Sanae Takaichi: Waa tuma "Haweeneyda Birta ah" ee raysal wasaaraha ka noqotay Japan?

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Tinshui Yeung
- Role, BBC News
Sanae Takaichi ayaa baarlamaanka Japan wuxuu u doortay ra'iisul wasaare, iyadoo noqonaysa haweeneydii ugu horreysay ee xilkaas qabata.
Haweeneydan 64-jirka ah ayaa ku guuleystay aqlabiyad muuqata Isniintii – 237 cod ayay ka heshay Aqalka Hoose ee awoodda badan iyo 125 kale oo cod oo ay ka heshay Aqalka Sare – iyadoo noqotay hoggaamiyaha xisbiga talada haya ee Liberal Democratic Party (LDP).
Iyadoo ah muxaafid aad u adag oo aad ula dhacsan ra'iisul wasaarihii hore ee Ingiriiska Margaret Thatcher, Takaichi ayaa la wareegaysa xilka xilli dhaqaale oo adag iyadoo Japan ay la daalaa dhacayso kor u kaca qiimaha nolosha iyo dadweynaha niyad jabsan.
In kasta oo ay afar nin ka adkaatay si ay ugu guulaysato tartanka LDP horraantii bishii Oktoobar, haddana waddadii ay u mari lahayd shaqada ugu sarreysa ayaa u muuqatay in la xannibay markii xisbiga LDP ee muddada dheer ay wada shaqaynayeen isbahaysiga, xisbiga Komeito, uu kala laabtay taageeradii.
Laakiin heshiis daqiiqaddii u dambeyay habeennimadii Isniinta ay la gashay xisbi kale oo mucaarid ah ayaa badbaadiyay. Iyada iyo LDP waxay wajihi doonaan codbixiyaasha 2028ka soo socda.

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Waa Ra'iisul Wasaarihii afaraad keliya muddada shantii sano ee la soo dhaafay, ka dib markii kuwii iyada ka horreeyay ay muddo xileedkooda lasoo afjaray iyadoo ay la degeen fadeexado.
Waa wasiir hore oo dowladeed iyo baraamij sameeye telefishin, sidoo kalena mar bay ka ahayd durbaan-tumeyaal koox heesa muusigga culus.
Hadda waxay wajahayaan caqabadda ah inay hoggaamiso kaliya xisbi la tacaalaya sidii uu kalsoonida codbixiyeyaasha u soo ceshan lahaa kaddib fadeexado iyo khilaafyo midig-fog ah – balse sidoo kale waddan wajahaya heerka dhalashada carruurta oo aad u hooseeya iyo xiisado siyaasadeed oo sii kordhaya oo caalamka ah.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sanae Takaichi waxay ku dhalatay gobolka Nara sanadkii 1961. Aabbaheed wuxuu ahaa shaqaale xafiis, halka hooyadeedna ay ahayd askari booliis. Siyaasaddu aad bay uga fogeyd nolosheedii ay kusoo kortay.
Mar ay ahayd durbaanle aad u xiiseysa muusigga loo yaqaan "heavy metal", waxay caan ku ahayd inay sidato ulo fara badan, maaddaama ay uluhu jebi jireen inta lagu guda jiro tumidda durbaanka si xoog leh.
Sidoo kale, waxay ahayd quuse-badeed iyo qof jecel baabuurta– gaarigeedii ay aadka u jeclayd ee Toyota Supra hadda waxaa lagu soo bandhigay matxafka Nara.
Kahor inta aysan gelin siyaasadda, Sanae Takaichi waxay si kooban uga shaqeysay soo jeediso barnaamij telefishin.
Himiladeeda siyaasadeed ee Sanae Takaichi, waxay soo bilaabatay 1980-meeyadii, xilliga uu xumaaday xiriirka ganacsi ee u dhexeeyay Mareykanka iyo Japan. Iyadoo go'aan ku gaartay inay fahanto sida Mareykanku u arko Japan, waxay ka shaqeysay xafiiska haweeneydii dimuqraaddiga ahayd ee Patricia Schroeder, oo ahayd xildhibaanad si weyn uga hadasha dhaliilihii ay u jeedisay Japan.
Takaichi waxay aragtay Maraykanka oo isku dhex geynaya luqadaha iyo cuntooyinka Japan, Shiinaha, iyo Kuuriyada, iyadoo arkaysay sida Jabbaan badanaa loola xiriiriyo Shiinaha iyo Kuuriyada Koonfureed.
"Haddii Japan aysan is difaaci karin, masiirkeedu mar walba wuxuu noqon doonaa mid ku tiirsan ra'yiga aan qotodheerayn ee Maraykanka," ayay ku soo gabagabeysay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxay u tartantay doorashadii baarlamaanka ee ugu horreysay sanadkii 1992 iyada oo madax-bannaan ahayd, balse ma aysan guuleysan.
Dadaal badan oo ay samaysan, sanad ka dib ayey ku guuleysatay kursi, waxayna ku biirtay Xisbiga LDP sanadkii 1996. Tan iyo markaas, waxay ku guuleysatay inay noqoto xildhibaan 10 jeer, hal mar oo keliya ayaa laga adkaaday, waxayna dhistay sumcad ka mid ah codadka muxaafidka ah ee xisbiga.
Waxay sidoo kale soo qabatay xilal sare oo dowladeed, oo ay ku jiraan wasiirka badqabdka dhaqaalaha, wasiirka dowlad-goboleedka ee ganacsiga iyo warshadaha, iyo xilka wasiirka arrimaha gudaha iyo isgaarsiinta oo ay muddo rikoor ah soo qabatay.
Sanadkii 2021, Takaichi waxay markii ugu horreysay tartan u gashay hoggaaminta xibiga LDP, balse way ku guuldaraysata, waxaana ka guulaystay Fumio Kishida. Waxay mar kale isku dayday sanadkii 2024, markaas waxay hogaamisay wareegga koowaad ee codbixinta, balse ugu dambeyn way guuldaraystay iyadoo Shigeru Ishiba uu kaga guuleystay.
Sanadkan oo ahaa isku deygeedii saddexaad, ayey xaqiijisay guusha, tan ayaa iyada dabcan ka dhigaysa inay noqoto haweeynadii ugu horreysay ee Ra'iisul Wasaare ka noqota dalka Japan kadib markii uu barlamaanku meelmariyay magacaabiddeeda.
"Hadafkaygu waa inaan noqdo Haweeneyda Birta ah," ayay u sheegtay koox carruur ah oo iskuul ah intii ay ololaheeda dhowaa socday.
Takaichi waa haweeney si adag uga soo horjeedda fikirka casriga ah, waxayna muddo dheer ka soo horjeedday sharciga u oggolaanaya dumarka guursaday inay magacooda hooyo sii haystaan, iyadoo ku adkaysanaysa in taasi dhaqanka dhaawacayso. Sidoo kale, waxay ka soo horjeeddaa guurka dadka isku jinsiga ah.
Si kastaba dhawaan ayey muujisay dabac intii lagu guda jiray ololaheeda waxay ballanqaadday inay khidmadaha ilaaliyaha carruurta ka dhigi doonto qayb ahaan mid canshuurta laga dhimo, sidoo kalena soo jeedisay in shirkadaha bixiya adeegyada daryeelka carruurta ee gudaha loo sameeyo dhimista canshuurta.

