Muxuu Trump u xiray Maduro? Ma shidaal dartiis mise maandooriyaha la sheegay?

Xigashada Sawirka, Luis JAIMES / AFP via Getty Images
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sabtigii soo xiray madaxweynahya Venezuelan Nicolas Maduro kaddib weerar lagu qaaday caasimadda dalkaas ee Caracas.
Xeer-ilaaliyaha guud ee Mareykanka, Pam Bondi, ayaa ku dhaaaqday in Nicolas Maduro iyo xaaskiisa dacwad loogu soo oogayo New York.
Pam Bondi waxay intaas ku dartay in Maduro lago soo oogay "shirqool la xiriir sameyn iyo ka ganacsiga maandooriye, in uu u geliyo daroogo Mareykanka, iyo haysasho hubka wax-gumaada oo lagu weerarayo Mareykanka"
Waxay kaloo intaas ku dartay in madaxweynaha iyo xaaskiisa ay degdeg u wajahayaan cadaaladda.
Sidee ayuu xukunka ku qabsaday Maduro?

Xigashada Sawirka, Reuters
Nicolas Maduro waa hoggaamiyaha xisbiga Hantiwadaaga Venezuela, waxa uuna xukunka kala wareegay Hugo Chávez sanadkii 2013-kii
Chavez iyo Maduro waxay dalka ka maamulayeen 26-kii sano ee la soo dhaafay. Xisbigooda ayaa maamula baarlamaanka, inta badan garsoorka iyo guddiga doorashooyinka
Maduro ayaa doorashada doorashada 2024-tii lagu dhawaaqay in uu ku guulestay. Balse codadka ay soo ururiyeen xisbiga mucaaradka ayaa muujinayay in musharraxa la tartamayay, Edmundo Gonzalez, uu si weyn ugu guuleystay doorashada.
Gonzalez waxa uu musharrax noqday kaddib markii hoggaamiyihii ugu weynaa mucaaradka, Marina Corina Machado, laga mamnuucay in ay ka qaybgasho doorashada.
Marina waxay ku guuleysatay Abaalmarinta Nabadda ee Nobel bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, taas oo ay ku muteysatay "halgankiisa nabadeed ee ku wajahan kala guurka".
Muxuu Trump u beegsanaysaa Venezuela?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Trump waxa uu ku eedeeyay hoggaamiyaha Venezuela in uu mas'uul ka yahay boqollaal kun oo muhaajiriin ah oo soo galay Maraykanka.
Waxaa lagu qiyaasaa in ku dhowaad 8 milyan oo reer Venezuela ah ay ka qaxeen dalkooda tan iyo 2013-kii, iyagoo ka cararaya dhibaatada dhaqaale iyo cadaadiska siyaasadeed.
Inkasta oo Trump uusan soo bandhigin wax caddeyn ah, haddana waxa uu ku eedeeyay Maduro in uu "dhiirrigelinayo baxsashada maxaabiista" una dirayo Maraykanka, isagoo adeegsanaya "xarumaha caafimaadka dhimirka" ee ku yaal xabsiyada dhexdooda.
Trump waxa uu sheegay in uu go'aansaday in uu xakameeyo daroogada soo galeysa Maraykanka.
Mareykanka ayaa u aqoonsaday kooxda burcadda ee Tren de Aragua Cartel de los Soles in ay argagixiso yihiin, waxayna sheegeen in labada koox uu hoggaamiyo Maduro.
Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in Cartel de los Soles aysan ahayn urur dambiyeed, balse ay yihiin magac loo bixiyay saraakiil boolis oo musuqmaasuq ah kuwaas oo ogolaada in maandooriyaha la sii marsiiyo Venezuela.
Trump waxa uu bixiyay abaalmarin dhan $50 milyan oo la siinayo cidda keenta xog horseedi karta helitaanka Maduro, wuxuuna ku hanjabay in uu dowladda Venezuela u aqoonsan doono urur argagixiso.
Maduro ayaa marar badan beeniyay in uu hoggaamiye u yahay shabakad daroogo, isagoo sheegay in "dagaalka Maraykanka ee daroogada" uu yahay qorshe xilka looga qaadayo iyo in la qaato shidaalka Venezuela.
Venezuela miyaa daroogada gelisa Mareykanka?
Khubarada sida fican u yaqaan daroogada ayaa sheegaya in kaalinta Venezuela ee ganacsiga daroogada caalamiga ah ay aad u yar tahay balse ay tahay dalka la sii mariyo.
Dalka deriska ah ee Colombia ayaa ah dalka ugu weyn ee soo saara daroogada kokiinka adduunka.
Warbixin ay soo saartay Hay'adda shaqada ku leh daroogada Maraykanka (DEA) sannadkii 2020-kii ayaa muujisay in saddex meelood meel daroogada kokiinka ee la keeno Maraykanka ay ka timaado dhanka Badweynta Baasifigga.
Sidee arrimuhu halkaas ku gaareen?
Trump waxa uu bilaabay cadaadis uu saaray dowladda Maduro kadib markii labaad ee uu xafiiska yimid.
Tallaabadii ugu horreysay waxay ahayd ku dhawaaqidda abaalmarinta 50-ka milyan ee doolar lagu raadinayo Maduro.
Bishii Sebtembar ee la soo dhaafay, milatariga Maraykanka ayaa bilaabay weerarro ka dhan ah doonyo lagu tuhmay in ay daroogo ka soo qaadaan Koonfurta Ameerika, kuna sodcay Maraykanka.
Ku dhowaad 30 weerar ayey Mareykanku ku qaadeen Badaha Kariibiyaanka iyo Baasifigga, kuwaas oo sababay dhimashada 110 qof.
Khabiirro dhinaca sharciga ah ayaa sheegay in weerarradaasi "aysan beegsanayn bartilmaameedyo milatari oo sharci ah." Xiisaddu waxay sii korortay kadib laba weerar oo lagu qaaday doon horraantii Sebtembar.
Bishii Oktoobar, Trump waxa uu sheegay in uu u fasaxay CIA-da in ay ka fuliso hawlgallo qarsoodi ah gudaha Venezuela, isaga oo sidoo kale ku hanjabay in uu weerari doono waxa uu ugu yeeray "argagixisada daroogada."
Maraykanku waxa uu dhowaan bilaabay hawlgal milatari oo ballaaran oo ka socda Kariibiyaanka si loo xakameeyo qulqulka daroogada kokiinka iyo nooca kale ee loo yaqaan Fentanyl.
Qiyaastii 15,000 askari oo Maraykan ah, diyaarado dagaal, iyo maraakiib dagaal ayaa ka qeybgalay hawlgalka.

