Sanadkan cusub iyo kaalinta uu ku jiro Baasaboorka Soomaaliya

Xigashada Sawirka, Henley Passport Index
Tusmada Baasaboorka Henley (Henley Passport Index) waxay isbarbardhigtaa helitaanka safar-fiiso-la'aan ah ee 199 baasaboor oo kala duwan, kuwaas oo loo safri karo 227 meelood oo caalamka ah.
Haddii aan fiiso loo baahnayn, baasaboorkaasi wuxuu helayaa dhibco qiimaheedu yahay 1. Sidoo kale waa sidaas haddii aad heli karto fiiso markaad timaaddo (Visa on Arrival), oggolaansho ah ama booqde (visitor's permit), ama oggolaansho safar elektaroonik ah (ETA) markaad gelayso meesha loo socdo.
Haddii fiiso loo baahdo, ama haddii qofka haysta baasaboorka uu khasab ku yahay inuu helo fiiso elektaroonik ah (e-Visa) oo ay dowladdu ansixisay ka hor inta uusan bixin, markaas waxaa la siinayaa dhibco qiimaheedu yahay 0. Tani sidoo kale waxay khusaysaa haddii loo baahdo oggolaansho dowladeed oo horudhac ah si loo helo fiiso markaad timaaddo.
Tusmada Baasaboorka Henley sanad walba iyada oo adeegsanaysa habraacaas waxay daabacdaa warbixinno ku saabsan baasaboorada dunida iyo meelaha lagu kala tegi karo iyo hadba siday u kala sareeyaan.
Tusmeyntanina waa tan qiimeynta asalka ah uguna awoodda badan ee lagu kala sarreeyo dhammaan baasaboorrada caalamka, iyadoo lagu saleynayo tirada meelaha ay gaari karaan dadka haysta baasaboorradaas iyagoo aan horay u qaadan fiiso.
Iyadoo la adeegsanayo xog taariikheed oo daboolaysa 20 sano, isla markaana si joogto ah loo cusboonaysiiyo falanqayn khubaro oo ku saabsan isbeddellada ugu dambeeya ee awoodda baasaboorrada, tusmadani waa ilo aad u qiimo badan u ah muwaadiniinta caalamka, waana aaladda tixraaca caadiga ah ee ay dowladuhu u adeegsadaan dejinta siyaasadaha la xiriira arrintan.
Tusmada iyo waxyaabaha ku jira waxay ku saleysan yihiin xog ay bixisay Hay'adda Caalamiga ah ee Gaadiidka Hawada (IATA), waxaana lagu dhammaystiray, lagu xoojiyay, laguna cusboonaysiiyay cilmi-baaris ballaaran oo gudaha ah iyo xog furan oo laga helay internet-ka.
Kaalinta Cusub ee Baasaboorka Soomaaliya
Baasaboorka Soomaaliga ayaa u muuqda mid si isa taraysa u soo ceshanaya maqaamkii uu lahaa fagaarayaasha caalamka, taasoo astaan u ah xidhiidhka diblomaasiyadeed ee sii kordhaya iyo dib u soo kabashada dalka, ka dib tobanaan sano oo ah go'doon, amni darro iyo masiibooyinka dabiiciga ah.
Tan iyo markii uu qarxay dagaalkii sokeeye 1991-kii, Baasaboorka Soomaaliga waxaa lagu sameeyay isbedello kala duwan.
Sanadkaan waxuu baasaboorka Soomaaliya kaga jiraa baasaboorada caalamka kaalinta 97, waxaa lagu tagi karaa fiiso la'aan 33 meel oo dunida kamid ah
Qaaradda Afrika
Baasaboorka Soomaaliya waxaa lagu tegi karaa fiiso la'aan ama habka online-ka ah aad uga dalban kartaa 15 wadan oo ku yaala qaaradda Afrika oo ay kamid yahiin.
- Benin
- Burundi
- Cape Verde Islands
- Comoro Islands
- Djibouti
- Ethiopia
- Ghana
- Guinea-Bissau
- Kenya
- Madagascar
- Mozambique
- Rwanda
- Seychelles
- Sierra Leone
- Gambia
Qaaradda Aasiya
Tiradda dalalka baasaboorka Soomaaliya lagu tegi karo qaaradda Aasiya ayaa ka yar marka loo eego qaaradda Afrika, waxaa lagu tegi karaa fiiso la'aan; fiiso aad heli kartaa markaad tagto, ama online-ka horey uga dalban kartaa 9 wadan oo kala ah.
- Bangladesh
- Cambodia
- Laos
- Lebanon
- Macao (SAR China)
- Malaysia
- Maldives
- Sri Lanka
- Timor-Leste

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dalalka Oceania
Oceania waa gobol juqraafiyeed oo ka kooban Australia, New Zealand, iyo jasiirado badan oo ku fidsan Badweynta Baasifigga. Ma aha qaarad sida caadiga ah loo yaqaan sida Afrika ama Yurub, laakiin badanaa waxaa loo tixgeliyaa hal gobol marka laga hadlayo juqraafiyada.
- Cook Islands
- Micronesia
- Niue
- Palau Islands
- Samoa
- Tuvalu
Waqooyiga Ameerika (Kaaribiyaanka)
Qaaraddan tirada dalalka lagu tegi karo baasaboorka Soomaaliya ayaa keliya ah sadex dal oo qudh ah oo kala aha.
- Dominica
- Haiti
- St. Vincent and the Grenadines













