Sidee siyaasadda Maraykanka u saameyn kartaa Safarrada adduunka

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Laura Hall
- Role, Weriye BBC
Siyaasadda Maraykanka oo noqotay mid aan salfadhin awgeed waxaa hoos u dhac uu ku yimid dalxiisyadii loo tagi jiray dalkaas, qaar kamid ah dadkii qorsheenayey inay tagaan dalkaas ayaa is weydiinaya inay amaan tahay oo la tagi karo.
Sanadkaan waxaa la filayey inuu noqdo dalka Maraykanka, dhanka dalxiiska meel si wayn loo booqdo. Kaliya dalka uma aha sanad uu xuso 250 guuradii kasoo wareegtay markii uu madax banaanida qaatay sidoo kale waxa uu martigelinayaa koobka ciyaaraha adduunka ee FIFA.
Mid kasta oo kamid ah munaasabadahaasi waxa ay noqon lahaayeen kuwo aad iga faa'iideestaan muwaadiniinta ganactsada ah iyo dowladdaba, maadaama qarash badan uu kasoo xaroon lahaa.
Balse 12-kii ee lasoo dhaacay tallaabo kasta oo uu qaado Trumo waxa ay noqoneysaa mid u diiwaanka u gasha dalkaas.
Tan iyo markii uu mar labaad xilka la wareegay bishii Janaayo 2025, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo maamulkiisu waxay canshuuro hor leh ku soo rogeen shirkadaha ganacsi ee xiriirka la lahaa, marar badan ayayna ku hanjabeen inay Kanada ku darsanayaan, waxay xabsiga dhigeen dalxiisayaal ajaanib ah oo ku sugnaa xuduudaha, waxay fuliyeen masaafurin ballaaran, waxaana suuragal ah inay dhowaan bilaabaan nidaam baaris ah oo si adag u baaraya akoonnada baraha bulshada ee dalxiisayaasha shisheeye ka hor inta aan loo oggolaan inay dalka soo galaan.
Arrintaas awgeed, dalal badan ayaa soo saaray digniino ay uga digayaan muwaadiniintoodu in ay u safraan Mareykanka, waddamadaas qaar ayaa ku tilmaamay "dal colaad ka jirto".
Sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Golaha Dalxiiska iyo Safarrada Adduunka dalka Mareykanka ayaa la filayay inuu khasaaro $12.5 bilyan oo ahaa kharashka kasoo xaroon lahaa dalxiisayaasha caalamiga ah ee sannadkii 2025. Cilmi baaristaan oo laga sameeyey 184 dal, Mareykanku waxa uu ahaa dalka keliya ee la saadaaliyay in kharashka dalxiisayaasha caalamiga ah uu hoos u dhacayo sannadkii hore.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sarah Cubitt ayaa ku qortay bogga Skift oo ka hadla arrimaha dalxiiska "Waxa mar ahaa riyo ah in Mareykanka loo safro, maanta se waxa uu noqday meel dad badan ay u haystaan inuu yahay arrimo siyaasadeed, meel khatar weyn ah, iyo in lacag dhumis."
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sidoo kale, warbixin uu wargeyska daabacay waxaa lagu sheegay, cilmi baaris la sameeyey in 46% dadkii ka qeyb-qaatay ay sheegeen in aysan dooneen in ay tagaan dalkaas, Trump awgiis.
Bilowgii sannadka 2026, dowladda Mareykanka waxay qaaday duqeymo cirka ah oo ka dhan ah Caracas, waxayna soo qabteyn madaxweyne Nicolas Maduro; waxay sheegeen inay "hadda maamulayaan Venezuela", waxay dib u bilaabeen wadahadalladii ku saabsanaa la wareegidda Greenland, waxayna ku hanjabeen Cuba, Iran, Colombia iyo Mexico in ay farogelin doonaan.
Hadda waxa muuqata in tallaabooyinka Trump aysan saameyn ku yeelan oo keliya go'aamada dadka doonaya inay u safraan Mareykanka, balse ay sidoo kale saamayn karaan go'aankooda ah inay booqdaan dalalka kale ee uu beegsaday.
Heather Storgard, oo degan dalka Denmark ayaa qorsheenaysay inuu bisha soo socota ee Febraayo booqato asxaabtayda ku nool Greenland, balse faragelinta Trump ee halkaasi iyo inuu xoog ku qabsan doono dhulkaasi macdanta qaniga ku ah, waxa uu Heather ku reebay shaki badan.
"Weli waa ka fakarayaa inaan tago, balse arrinttu waxaan u baarayaa si taxaddar leh", ayey tiri Heather.
Sidoo kale, Jackie Arruda oo ka shaqeeysa soo dhaweenta dalka, joogtana dalka Brazil, waxa ka fakaraysaa in ay booqato Greeland bisha Maajo ee sanadkaan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Jackie Arruda waxay tiri "Dhacdooyinkan dhowaan ka dhacay (Venezuela) waxay ii muujiyeen in hanjabaadahaasi si degdeg ah iskugu beddeli karaan ficil dhab ah. Haddii wax dhacaan bilaha soo socda, waan baajin doonaa safarkan, balse aad ayaan uga welwelsanahay ammaanka saaxiibkay, dadka Greenland guud ahaan, mustaqbalkooda, iyo saamaynta iyo cawaaqibka duullaankan uu ku yeelan karo dunida oo dhan."
Dhanka kale, Jesus Noguera, oo ah milkiilaha shirkadda dalxiiska ee Cuba Caro ee fadhigeedu yahay Havana, ayaa sheegay in hadallada Trump ee Cuba ku tilmaamaya "dal qarka u saaran burbur" kadib "qabashadii" Maduro ay si degdeg ah u saameeyeen dalxiiska.
Noguera waxa uu sheegay in "hadalladan ay abuureen cabsi dhab ah oo degdeg ah oo ku dhex fiday dalxiisayaasha iman lahaa Cuba," isagoo xusay tusaalooyin badan oo safarro badan oo iman lahaa oo la baajiyey iyo kuwo dib loo dhigay, cabsi ay qabaan darteed".
Waxa uu intaas ku daray in xitaa uu ka walaacsan yahay mustaqbalka dalxiiska. Si daacad ah, ma arko calaamado cad oo uu kusoo kaban karo mustaqbalka dhow. Si fudud marka loo dhigo, dalxiisku kuma koro jawi xasilooni-darro, hubanti-la'aan iyo dareen khatar oo sii kordhaya."
Inkasta oo ay jiraan meelo uusan saameyn sida ay sheegtay Laura Rendell Dunn, afhayeen u ah shirkadda Journey Latin America , tallaabooyinka Mareykanka ee Venezuela weli ma saameyn safarrada shirkadda ee Colombia, inkastoo Trump uu uga digay madaxweynaha Colombia Gustavo Petro isagoo u sheegay "inuu taxaddaro".
Sidoo kale, dalabka duulimaadyada Mexico ma uusan saameyn, inkastoo Trump uu soo jeediyay in ciidamo Mareykan ah loo diro dalkaasi, kuwaas oo ah ciidanka la dagaallanka kooxaha daroogada.