Xigashada Sawirka, Bloomberg via Getty Images
Qoyskeeda iyo waaya-aragnimadeeda shaqsiyadeed waxay xoojinayaan hindiseheeda siyaasadeed: ballaarinta adeegyada isbitaallada ee caafimaadka haweenka, siinta shaqaalaha taageerada qoyska aqoonsi weyn, iyo hagaajinta doorashooyinka daryeelka bulshada gabowga ee Japan.
"Anigu si shaqsi ah waxaan mar saddex jeer nolosheyda soo noqday kalkaaliso iyo daryeel bixiso," ayay tiiri.
"Taasi waa sababta go'aankaygu uu uga sii adkaaday sidii loo yarayn lahaa tirada dadka qasbanaaday inay shaqadooda ka tagaan sababo la xiriira daryeelka, tarbiyadda carruurta, ama carruurta oo diida inay iskuulka aadaan."
"Waxaan rabaa inaan abuuro bulsho aysan dadku iska dhiibin xirfadahooda."

Xigashada Sawirka, Getty Images
Tan iyo markii la asaasay xisbiga LDP, sanadkii 1955-tii, wuxuu xukumayey siyaasadda Japan, laakiin hadda wuxuu dhumiyey taageeradiisa, iyadoo ay sabab u tahay niyad-jabka ka dhashay dhaqaalaha gaabiska ah, hoos u dhaca tirada dadka, iyo xanaaqa bulshada.
Takaichi waxay ka tirsan tahay dhinaca midig ee LDP, doorashadeeda LDP waxay rajeynaysaa inay ku soo ceshato cod-bixiyayaasha xagjirka ah ee u jeestay xisbiga Sanseito ee midigta fog.
Xisbiga Sanseito, oo ku tartamaya hal-ku-dhegga "Jabbaan Marka Hore," ayaa dhawaan ka soo kacday hal kursi ilaa 15 kursi, iyagoo ka jiiday cod-bixiyayaasha xagjirka ah. LDP waxay lumisay inta badan kuraasta labada aqal ee baarlamaanka.
Takaichi lafteeda ayaa qirtay dhibaatada khudbad ay jeedisay ka dib markii ay ku guuleysatay wareegga koowaad ee codbixinta: "Waxaan si gaar ah uga helnay dhaleeceyn adag taageerayaasheena asaaska ah, xagjiriinta, iyo xubnaha xisbiga."
"LDP waa inay isbedeshaa danta Jabbaan ee hadda iyo mustaqbalka. Mar walba waxaan horay u dhigeynaa danaha qaranka waxaanan maamuli doonnaa dalka iyadoo la ilaalinayo dheelitirnaan."