Xigashada Sawirka, US Navy/Reuters
Yaa iibsada shidaalka Venezuela?
Maduro ayaa marar badan ku eedeeyay Maraykanka in uu isku dayayo in uu xilka ka tuuro si uu u xakameeyo shidaalka Venezuela.
Markii la weydiiyay waxa ku dhici doona shidaalka haddii Maraykanku qabto maraakiibta shidaal ee ka baxaysa xeebaha Venezuela, Trump waxa uu ku jawaabay: "Waa qaadaneynaa".
Mas'uuliyiin Maraykan ah ayaa diiday eedda ah in ay doonayaan in ay afgembiyaan Maduro si ay u hantaan kheyraadka ballaaran ee dalka.
Venezuela waxa ay leedahay keydka shidaal ee ugu weyn adduunka, waxaana iibka shidaalku ka badan yahay kala bar miisaaniyadda dowladda.
Si kastaba ha ahaatee, shidaalka ay dhoofiso waa xaddidan yahay sababo la xiriira cunaqabataynta, waxaana la rumeysan yahay in la musuqmaasuqo shirkadda shidaalka maamusho.
Sida laga soo xigtay Hay'adda Macluumaadka Tamarta ee Maraykanka (EIA), sannadka 2023 Venezuela waxa ay soo saartay oo keliya 0.8% shidaalka cayriin ee dunida.
Waxay hadda dhoofisaa qiyaastii 900,000 foosto maalintii, iyadoo Shiinuhu yahay dalka ugu badan ee ka iibsada.
Maamulka Trump, oo sheegay in uu xilka ka qaaday Nicolas Maduro kuna xiray xabsi, ayaa sheegay:
"Venezuela waxa hoggaamin doona Maraykanka ilaa laga gaaro kala-guur ammaan ah."













