Trump muxuu u doonayaa in ay Iiraan burburto

Dalka Iiraan waxa uu ku jiraan maalmo internet la'aan ah, waxaa adag sida lagu heli karo wararka iyo waxa ka dhex socdadalkaasi.
Banaanbaxyda ka socda dalkaas ayaa sallka ku haya sicir bararka dhanka dhaqaalaha, taas oo shacabku ku sheegeen in ay ku jiraan nolol aan loo dulqaadan karin.
Balse waxaa intaa dheer farogelin shisheeye kuwaas oo ka imanaaya dhanka dowladaha Mareykanka iyo Israa'iil oo aad uga soo horjeeda maamulka talada haya dalka Iiraan.
"Waxaa jira dad dalka ka baxay markii uu maamulka Islaamiga ahaa dalka la wareegay, kuwaas oo hadda taageeraya waxa socda", ayuu BBC-da u sheegay Cabdullaahi Sheekh Cabdirisaaq oo ka faallooda arrimaha siyaasadda.
Maalmihii lasoo dhaafay madaxweynaha Maraykanka waxa uu dhowr jeer ku celceliyey inay taageeri doonaan dadka banaanbaxaya haddii ay doonayaan garab awoodeed oo meesha ka saara Aayatullaahi Khumeyni iyo Maamulkiisa.
Inkasta oo dadka falanqeeya arrimaha Iiraan ay sheegayaan in hadalka Trump kaliya uusan afka ahayn ee ay jiraan basaasiin iyo dad jooga gudaha dalka iyo dibaddaba, kuwaas oo ka shaqeenaya, iyada oo ay kamid yihiin taageerayaashii boqortooyadii Iiraan ee xilka looga qaaday kacdoon sanadki 1979-kii.
Xiriirka Maraykanka iyo dolwaddii hore ee Iiraan
Bartamihii qarnigii 20-aad, xukunkii Shah Mohammad Reza Pahlavi waxa uu xiriirro aad u dhow la lahaa waddamada Reer Galbeedka, gaar ahaan Maraykanka, maadaama loo arkayay xulafo istiraatiiji ah oo Galbeedka u ah ka hortagga saameynta Midowgii Soofiyeeti ee gobolka.
Si kastaba ha ahaatee, boqortooyadii Iiraan ayaa la kulantay mucaaradyo xooggan gudaha dalka, gaar ahaan kooxaha diimeed iyo kuwa shacabka ah, kuwaas oo dareemay in Shah uu dalka ku hoggaaminayo dhaqamada reer galbeedka iyadoo la dayacayo qiyamka Islaamka.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Bilowgii 1960-meeyadii, Shah-gu wuxuu hakiyay shaqadii baarlamaanka, waxa bilaabay barnaamij casriyeyn ah oo loo yaqaanay Kacdonka cad, kaas oo ay ka mid ahaayeen awoodsiinta haweenka, in la ayreeyo barashada culuumta diinta, iyo sharci dib-u-habayn dhulka lagu sameenayey, kuwaas oo ka careesiiyey bulshada,fursadna siiyey Hogaamiyii Khumeyni oo ahaa ninkii aas aasay dowladda Islaamiga ah ee hadda ka jirta Iiraan.
Hirgelinta siyaasadahaas, gaar ahaan, waxay hoos u dhigtay saamayntii culimada awoodda badnayd, waxayna si ballaaran u taabatay nolosha iyo bulshada Iiraan. Siyaasadahan waxay dhaawaceen dhaqaalaha dadka ku nool baadiya, waxa ay dedejiyeen isbeddel ku yimd dhaqanka, sidoo kale waxa ay burburiyeen caado dhaqameedka bulshada, kuwaas oo soo jireen ahaa.
Sidaas darteed, waxa ay mideesay kooxihii kasoo horjeeday dowladda, culimada, iyo kooxo oo kasoo jeeday dhanka Shiicada.
Waxaa halkaas ka dillaacay banaan baxyo waaweyn oo looga soo horjeeday dolwadda illaa markii dambe ay xukunka iskaga tagtay. dowladdi Maraykanka waqtigaas waxa ay u taageertay maamuulkii Shah.
