Maxaad ka ogtahy saddexda booqasho ee Afwerki ku tagay hal dal muddo laba bilood gudahood ah iyo ujeedka ka dambeeya

Afwerki oo ku sugan Sacuudiga

Xigashada Sawirka, @hawelti

Madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki oo ay isku dhacsanyihiin Itoobiya ayaa gaaray magaalada Riyaadh isaga oo ay tahay booqashadiisii saddexaad ee rasmiga ah ee ku tago boqortooyada Sacuudiga laba bilood gudahood, taas oo xiriirka uu la leeyahay dalalka daris ah.

Waxa uu hadda u jeestay booqashada dalal kale, iyada oo markii uu xilka yimid Abiy Axmed uu dhowr booqasho ku tagay Addis Ababa, oo haatan uu khilaaf dhex yaalo labada dhinac.

Inkasta oo aan si cad loo ogayn qorshaha dhabta ee Madaxweyne Afwerki ee Sacuudiga marka laga reebo arrimaha xiriirka caadiga ee laba geesoodka ah, haddana Sacuudiga oo ay xiriir la leh Addis Ababa iyo Asmara ayaa yeelan kara saamayn ku aadan xalinta xiisada labada dal.

Khabiir arrimaha Geeska Afrika, Cabduraxmaan Sayid Abu Haashim oo xasuusan heshiiskii 2018 ee Afwerki iyo Abiy ay ku kala saxiixdeen Sacuudiga ayaa bixiyay aragtidiisa. Waxa uu sheegay in ''ay arki karaan haddii ay jirto fursad lagu soo noolayn karo ''heshiiskii hore loo saxiixay''

Fadlan halkan riix oo ku soo biir janalka WhatsApp ee BBC Somali si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey ee caalamka, iyo kuwa gobolka

Isaias ayaa taageeray dowladda Itoobiya isla markaana u diray ciidamadiisa dagaalkii Tigray, waxaana uu jarmay xiriirkii xoogganaa ee la lahaa ra'iisul wasaare Abiy ka dib heshiiskii Retoria ee soo afjaray colaadii gobolka Tigray.

Waxaa kale oo uu xiriirku sii xumaaday ka dib ku adkaysashadii ra'iisul wasaaraha Itoobiya ee ahaa in dalkiisu ay tahay inuu helo bad, taasi oo walaac ku abuurtay dhanka Ereteriya, waxaana soo baxay cabsi dagaal ka dhex qarxi kara labada dal.

Cabduraxmaan ayaa sidoo kale sheegay in loollanka u dhaxeeya Sucuudiga iyo Iskutagga Imaaraatka Carabta uu xoojinayo iskaashiga ay leeyihiin dalal iyo kooxo kala duwan si ay u kordhiyaan saamayntooda gobolka, ayna noqon karto sababta booqashada Madaxweyne Afwerki ee Riyad.

Madaxweynayaasha Ereteriya iyo Masar

Xigashada Sawirka, .

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Khabiirka Geeska Afrika ayaa aaminsan in booqashada Madaxweyne Isaias ee dhowaan ee dalalka dariska badda cas ee ka baxsan Yemen ay sabab u tahay xiisaha sii kordhaya ee Itoobiya u qabdo Deked badeed ay noqon karto hab lagu galo wada xaajood xal lagu gaaro, maadaama ay ka abuurtay xaalad khatar ah gobolka.

Xiisadda u dhaxaysa Ereteriya iyo Itoobiya ayaa dhalisay cabsida suurtagalnimada inuu dib u qarxo dagaal. Iska hor imaadka labada dal ee dhanka afka ayaa gaaray heerkii ugu sarreeyay sanadka.

Madaxweyne Isaias Afwerk oo aan badanaa aan ka bixin Ereteriya ayaa saddex booqasho ku tagay dalalka ku xeeran badda Cas labadi bilood ee u dambeeyay. Dalalkaasi ayaa kala ah Suudaan, Sacuudiga iyo Masar. Kuwaas oo sida Ereteriya si toos ah iyo si aan toos ahayn u raba in Itoobiya aysan helin marin badda cas. Waxa ay sidoo kale kamid yihiin dalada iskaashiga badda cas, taas oo muujinaysa mowqifkooda wadajirka.

Sida laga soo xigtay fariimo la soo dhigay baraha bulshada ayaa wasiirka warfaafinta Ereteriya ku sheegay booqashooyinka madaxweynahooda ay tahay martiqaad ka yimid hoggaamiyayaasha dalalka uu booqday.

Masar oo Itoobiya ay isku hayaan biyo xireenka ay dhistay ayaa saaxiib dhow la ah Asmara, iyada oo ka hortimid damaca badda ee Addis ababá.

Mana jirto faahfaahin intaasi ka badan oo dowlada Asmara ay ka bixisay booqashooyinka madaxweynahooda iyo rasmi ahaan waxa uu salka ku hayo marka laga reebo murankii ka dhashay hadaladii soo laablaabtay ee Ra'iisul wasaare Abiy Axmed uu ku adkeeyay damaca dalkiisa ee marin badeedka, gaar ahaan badda cas.