Saynab Calawaash: Haweeneyda keliya ee ku jirta golaha wasiirrada maamulka Waqooyi Bari oo BBC la hadashay

Xigashada Sawirka, SAYNAB CALAWAASH
Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari, Cabdulqaadir Axmed Cali (Firdhiye), ayaa magacaabay gole wasiirro oo ka kooban 21 xubnood, sida lagu sheegay wareegto ka soo baxday xafiiskiisa Axaddii.
Golaha wasiirrada cusub ee la soo dhisay ayaa waxaa ku jirta hal qof oo dumar ah oo keliya, iyadoo dhowr xil oo kale dadka loo magacaabay ay ka mid yihiin xildhibaanno cusub iyo kuwo horay xilal uga soo qabtay Maamulka Puntland.
Madaxweyne Firdhiye waxaa kale oo uu xilalka ka qaaday wasiirro badan oo ka tirsanaa maamulkii hore ee SSC-Khaatumo, isaga oo sheegay in magacaabistaasi looga gol leeyahay sidii loo heli lahaa xukuumad midaysan oo ka tarjumaysa himilada iyo baahida bulshada.
Wasiir ku xigeennada iyo wasiiru dowlayaasha ayaan wali la magacaabin, iyadoo xafiiska madaxweynaha uu tilmaamayo in lagu dhawaaqi doono maalmaha soo socda.
Gabadha keliya ee golaha ku jirta, waa Saynab Cabdiraxmaan Calawaash oo loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka.
Saynab ayaa BBC u sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay ka mid noqoshada maamulka. "Ma ahayn wax hadda igu dhashay, balse hadafkeyga ayuu ahaa inaan ka mid noqdo dowladda ama ha ahaato maamulka Waqooyi Bari ama mid federaal," ayay tiri.
Waxay xustay inaysan weli gaarin halkii ay rabtay maaddaama ay 21 wasiir ay ka tahay haweeneyda keliya ee xubinta ka ah.
"Muddo ayay igu qaadatay alxamdulillaah. Aniga oo la jaan qaaday markii ay dowladda bilaabmeysay oo si iskaa ah ula soo shaqeeyay, waxyaabihii sababay inay dhalato dadkii ka shaqeynayay ee mudanka ah, ergadii dastuurka soo xuleysay ee ansixineysay ka mid ahaa iyo shaqooyinkii aan u soo qabtay dadkeyga ayaa ii suurto geliyay," ayay intaa raacisay.

Xigashada Sawirka, Waqooyi Bari State House
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxay Saynab sheegtay in in muddo ah ay olole ka dhex wadday odayaasha dhaqanka iyo xildhibaannada si ay heerkan u gaarto.
"Haddii aan doonisteyda la arkin leyma siiyeen oo abaalmarin la iima siin," ayay tiri.
Ololaha ayay sheegtay inay ka soo billowday iyadoo dooneysay xildhibaannimo, balse ay ka tanaasushay.
"Xildhibaan ma doonan oo waan ka tanaasulay, waayo hadaf ka weyn baan lahaa," ayay u sheegtay BBC.
Culeysyada ka hor yimid intii ay ololaha wadday ayay sheegtay inay ugu weyneyd in beelaha ay wateen rag oo aysan dooneyn qof dumar ah inay matasho.
"Waxaan ku guuleystay waaba wasaaradda e', haddii ay wasaarad kale ahaan lahayd waaban guul-darreysan lahaa," ayay tiri iyadoo qosleysa.
Wasaaradda haatan loo dhiibay ayay sheegtay inay kasoo dhalaali doonto. "Waxaa i hor yaalla mas'uuliyad weyn, waa in kii wax doonayay aan qanciyo, kii dulman aan u doodo".
Saynab ayaa ka mid ahayd ergadii loo saaray dhammeystirka dastuurka maamulkaas, iyadoo kadibna si iskaa ah ula soo shaqeysay.

Xigashada Sawirka, FACEBOOK
Saynab ayaa kahor inta aan lasoo dhisin maamulka Waqooyi Bari waxay muddo dheer la shaqeyn jirtay ururka Bisha Cas ee SRCS, iyadoo ahayd madaxii caafimaadka ee gobolka Sool.
Sanadkii 2022 lagu abaal-mariyay shaqo-wanaag.
Tirada haweenka ee baarlamaanka Waqooyi Bari

Xigashada Sawirka, SOCIAL
17-kii August ayaa magaalada Laascaanood lagu dhaariyey xubnaha cusub ee barlamaanka maamulka Waqooyi Bari, kaas oo muddo ay xulistoodu ku howlanaayeen beelaha degga deegaanada gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.
Barlamaanka cusub ee maamulka ayaa ka kooban siddeetan iyo saddex xildhibaan kuwaas oo raggu ay ka yihiin 79 xildhibaan halka dumarkuna ay ku leeyihiin afar xildhibaan taas oo ka dhigay in 95% ay rag yihiin barlmaanka cusub ee maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya.
Marka loo eego tirada baarlamaanka iyo doorka haweenka ayey muuqataa in haweenku aysan door fiican oo matalaad ah ku lahayn golaha xeer-dejinta ee maamulka, iyadoo haweenku ay yihiin tirida ugu badan ee bulshada deegaanadaasi.
Tiro ka badan dhowr iyo labaatan haween ah ayaa si weyn ugu ololeeyey siday uga mid noqon lahaayeen golaha baarlamaanka balse in badan uma suuragelin.
Maamulka Waqooyi-Bari Soomaaliya oo dhismihiisa muddooyinkii dembe ka socday magaalada Laascaanood ayaa ka mid noqonaya maamullada Soomaaliya ee an kuraasta badan dumarku ku yeelan, iyadoo qoondada hore loo dejiyay inay haweenku helaan ay tahay boqolkiiba 30.
Guddoomiyaha guddiga doorashada ee heer federaal Axmed Nuur Uleex oo markii baarlamaanka la doortay BBC u warramay ayaa sheegay in ay ka xun yihiin in dumarku waayeen kaalintii ay mudnaayeen.
Sababta keentay in aysan helin boqolkiiba soddon ayuu ku macneeyay in ay tahay mid la xiriirta aqbalaadda bulshada, oo ay dadku aysan rabin in haweenku ku matalaan baarlamaanka. Waxa uu sheegay in ay tahay mid ka jirta Soomaaliya oo dhan.
Balse waxa uu ku adkaystay in guddigu ay mareen habraacii loogu talagalay in haweenku helaan metalaad.