"Iiraan waxaa jira shacab fara badano oo taariikh u leh in ay dowladda kasoo horjeestaan oo dibaddana lagala shaqeeyo, Waddankaan boqortooyo ayuu ahaan jiray boqortooyoo Maraykanka Ollog la ah ayaa 1979-kii la bixiyey, taageerayaashii boqortooyadaas qaar gudaha ku nool waa jiraan, qaar kale oo badanna waxa ay ku nool yihiin dibadda, tiina waxaa wehliya dad rayid ah oo iyagana ka cabanaaya cunaqabtaynta jirta, oo waxa socda aan aad ula socon, waxyaabahaas ayaa is biirsaday ayaa jira", ayuu ku yiri Cabdullaahi Wareysiga uu BBC-da Siiyey.
Maquuninta Awoodda Iiraan
Maraykanka iyo Israa'iil oo iskaashanaya waxa ay ku dadaaleen sidii ay hoos ugu dhigi lahaayeen awoodda Iiraan ee dhanka ciidanka, hubka iyo hormarinta Nuclear-ka, kaaas oo sanado badan lagu eedeenayey in ay hormarineyso.
Sanadkii hore ayey ahayd markii weerarro aan loo meel dayin lagu qaaday xarumihii nuclear-ka dalkaasi, kuwaas oo ay ku dhinteen khubaro iyo saraakiil waaweyn uu u dhashay dalka Iiraan. Weerarradaasi ayey ku tilmaameeyn dadka falanqeeya arrimahaasi in ay ahaayeen kuwa lagu doonayey in maquuniyo awoodda Iiraan.
"Dagaalkii dhawaan Israa'iil iyo Maraykan ku qaadeen, Iiraan waa la jilciyey, laakiin sidii la filayey ma noqon, waxaa la filaayey in jugtii u horreesay ee Iiraan loo geestay in aysan soo kabanin dhaqso oo difaaceeda dhaqso istaagin, hasa yeeshee Iiraan waxa ay muujisay in ay soo kabatay maaha, inay Israa'iil u geesatay dhibaatooyin waaweyn oo weerarro ah", yuu yiri Cabdullaahi Sh Cabdi.
Trump iyo Natanyaahu waxa ay marwalba waxa ay sugayaan fursad, hadda waxa ka socda dalka Iiraan waxa ay u arkaan fursaddii ay kaga takhalusi lahaayeen taliska Iiraan.
Heshiisyada Maraykanka iyo Iiraan dhex maray
Xiriirka laba dal waxa uu soo maray marxalado kala duwan, waxa ayna ku xirnaayeen baahida iyo sababta ay u galayaan, tusaale ahaan, Kahor Kacaankii Islaamiga ahaa ee 1979, Maraykanka iyo Iiraan (xilligii Shah Mohammad Reza Pahlavi) waxay lahaayeen xiriir ku dhisan iskaashi Ciidan, mid dhaqaale iyo farsamo. Kadib kacaanka heshiisyadaaas waa ay burbureen, taas oo salka ku heesay qabsashadii safaaradda Maraykanka ee Dahraan iyo afduubkii diblomaasiyiinta Maraykanka.
Waxaa jiray isku dayo heshiis oo ay galeen laba dhinac, balse marnaba ma aysan noqon kuwa miro dhala Sida uu sheegayo Cabdullaahi sheekh heshiiskii u dambeeyey waxaa ka baxay Maraykanka isaga oo u arkayey in Iiraan aysan qaadaneen qodobada heshiiska ku jira.
"Trump waxa uu ka baxay dhammaan heshiisyadii maamulkii hore la galeen Iiraan, midowga Yurub oo soo dhexgalay iyagana waxa ay soo jeediyeen, isla shuruudihii Maraykanka ee ahaa in ay iraan joojiso hubka Nukliyeerka, iyo sidoo kale ay joojiso taageerada ururada Israa'iil la dagaallama, taasna waa ay diiday Iiraan".













