Muxuu baasaboorka Maraykanka u qiima dhacay markii ugu horreysay muddo 20 sano ah

Baasaboorka Maraykanka

Xigashada Sawirka, AFP

Baasaboorka Maraykanku hadda kama mid aha tobanka Baasaboor ee ugu awoodda badan adduunka. Marka loo eego Tusaha Baasaboorka ee Henley ee ugu dambeeyay, waxa uu hadda galay kaalinta 12-aad, waana markii ugu horreysay muddo labaatan sano ah.

Tilmaan-bixintan oo ay soo saartay Henley & Partners oo adeegsanaysa xogta Hay'adda Gaadiidka Cirka ee Caalamiga ah (IATA), ayaa lagu qiimeeyay 199 Baasaaboor iyadoo loo eegayo tirada goobaha lagu tagi karo fiisaha hore ee wadarta 227 waddamo iyo dhulal.

Sannadkii 2024-kii, Baasaboorka Maraykanku wuxuu weli ku jiray booska 7-aad ka hor inta uusan hoos ugu dhicin kaalinta 10aad bishii Luulyo, ka dibna kaalinta 12aad Bishan Oktoobar.

Christian H. Kaelin, guddoomiyaha Henley & Partners iyo abuuraha tusaha, hoos u dhacani wuxuu ka tarjumayaa mushaakilaad ka jira fagaarayaasha dunida.

"Hoos u dhaca baasaboorka Maraykanku ma muujinayo in derejadiisu is beddeshay, laakiin sidoo kale isbeddel ku yimid dhaqdhaqaaqa caalamiga ah iyo mid ku yimid awoodaha aan ahayn dhanka militariga o is beddelay ayaa jira" ayuu yiri.

Dadka haysta baasaboorka Mareykanka waxay hadda fiiso la'aan ugu safri karaan 180 waddan. Marka la barbardhigo Maraykanka oo kaliya siinaya gelitaanka fiisaha bilaashka ah 46 waddan, dheelitir la'aanta taas oo gacan ka geysatay dhibcaha hoos u dhacay.

Siyaasadaha socdaalka ee xaddidan, gaar ahaan kuwii la soo rogay markii uu xilka qabtay madaxweyne Donald Trump, ayaa sidoo kale miisaan culus lahaa. Muwaadiniinta Laba iyo toban dal oo ku kala yaalla Afrika, Bariga Dhexe, iyo Koonfur-bari Aasiya ayaa lagu soo rogay xannibaado dheeraad ah.

Qaar ka mid ah dadka Afrikaanka ah ayaa waxaa hadda looga baahan yahay inay bixiyaan Rahmad xagga fiisaha ah oou dhaxaysa $5,000 - $15,000, taasoo dib loogu celinayo marka ay ka dhoofayaan Maraykanka.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dhanka kale, baasaboorka UK galay kaalinta 8aad, halkii uu markii hore ku jiray kaalinta 6aad, tan iyo qiimayntii la sameeyey Luulyo.

Daabacaadda hadda ee Henley Passport Index waxay xaqiijinaysaa xukunka waddamada Aasiya.

Singapore ayaa ku jirta kaalinta koowaad ayadoo dadka baasaboorkooda haysta ay fiise la'aan u safri karaan 193 goobood. Koonfurta Kuuriya (190) iyo Japan (189) ayaa kalinta labad iyo kaalinta seddexaad ku kala jira.

Jarmalka, Talyaaniga, Luxembourg, Spain iyo Switzerland ayaa ku soo xiga ayagoo ku jira kaalinta afraad waxaana baasaboorkooda lagu tagi karaa 188 meelood dal-ku-gal la'aan ah.

Boqortooyada Ingiriiska, hoos u dhac ku yimid baasaboorkeeda ayaa hadda kaalinta 8aad la wadaaga Imaaraadka Carabta, Croatia iyo Slovenia oo baasabooradooda lagu tegi karo fiise la'aan 84 goobood.

Dhankeeda, Kanada ayaa ku jirta kaalinta 9aad (183), halka Latvia iyo Liechtenstein ay xireen 10ka sare (182).

Afrika, Seychelles ayaa hoggaanka u haysa, Nigeria ayaa ka mid ah kuwa ugu dambeeya.

Seychelles waxa ay sii haysataa booskeeda dalka ugu darajada sarreeya Afrika, iyada oo fiiso la'aan lagu tagi karo 155 goobood, waxayna ku jirta kaalinta 26aad ee adduunka.

Mauritius ayaa iyadana ku dhow, ayadoo ku jirta kaalinta 29-aad, waxaana lagu tagi karaa 148 waddan, halka Koonfur Afrika ay ku jirto kaalinta 53aad (102 goobood).

Waxaa ku xiga Botswana, Namibia, Lesotho, Eswatini, Morocco, Malawi, Kenya, Tanzania, Gambia iyo Ghana.

Geesta kale, Nigeria ayaa ku jirta kaalinta 96aad, waxayna ku xiran tahay Itoobiya, Lubnaan iyo Myanmar, mid walba wuxuu fiise la'aan u ogol yahay 44 waddan.

Baasaboorrada ugu hooseeya adduunka ayaa weli ah kuwa Pakistan, Yemen, Ciraaq iyo Suuriya.

Baasaboorka Singapore

Xigashada Sawirka, Facebook

Tobanka baasaboor ee adduunka ugu xoogga badan

1. Singapore (waxaa fiise la'aan lagu tagi karaa 193 goobood).

2. Kuuriyada koofureed (waxaa fiise la'aan lagu tagi karaa 190 goobood).

3. Japan (waxaa fiise la'aan lagu tagi karaa189 goobood).

4. Jarmalka, Talyaaniga, Luxembourg, Spain iyo Switzerland (waxaa fiise la'aan lagu tagi karaa 188 goobood).

5. Austria, Belgium, Denmark, Finland, France, Ireland, Netherlands (waxaa fiise la'aan lagu tagi karaa 187 goobood).

6. Greece, Hungary, New Zealand, Norway, Portugal, Sweden (waxaa fiise la'aan lagu tagi karaa186 goobood).

7. Australia, Malta, Poland, Czech Republic (waxaa fiise la'aan lagu tagi karaa185 goobood).

8. Croatia, Estonia, Slovakia, Slovenia, Iimaaraadka Carabta, UK (waxaa fiise la'aan lagu tagi karaa184 goobood).

9. Canada (waxaa fiise la'aan lagu tagi karaa183 goobood).

10. Latvia, Liechtenstein (waxaa fiise la'aan lagu tagi karaa182 goobood).