Afar goobood oo ku yaalla adduunka oo aan la ogolayn in cag la dhigo

Adduunyada aynu joogno maanta, ma jiri karaan meelo badan oo aan la sawirin, la baahin ama aan oo aanay baraha bulshada ku xusin dalxiisayaashu.
Laakiin waxaa jira qaar. Inkasta oo inta badan wadamada caalamku soo dhaweeyaan dalxiisayaasha, hadana waxaa jira meelo aan la ogayn in cag la dhigo. Waxay noqon kartaa sababo badbaado, sharci ama cilmiyeed, laakiin hal shay oo ay wadaagaan ayaa ah in si adag loo xaddiday. BBC Bitesize waxay eegeysaa qaar ka mid ah goobahaas, iyadoo hubinaysa inaynaan ku tallaabsan meel kasta oo la xadiday.
Baqaarka iniinaha ee Norway
Haddii ay dhacdo masiibo caalami ah, dadka iyo duunyadu waxay halis u yihiin in dalagyada muhiimka ah oo dhan ay baabba'aan.
Nasiib wanaag, waxa jira siyaasad caymis ah - oo ah khasnad abuurka kaydisa oo ay Norway daah furtay 2008dii. Haddii dunida dalaga yaalla oo dhan u baaba'o, iniinaha halkan lagu kaydiyo waa la isticmaali karaa. Waxaa lagu hayaa baakado gaar ah, oo lagu xiray si looga ilaaliyo qoyaanka. Ilaalinta iniinaha marka laga soo tago, sidoo kale waxaa la ilaaliyaa goobta lagu hayo lafteeda.
Bakhaarkaan ayaa ku yaalla jasiirad fog oo lagu magacaabo Spitsbergen oo ku taal Arctic Svalbard
Waxa uu ku fadhiyaa dhul cabbirkiisu yahay 120 mitir (393ft) gudaha buur dhagax ah, taasoo qiyaastii 1,300km (807 mayl) u jirta Cirifka Waqooyi. Marka loo eego 130m (426ft) ee ay ka sarreyso heerka badda.
Ilha da Queimada – jasiiradda sumaysan
Jasiiradan 43-hektar ah ee ka baxsan xeebta Brazil maaha meel la ogol yahay in loo safro si maalinle ah. Waxay hoy u tahay nooc ka mid ah maska sunta ah ee ee dahabiga ah, waa dilaa ay halkiisa qaniinyo oo kaliya ay ku filan tahay shimbiraha uu ugaarsado in aysan dib dambe u duulin. Waxaa lagu qiyaasaa inta u dhaxaysa hal ilaa shan mas in ay joogaan halkii mitir ee labajibbaaran gudaha jasiiraddaan, sidaa darteed dawladda Brazil ayaa ka mamnuucday qof kasta inuu cag soo dhigo Ilha de Queimada, oo loo yaqaan Jasiiradda maska.
Waxa kaliya oo loo ogol yahay in ay galaan cilmi-baarayaasha sayniska, kuwaas oo ay tahay in uu la socdo dhakhtar inta lagu jiro safarkooda. Qof kasta oo kale oo ay xiiseeyaan maska madaxa dahabka ah leh, waxa uu daawan karaa in iyaga oo qafis lagu riday oo ku sugan goobaha kale ee Brazil.

Lascaux – godka Faransiiska ee farshaxanka
Afar dhallinyaro ah oo raadinaya Ey uga lumay god dhexdiisa ayaa helay godkan oo ku yaalla koonfurta Faransiiska sannadkii 1940-kii. Iyaga oo dhexda uga jira shilkaan farxadda lahaa, eeygoodii ayaa u horseeday god ay gidaarkiisa ku daboolan yihiin sawirro farshaxan ah oo ay ka mid yihiin fardo iyo deero. Ku dhawaad 17,000 oo sano, waxay ahayd mid ka mid ah tusaalooyinka ugu wanaagsan ee farshaxanka taariikhiga ah ee waligii la helo, iyada oo leh ku dhawaad 600 sawir iyo 1,000 xaraf.
Godkaan mar ayaa loo ogolaaday dad jecel in daawadaan farshaxanada nuucaan ah balse hadana waxaa la joojiyay sanadkii 1963 dii.
Uluru – Dhagaxa barakaysan ee Australia
Dhawaan ayaa lagu daray liiska meelaha aan dadweynaha loo ogolayn inay booqdaan, Uluru - oo mar loo yaqaanay Ayers Rock - waxay ahayd goob dalxiis sanado badan. Soo-booqdayaashu waxay hore u kori jireen 348m (1,142ft) oo ah in ay kor u fuulaan, in kasta oo ay la macno tahay inay wajahayeen kuleyl aad u daran – gaar ahaan kulaylka xagaaga oo ah ku dhawaad 47C (116F) -, sidoo kale fuulitaanka goobtaan sare wuxuu sababi karaa dhibaatooyin.
Uluru waa meel muqadas u ah dadka dadka asalka ah rr Aborijiniska ah ee Anangu kuwaas oo ah ilaaliyaasha dhagaxa kuwaa oo muddo dheer rabay inay joojiyaan dadka fuula dhagaxaan si loo ixtiraamo caadooyinkooda. Rabitaankan waxaa si wadajir ah u taageeray codsi ka yimid guddiga Qaranka ee Uluru-Kata Tjuta iyo go'aanka lagu joojinayo dadka cagta saaraya Uluru kaa oo la sameeyay 2017 kii.













