib ugu soo laabanaya.

    Laba ilo-wareed oo kale, oo Reuters ku tilmaantay diblomaasiyiin, ayaa sheegay in qaar ka mid ah shaqaalaha saldhigga, kuwaas oo shalay lagu amray inay ka baxaan, hadda loo oggolaaday inay dib ugu laabtaan shaqooyinkooda.

    Reuters ayaa sidoo kale la xiriirtay Safaaradda Mareykanka ee Qadar si ay wax uga weydiiso warkan, balse waxay sheegeen inaysan ka hadli karin arrintan.

    Dhanka kale, Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka ayaa Khamiistii sheegay in Iran ay hakisay xukunkii dilka ahaa ee lagu fulin lahaa 800 oo mudaaharaadayaal ah, sababo la xiriira cadaadis uga yimid madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ku aaddan dibadbaxyada.

    Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo wakaaladda wararka ee AFP ay ka soo xigatay sarkaal sare oo Sucuudi ah oo sheegay in Sucuudiga, Qatar iyo Cumaan ay horseedeen dadaallo xooggan oo lagu doonayay in lagu qanciyo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump inuu ka fogaado weerarrada uu Iran ku qaado xillligan.

    Waxaay dalalkan sheegeen in weerar xilligan lagu qaado Iran ay ka cabsi qabaan inay horseeddo “falcelin khatar ah oo gobolka ka dhacda”.

    Sida uu sheegay mas’uulka, "Saddexda waddan ee Gacanka ayaa dadaallo diblomaasiyadeed oo xooggan ku bixiyay daqiiqadii ugu dambeysay si ay u qanciyaan Madaxweyne Trump inuu Iran fursad siiyo si ay u muujiso niyad wanaagsan… kanaalada isgaarsiineed weli waa furan yihiin si loo xoojiyo kalsoonida wadajirka ah iyo niyadda wanaagsan ee haatan jirta."

  5. Sida uu Turkiga uga hadlay arrinta Iiraan

    Kaalinta iyo sida ay arrinta Iiraan uga falceliyeen waddamada carabta waa mid aad u hoseeseysa, dowladda. Dhanka Turkigu si cad ayuu u hadlay, inta badan waxa ku dhaliilay una goodiyey Israa'iil. Balse ay timaado in lala hadlo Marka Maraykanka hadalka Turkiguna wuu is beddelaa.

    13-kii Janaayo, afhayeenka dawladda Turkiga, Cumar Jeelik, waxa uu dunida uga digay in aan lagu faragelin xaaladda gudaha ee Iiraan, isagoo sheegay in shacabka Iiraan oo keliya ay xaq u leeyihiin inay go'aamiyaan sida dhibaatooyinkaas loo xallinayo.

    Waxa uu si gaar ah u dhaleeceeyay Israa'iil, isagoo ku eedeeyay inay mudaharaadyada u adeegsanayso dano iyada u gaar ah, isaga oo kana digay in faragelin shisheeye ay keeni doonto "cawaaqib aad uga sii xun".

    "Ma doonayno fowdo ka dhacda dalkeenna deriska ah ee Iiraan. Arrimahan waa in lagu xalliyaa gudaha Iiraan iyo rabitaanka qaran ee dadkeeda. Mas'uuliyiinta Israa'iil waxay qaadanayaan mowqif aan masuuliyad lahayn, taasoo dhibaatooyin ka sii waaweyn u horseedi doonta guud ahaan gobolka. Arrintaas gebi ahaanba lama aqbali karo" ayuu yiri afhayeenka Turkiga

  6. Sababta Imaaraadku dhiigga ugu kiciyay Soomaaliya

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Toddobaadyo, Soomaaliya waxay ku jirtay dadaallo diblomaasiyadeed oo xooggan si ay u kasbato taageerada caalamka kadib markii Israa'iil ay aqoonsatay Somaliland, oo ah gobol ka go'ay Soomaaliya, inuu yahay dal madax-bannaan.

    Iyadoo loo marayo xidhiidho diblomaasiyadeed iyo wicitaanno heer sare ah, dowladda Soomaaliya waxay ku guulaysatay inay hesho taageerada dalal badan oo ku yaalla Afrika iyo Bariga Dhexe, kuwaas oo ay ku qancisay inay ka hor yimaadaan aqoonsigaas. Hase yeeshee, hal xidhiidh ayaa si weyn u xumaaday iskaashigii muddada dheer ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta (UAE).

    Sanado badan, dowladda hodanka ku ah saliidda ee Khaliijka waxay ahayd saaxiib muhiim ah oo ku lug leh amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda Soomaaliya, maadaama dalku leeyahay xeeb dhererkeedu ka badan yahay 3,000km oo ku teedsan Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya gobol badeed istaraatiiji ah oo ay saameeyeen burcad-badeednimo iyo hub tahriibin, kuwaas oo door ka qaatay xasillooni darrada Afrika iyo Bariga Dhexe labadaba.

  7. Hogaamiye sare oo ka tirsan Xamaas oo lagu dilay duqeyn ay Israa'iil geysatay

    .

    Xigashada Sawirka, Wakaaladda Falastiin

    Qoraalka sawirka, .

    Kooxda Xamaas ee Falastiin ayaa sheegtay in hoggaamiye sare oo ka tirsan garabkooda militariga, uu ka mid ahaa 10 qof oo lagu dilay laba duqeyn oo Israa'iil ay khamiisti ka geysatay Deir al-Balah, oo ku taal bartamaha Marinka Gaza.

    Ciidanka Israa'iil weli wax faahfaahin ah kama soo saarin dhacdadan.

    Xamaas waxay sheegtay in mid ka mid ah dadka dhintay uu ahaa Muxammad al-Hawli, oo ahaa taliye ka tirsan garabka militariga ee dhaqdhaqaaqa Deir al-Balah.

    Ilo wareedyo maxalli ah oo Falastiiniyiin ah ayaa sidoo kale sheegay, in Ashraf al-Khatib, oo ahaa taliye ka tirsan Guutooyinka Al-Quds, oo ah garabka militariga ee dhaqdhaqaaqa Jihaadka Islaamiga ah, uu ka mid ahaa dadkii dhintay.

    Xamaas waxay cambaareysay duqeyntii cirka ahayd ee lagu qaaday guriga qoyska al-Hawli iyadoo ku soo hadal qaaday hadal aan lagu xusin Muhammad al-Hawli ama doorkiisa dhaqdhaqaaqa.

    Bayaanka ayaa lagu sheegay in duqeynta "ay ka dhigan tahay jebin cad oo soo noqnoqotay oo lagu sameeyay heshiiska xabad joojinta, waxayna mar kale shaaca ka qaadaysaa in qabsashada aysan u hoggaansamin heshiiska oo ay si ula kac ah u raadineyso inay wiiqdo, taasoo u gogol xaaraysa dib u soo nooleynta dagaalka lagu hayo dadka Falastiiniyiinta ee Gaza