Xigashada Sawirka, Alamy
Inkasta oo ay ku adkaan karto dalxiisayaasha shakhsiyaadka ah inay qiimeeyaan sida hadallada Trump u culus yihiin, haddana go'aanka hay'adda wakiillada safarrada iyo shirkadaha dalxiiska ee Ingiriiska waa mid cad.
Sean Tipton, afhayeenka Ururka Wakiillada Safarrada ee Ingiriiska, ayaa yiri:
"Waxaa jira tilmaamo cad cad oo aad loo fahmi karo… Marka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay soo saarto digniin ka dhan ah safar dal lagu tagayo, shirkadaha dalxiisku cidna uma diri karaan Greenland.
"Waa arrin waajib ah in laga taxadaddaro, haddii aad safarto adigoo iska indha-tiraya talada Wasaaradda Arrimaha Dibadda, caymiska safarka caadiga ah kuuma shaqeyn doono."
Kuwa is weydiinaya in ay ammaan tahay in la booqdo meelahan, Tipton waxa uu kula talinayaa inay hubiyaan bogga Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta ee Ingiriiska, kaas oo la cusbooneysiiyo dhowr jeer maalintii, isla markaana bixiya macluumaadka ugu dambeeya ee khataraha ku wajahan muwaadiniinta Ingiriiska.
Dalalka uu Trump dhawaan ku hanjabay waxaa ka mid ah Iran, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska waxay ka digeysaa safarka Venezuela iyo Iran, waxayna uga digeysaa in aan loo safrin qaybo ka mid ah Colombia iyo Mexico marka laga reebo arrimo lama huraan ah, hase yeeshee weli ma aysan soo saarin digniin safar oo gaar ah oo ku saabsan Greenland.
Farriinta ay muwadaaniniinta u dirtay dowladda Ingiriiska waa ay kala duwan yihiin waxa ay xambaarsantahay in heerar kala duwan loo eego safarka oo dalalkaasi laga digayo kuma jiraan isku marxalad. Tusaale ahaan Iiraan iyo Colombiya waxa ay u baahan yihiin in aad looga fiirsado safarkooda.

Xigashada Sawirka, Alamy
Hay'adaha dalxiiska ee gudaha ayaa hadda qiimeenaya sida loola macaamilo karo dareenka cabsida iyo qalqalka xambaarsan ee ka dhashay hanjabaadihii Trump.
Antonisdottir oo ka shaqeeysa arrimaha dalkiisa waxay sheegtay in meelaha dalxiiska loo tago ee dhawaan galka ah sida Greenland, waxa ay haystaan fursad ay kusoo bandhigaan dhaqankooda iyo taariikhdooda iyaga oo marinaya warbaahinta
Iran gudaheeda, Mehdi Eshraghi, oo ah agaasimaha guud ee shirkadda dalxiiska Surferan ee fadhigeedu yahay Dahraan, ayaa sheegay in hadallada Trump ee ku saabsan faragelinta mudaharaadyada Iran aysan ahayn sababta dhabta ah ee hoos u dhaca dalabka dalxiiska ee ka imanaya Reer Galbeedka.
Eshraghi waxa uu tilmaamay in aragtida taban ee qotada dheer ee dad badan oo Mareykan ka haystaan Iran, oo ay weheliso isbeddellada siyaasadeed, ay keeneen in shirkadaha safarka iyo shakhsiyaadkuba ka fogaadaan suuq-geynta iyo in ay usoo dalxiis tagaan Iiraan.
"Aniga oo u eegaya khibradayda, hoos u dhaca safarka dalxiiska Iiran waxa uu socday tan iyo markii Mareykanku ka baxay heshiiskii nukliyeerka 2018, mana aha arrin waqti-gaaban ah oo ka dhalatay hadallada siyaasadeed ee hadda jira," ayuu yiri Mehdi Eshraghi.
In kasta oo ay weli xilli hore tahay in la qiimeeyo in dadka doonaya safarka ay sidaas oo kale uga arkaan dalalka kale ee uu Trump beegsaday, haddana haddii toddobaadyadii ugu horreeyay ee Janaayo sidan noqotay xaaladdu waxa ay isku beddeli kartaa xaalad kasta.













