Maxay yihiin Ciidamadda Delta ee la sheegay inay qabteen Maduro , basle ku guuldareystay qabashadii Janaraal Ceydiid?

Xigashada Sawirka, .
Delta Force waa unug hawlgalo gaar ah oo ka tirsan Ciidanka Maraykanka oo diirada saaraya ugu horrayn xoraynta la haystayaasha iyo la dagaallanka "argagixisanimada," iyo inta badan hawlgalladooda.
Qeybtan waxaa la aasaasay 1977-kii, kuwaas oo uu asaasay Kornayl Charlie Beckwith, oo arkay baahida loo qabo ciidan weerar ah oo sax ah oo ka dhisan ciidanka dhexdiisa, waxayna ciidamadaan la shaqeeyeen Adeegga Hawada Gaarka ah ee Ingiriiska sanadkii 1970-meeyadii, taas oo qayb ka ah isweydaarsiga khibradaha milatari ee u dhexeeya Washington iyo London, iyo in lagu daydo Adeegga Cirka ee caanka ah ee British Special Air Service.
Delta waxa ay ku shaqo leedahay burburinta unugyada argagixisada, sahanka istaraatiijiga ah iyo diyaarinta hawlgalada goobta dagaalka, laakiin waxa ay sidoo kale ka qaybqaadataa hawlgalada samatabbixinta la haystayaasha iyo hawlgalada qarsoon ee CIA.
Ciidankan gaarka wuxuu hoos tagaa Taliska Hawlgallada Gaarka ah ee Ciidanka Mareykanka (USAOC), laakiin waxaa gacanta ku haya Taliska Howlgallada Gaarka ah ee Wadajirka ah (JSOC)
Hadafka koowaad ee Taliska Hawlgallada Gaarka ah ee Wadajirka ah (JSOC) waa in ay qabtaan hawlgallo halis ah oo ka dhan ah argagixisada, halka Taliska Howlgallada Gaarka ah ee Mareykanka (USAOC) uu diiradda saaro dagaalka aan caadiga ahayn, difaaca gudaha, dibada iyo ka hortagga fallaagooyinka.
Waxaa la qiyaasaa in ciidamadaan ay gaarayaan ilaa iyo 1,000 askari.
Qoraaga Sean Naylor, ee wax ku qora Majalada Army Times,buugisa ku saabsan Delta Force,wxuu sheegay in laga yaabo inay yihiin ilaa 1,000 askari Ciidanka Delta Force
Sida laga soo xigtay websitka Maraykanka ee Specail Ops, wuxuu sheegay in ku biirista ciidankan ay ku xiran yihiin shuruudo ay ka mid yihiin in codsadayaashu yihiin lab, ugu yaraana ahaadan 21 sano jir, noqdaana shaqaale milatari oo u qalma.

Xigashada Sawirka, .
Hawlgallada xusida mudan ee Delta Force
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Mid ka mid ah hawlgalladii ugu caansanaa ee Delta Force ay ka qaybqaateen bilawgii wuxuu ahaa 1980-kii, intii lagu jiray isku daygii lagu badbaadinayay la haystayaal Maraykan ah oo lagu qabtay Tehraan intii lagu jiray hawlgal loogu magac daray "Claw Eagle".
Hawl-galkaas ayaa lagu tilmaamay mid fashilmay, sabab la xariirta khalad ka dhacay qalabkii hawl-wadeennada duulista, oo sababay dhimashada siddeed qof oo Maraykan ah, waxaa markaas ka dibna la asaasay qaybta 160-aad ee howlgada gaarka ee Duulista Hawada.
Sida laga soo xigtay mareegtaa "Insider", bishii Luulyo 1983, Delta Force waxay ka qaybqaateen xoraynta shan " adeegayaal ah" oo reer galbeed ah, oo ay ku jiraan laba muwaadin oo Maraykan ah, kuwaas oo ay haysteen dabley ka tirsan Jabhadda Xoreynta Koonfurta Suudaan. Waxa kale oo ay ka qayb-qaadatay Hawl-galkaas oo loogu magac daray 'Dabaylaha Saxaraha ' ee lagu xoraynayo Kuweyt kadib duulaankii Ciraaq 1991-kii.
Sanadkii 1993-dii, Delta waxay fulisay howlgalkii Muqdisho, iyadoo ujeeddadeedu ahayd in la soo xirto hoggaamiyihii ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneral Maxamed Faarax Ceydiid, balse waxaa soo gaaray dharbaaxo xooggan, kaddib markii 18 ka mid ah ciidamadaas laga dilay 73 kalena laga dhaawacay.
Cutubkan ayaa sidoo kale ka qayb qaatay duullaankii Afgaanistaan ee 2001 iyo Ciraaq intii u dhaxaysay 2003 iyo 2011, waxayna fuliyeen hawlgalkii caanka ahaa ee "Red Dawn" ee lagu xidhay Madaxweynihii hore ee Ciraaq Saddam Xuseen.
Sida laga soo xigtay mareegaha Milatariga ka faalooda , waxaa jira hawlgallo kale oo caan ah oo ay ka qaybqaateen, sida daadgureynta safaaradda Mareykanka ee Liibiya intii lagu jiray weerarkii Benghazi 2012, xiritaanka daroogada Mexico ee Joaquin "El Chapo" Guzman, iyo duullaankii Suuriya oo laga xusi karo dilkii hogaamiyihii Daacish Abu Bakar al-Baghdadi.













