Trump oo markale sheegay rabitaankiisa in Greenland lagu daro Mareykanka

Madaxweynaha Mareykanka Trump

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa mar kale soo jeediyay in Greenland lagu daro dalkiisa, kaddib markii hoggaamiyaha Denmark ay ka dalbatay in uu "joojiyo hanjabaadaha" ku saabsan dhulkaas.

Isagoo la hadlayay wariyayaasha, madaxweynaha Maraykanka wuxuu sheegay in "Greenland ay amni ahaan ugu baahan yihiin."

Trump wuxuu marar badan soo hadal qaaday suurtagalnimada in dhulkan leh maamulkiisa u gaarka ah ee hoos yimaada Denmark uu noqdo qayb ka mid ah Maraykanka, isagoo ku sababeeyay muhiimaddiisa istaraatiijiyadeed ee difaaca iyo hodantinimada macdanta.

Raysalwasaaraha Greenland, Jens Frederik Nielsen, ayaa ku jawaabay isagoo leh "intaas waa ku filan tahay hadda," wuxuuna ku tilmaamay fikradda ah in Maraykanku maamulo jasiiradda mid "khayaali" ah.

Wuxuu sheegay raysalwasaaraha "ma sii jirayaan cadaadis dambe iyo in lagu fakaro taas. Khayaali dambe oo ku saabsan in la qaato jasiirada ma jireyso. Diyaar ayaan u nahay wadahadal iyo dood. Laakiin tani waa in ay ku dhacdaa marinada saxda ah iyo in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah."

Mar sii horeysay ayey raysalwasaaraha Denmark, Mette Frederiksen, sheegtay in "Maraykanku uusan xaq u lahayn in uu ku daro dalkiisa mid ka mid ah saddexda qaran ee boqortooyada Denmark."

Frederiksen waxay intaas ku dartay in Denmark "iyo Greenland" ay xubin ka yihiin NATO isla markaana ay ku jiraan dammaanadda amni ee isbahaysiga, iyadoo sheegtay in uu hore u jiray heshiis difaac oo Maraykanka u oggolaanayo in uu soo galo jasiiradda.

Raysalwasaaraha Denmark ayaa qoraal soo saartay kaddib markii Katie Miller oo ah xaaska, Stephen Mille ay qariidad soo dhigtay internetka.

Katie waxay baraha bulshada ku soo dhigtay khariidadda Greenland ah oo lagu midabeeyay calanka Maraykanka, iyadoo ay la socoto erayga "Goordhow."

Safiirka Denmark ee Maraykanka ayaa ka jawaabay qoraalkaas ay soo dhigtay Miller oo ah qof warbaahinta midigta fog ka tirsan. Wuxuu sheegay in ay xulufo yihiin, ayna filayaan in la ixtiraamo midnimada dhuleed ee dalkiisa.

Khariidada Greenland
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Hadalada labada dhinac ay is-dhaafsadeen oo ku saabsan mustaqbalka Greenland waxay ku soo aadeen iyadoo Mareykanka ay howlgal milateri oo weyn ay ku qaadeen dalka Venezuela kaas oo lagu qabtay madaxweynaheeda Nicolás Maduro iyo xaaskiisa, laguna geeyay New York.

Trump ayaa markii dambe sheegay in Maraykanku "maamuli doono" Venezuela, isla markaana shirkadaha saliidda ee Maraykanku ay "bilaabi doonaan in ay lacag u sameeyaan dalka."

Xaaladdan ayaa dib u kicisay cabsi ah in Maraykanku ka fikiri karo adeegsiga xoog si uu u qabsado Greenland, oo ah jasiirad aad u ballaaran oo ku taalla Arktik. Waa arrin uu madaxweyne Trump hore u diiday in uu gebi ahaanba meesha ka saaro.

Trump wuxuu ku dooday in marka la fiiriyo Greenland halka ay ku taal ay tahay qayb ka mid ah Maraykanka, ayna u adeegsan doonaan danaha amniga Maraykanka. Sababta ayaa lagu sheegay in ay tahay meel istaraatiiji ah iyo macdan badan oo ku jirta dhulkaas oo muhiim u ah qeybaha tiknolojiyada.

Tallaabadii dhawaan ay maamulka Trump ugu magacaabeen ergay gaar ah Greenland ah ayaa caro ka dhalisay Denmark.

Greenland, oo ay ku nool yihiin qiyaastii 57,000 oo qof, waxay lahayd is-maamul ballaaran laga soo bilaabo 1979, inkastoo difaaca iyo siyaasadda dibadda ay weli gacanta ugu jirto Denmark.

Inta badan dadka Greenland way taageersan yihiin in ay mustaqbalka madaxbannaani ka qaataan Denmark. Ra'yi-ururin la sameeyay ayaa muujineysa mucaaradad aad u xooggan oo ka dhan ah in ay qayb ka noqdaan Maraykanka.

Raysalwasaaraha UK, Sir Keir Starmer, oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in Denmark iyo Greenland oo kaliya go'aamin karaan mustaqbalka halka ay ku dambeyneyso jasiirada.

"Greenland iyo Boqortooyada Denmark ayaa go'aaminkara mustaqbalka Greenland, kaliya Greenland iyo Boqortooyada Denmark," ayuu yiri.

Dhanka kale, wakiil ka tirsan Midowga Yurub ayaa diiday sheegashada Trump ee ah in Midowga Yurub u baahan yihiin in Maraykanku xukumo dhulkaas.

Trump ayaa wariyeyaasha saarnaa diyaarada madaxweynaha ee Air Force One u sheegay dhammaadkii toddobaadka Midowga Yurub u baahan yahay in aan annagu haysanno "Greenland, wayna og yihiin taas."

Afhayeenka Midowga Yurub, Paula Pinho, ayaa BBC u sheegtay in taasi "aysan haba yaraatee ahayn" mowqifka Midowga Yurub, iyadoo intaas ku dartay in aysan ka warqabin wax wadahadal ah oo arrintan ku saabsan oo Maraykanka lala yeeshay.