Taariikh: Darawal Bus ilaa Madaxweyne: Maduro oo "gacanta u galay Maraykanka"

Venezuela

Xigashada Sawirka, Reuters

Ciidamada Maraykanka ayaa weerar duqayn xooggan ah ku qaaday dalka Venezula ka dib amar uu bixiyey madaxweynaha Marayanka Donald Trump.

Qaraxyo xooggan ayaa la maqlay iyadoo iyo uuro cirka isku shareertay magaalada caasimada ah ee Caracas. Goobaha la bartilmaameedsaday waxaa ka mida xarumaha ciidamada dalka Venezuela iyo dhismayaasha masuuliyiinta dalkaas.

Madaxweynaha Venezuela ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo heer qaran ah, waxaana uu cambaareeyay weeraradaasi oo uu ku tilmaamay isku day Mareykanka uu ku doonayo inuu ku qaado Shaidaalka iyo macdanta dalkiisa. Basle madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanku uu fuliyay weerar ballaaran oo ka dhan ah Venezuela, isla markaana uu qabtay hoggaamiyahooda, Madaxweyne Nicolás Maduro, iyo xaaskiisa.

"Dalka Mareykanka ayaa si guul leh u fuliyay weerar ballaaran oo ka dhan ah Venezuela iyo hoggaamiyahooda, Madaxweyne Nicolás Maduro, kaas oo isaga iyo xaaskiisa labadaba la qabtay lagana duuliyay dalka."

Ciidamada qabtay Maduro

Mas'uuliyiin ayaa u sheegay, warbaahinta CBS News, ee ay bahwadaagta yihiin BBC in Madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro ay qabteen ciidanka Mareykanka ee Delta Force.

Delta Force waa qaybta ugu sareysa ee militariga Mareykanka ee la dagaalanka argagixisada.

Mareykanka ayaa muddo dheer ku eedeynayay Nicolás Maduro inuu hoggaaminayo shabakad caalami ah oo ka ganacsata daroogada, arrintaas oo uu Maduro si adag u beeniyay.

Trump ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sida loo qabtay Maduro ama meesha loo qaaday.

Dowladda Venezuela weli ma aysan xaqiijin arrintan.

Mareykanka ayaa horay u ballanqaaday abaalmarin dhan $50 milyan cid kasta oo bixisa macluumaad horseeda qabashada Maduro.

Waa kuma Nicolás Maduro?

Maduro

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Nicolás Maduro, oo hore u ahaan jiray darawal bas isla markaana leh waayo-aragnimo dheer oo ku saabsan ururrada shaqaalaha, ayaa markii ugu horreysay loo doortay madaxweynaha Venezuela cod aad u ciriiri ah bishii Abriil 2013.

Isaga oo ah shakhsi aragtiyo kala duwan dhaliyay, Mr Maduro waxaa mar labaad loo doortay hoggaamiye doorashadii aadka loogu muransanaa ee 20-ka May 2018, isagoo helay 67.8% codadka.

Tan iyo markii uu xukunka la wareegay, waxaa lagu eedeeyay inuu wiiqayo dimuqraadiyadda isla markaana ku xadgudbayo xuquuqda aadanaha ee Venezuela, waddan wajahaya dhibaato dhaqaale oo aad u daran, isla markaana sicir-bararku si xawli ah u kacay.

Xaaladda dalka ka jirta ayaa keentay mid ka mid ah hayaankii ugu ballaaran ee ugu taariikhda Latin America oo ay dadka dalka kaga baxayaan.

Hase yeeshee Mr Maduro, oo ah siyaasi khibrad dheer leh kana tirsanaa baarlamaanka Venezuela, isla markaana mar noqday guddoomiyaha golahaas, ayaa dhibaatada ku eedeeyay "dagaal dhaqaale" oo ay wadaan mucaaradkiisa.

Inkasta oo caro ballaaran ay ka muujiyeen dad ku sugan gudaha Venezuela iyo dibaddaba, haddana weli waa shaqsi awood weyn ku lahaa dalkaas.

Bishii Agoosto 2017, Mr Maduro wuxuu muran badan dhaliyay kaddib markii uu sameeyay gole cusub oo dastuur-diyaarin ah, kaas oo awood u lahaa inuu dib u qoro dastuurka ama inuu hareer maro, xitaa kala diro, Golaha Qaranka ee ay hoggaaminayeen mucaaradku.

Wuxuu ku sheegay arrintaas inay tahay hab lagu dhiirrigelinayo "dib-u-heshiisiin iyo nabad", balse dadka dhaliiliila waxay u arkeen isku day uu ku xoojinayo ku-dhegganaanta awoodda.

Maduro

Xigashada Sawirka, Getty Images

Mr Maduro wuxuu ahaa qofkii uu doortay Hugo Chávez inuu noqdo beddelkiisa, Chávez oo ahaa aasaasaha waxa loo yaqaan "Kacaanka Bolivarian" ee Venezuela — nooc hantiwadaag ku dhisan dadweynenimo, isla markaana xoogga saaraya daryeelka bulshada.

Wuxuu soo noqday wasiirka arrimaha dibadda xilligii Mr Chávez laga soo bilaabo 2006 ilaa 2013, wuxuuna qabtay xilka madaxweyne-ku-meel-gaar ah kaddib geeridii Mr Chávez ee 5-tii Maarso 2013.

Mr Maduro wuxuu si joogto ah u xusaa xusuusta hoggaamiyihii ka horreeyay, isagoo marar badan soo xiganaya hadalladii Mr Chávez, isla markaana si isdaba-joog ah uga hadla isaga oo hor taagan sawirka hoggaamiyihii geeriyooday.

Xiriirkooda dheer ee aadka u dhaw wuxuu bilowday xilligii la xiray Mr Chávez kaddib isku daygii afgambigii milatari ee fashilmay sanadkii 1992.

Inkasta oo uu jiro sicir-barar xad-dhaaf ah iyo tahriib ballaaran oo dadku dalka uga baxayaan, Mr Maduro wuxuu ku adkaystay siyaasadaha dhaqaale ee dowladdu si buuxda u maamusho, kuwaas oo uu bilaabay Mr Chávez.

Isaga oo leh taariikh dheer oo ku saabsan ururrada shaqaalaha, Mr Maduro wuxuu bilaabay xirfaddiisa siyaasadeed isagoo xildhibaan ka noqday baarlamaanka sanadkii 1998, kaddibna wuxuu noqday madaxweyne ku xigeen.

Aakhirkii sanadkii 1962-dii ayuu ku dhashay magaalada Caracas, waxaa loo arkayey hoggaamiye u janjeera dhinaca Shiinaha iyo Ruushka oo xiriir wanaagsan la lahaa.