Japan oo gantaallo u diyaarsaneysa Shiinaha iyo Ruushka

Gantaalka Japan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Japan ayaa sheegtay in ay horumarin doonto oo ay si baaxad leh u soo saari doonto gantaalaha nooca loo yaqaan "cruise missile" iyo gantaallada riddada dheer ee uu xawaarahoodu sarreeyo.

Waxay sheegtay in tallaabadan ay qeyb ka tahay ballaarinta iyo casriyeynta milatarigeeda, taas oo looga golleeyahay in looga hortago khataraha Shiinaha iyo Ruushka.

Qorshayaasha ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah in la hormariyo madaxyada gantaallada guuxooda ka dheeraya ee dagaalka.

Qeylo-dhaanta ku saabsan dhaqdhaqaaqa Shiinaha ee gobolka ayaa sii xoogeysatay kaddib markii ay Beijing sameysay dhoolatus militari oo ballaaran oo ay ku jiraan gantaalaha riddada dheer kaddib markii afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka, Nancy Pelosi, ay booqatay Taiwan horaantii bishan.

Shan ka mid ah gantaallada ayaa ku dhacay meel 160 kiiloomitir u jirta Japan.

Xukumadda Tokyo ayaa sidoo kale waxa uu muran dhuleed muddo dheer socday kala dhexeeyaa Beijing iyo Moscow, kaas oo ku saabsan jasiiradaha Senkaku ee dhanka Shiinaha iyo Dhulalka Waqooyiga, oo loo yaqaan jasiiradaha Kuril ee xiga dhinaca Ruushka.

Wasaaradda gaashaandhigga Japan ayaa sidoo kale xustay khatarta dalkeeda kaga imaan karta Kuuriyada Waqooyi oo sanadkan sameysay tijaabooyinka gantaallo aan horay loo arag.

Japan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Wasaaraddu waxa ay sheegtay in ay awood u yeelan doonto in ay soo bandhigto faahfaahinta kharashka ku baxaya wixii ka dambeeya bisha Diseembar, markaas oo ay ku beegan tahay xilliga ay dowladdu sameyneyso istaraatiijiyad cusub oo dhanka amniga qaranka ah, taas oo dib loogu eegayo sidii loo xoojin lahaa awoodda milatari ee Japan, shanta sano ee soo socota.

Wasaaraddu waxay codsatay lacag aan cadadkeeda la shaacin si loo soo saaro gantaalaha laga rido dusha sare ee maraakiibta, si loo kordhiyo awoodda beegsiga bartilmaameedyada cadawga ee loo adeegsado diyaaradaha dagaalka iyo gantaalada wax gumaada.

Waxay wasaaradda gaashaandhigga Japan horey u dalbatay gantaallada hawada laga rido, oo ay ku jiraan gantaallada loo yaqaan (JSM) ee Norway lagu sameeyo iyo gantaalka (JASSM) oo uu Maraykanku sameeyay.

Sidoo kale waxay wasaaraddu codsatay lacag aan tiradeeda la shaacin oo loogu talagalay horumarinta iyo soo saarista "gawaari xawaare dheer leh" si loo difaaco jasiiradaha fog, oo ay ku jiraan Okinawa iyo jasiiradaha duleedka ee u dhow Taiwan.