Maraykanku oo cunaqabateyn saaray shabakadda 'Dagaalyahannada Kolombiyaanka' ee ay kireysataan RSF-ta Suudaan

Xigashada Sawirka, GettyImages
Mareykanka ayaa cunaqabateyn kusoo rogay shabakad caalami ah oo Washington ay sheegtay inay qortay ciidamo hore oo reer Colombia ah isla markaana tababarta dagaalyahanno ay ku jiraan carruur, si ay ula dagaal galaan Ciidamada Taageerada Degdegga ah ee Suudaan (RSF).
Washington waxay sheegtay in tallaabadan ay bartilmaameedsanayso "il weyn oo taageero shisheeye" ah oo loo fidiyo xoogaggan, kuwaas oo lagu eedeeyay inay geysteen xadgudubyo ballaaran intii lagu guda jiray dagaalka sokeeye ee ka socda Suudaan tan iyo 2023.
Waaxda Maaliyadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in Xafiiska Maamulka Hantida Shisheeye (OFAC) uu cunaqabatayn kusoo rogay afar qof iyo afar hay'adood oo la xiriira shabakad Kolombiya ah taasoo ka qayb qaadatay colaadda iyada oo shaqaaleysay ciidamada hore ee Kolombiya ah islamarkaana tababartay dagaalyahano, oo ay ku jiraan carruur, si ay ula dagaal galaan Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF).
Cunaqabatayntu waxay ka mid tahay xayiraadda hantida dadkaasi si waafaqasan sharciga Maraykanka, iyo ka hortagga in shirkadaha Maraykanka ay la ganacsadaan, iyo ka mamnuucida inay galaan dhulka Maraykanka, kuwa jebiyana waxaa laga yaabaa in lagu ciqaabo ciqaab sharciga madaniga ah iyo kuwa dambiyada.
Fadlan halkan riix oo ku soo biir janalka WhatsApp ee BBC Somali si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey ee caalamka, iyo kuwa gobolka
Yaa la beegsanayaa?
Washington waxay sheegtay in shabakadda ay beegsatay ay badanaa ka kooban tahay muwaadiniin iyo shirkado Kolombiya ah tan iyo Sebtembar 2024-na ay qaadatay howl-wadeenno hore oo milateri Kolombiyaan ah, qaar ka mid ah ay khibrad u leyihiin hubka wax-dilka, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), iyo shaqada goobta, una diray Suudaan si ay uga shaqeeyaan sidii dagaalyahanno, darawallo, hawl-wadeennada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyo tababarayaasha ciidamada RSF, oo ay ku jiraan carruurta.
Dagaalyahanadani waxa laga howlgeliyay dhowr goobood gudaha Suudaan, oo ay ku jiraan caasimadda Khartum, Omdurman, gobollada Kordofan, iyo Darfur, waxayna ka qaybqaateen dagaallo waaweyn, oo ay ku jirto howlgalka ku dhamaaday in Ciidanka Taageerada Degdegga ah (RSF) ay la wareegtay El Fasher, caasimadda gobolka Waqooyi Darfur, 26-kii Oktoobar 2025, ka dib markii hareereyntu ay socotay qiyaastii 18 bilood ah.
Mas'uuliyiinta Mareykanka ayaa sheegaya in ka qaybgalka dagaalyahannada Kolombiya ee khibrad ciidan leh ay u suurtagelisay RSF inay xoojiso awooddeeda dagaal ee goobaha adag sida Darfur, halkaas oo hay'adaha caalamiga ahi ay diiwaan gelinayeen dad badan oo lagu dilay, jirdil iyo tacaddi galmo oo baahsan oo lagula kaco shacabka ka dib markii El Fasher la qabsaday.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Liiska cunaqabatayntu wuxuu ka kooban yahay magacyada shakhsiyaadka iyo shirkadaha ay OFAC sheegtay inay ka mid yihiin 'xuddunta nidaamka iyo dhaqaalaha' ee shabakadda, oo ay ku jiraan:
Álvaro Andrés Cuijano Becerra: Sargaal hore oo Kolombiyaan ah oo haysta laba jinsiyadood Kolombiya iyo Talyaani, kuna nool Imaaraadka Carabta, kaas oo Waaxda Maaliyaddu ku eedeysay ka qayb qaadashada muhiimka ah ee qorista iyo isku dubaridka diridda ciidamadii hore ee milatariga Kolombiya ee loo diray Suudaan si ay ugu shaqeeyaan Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF)
Hay'adda Shaqaalaynta Qaranka: Shirkad shaqaalaynta ah oo fadhigeedu yahay Bogotá oo uu asaasay Cuijano, taasoo ay masuuliyiinta Mareykanka sheegaan inay dhistay xarun shaqaalaynta ah iyada oo loo marayo ololeyaal shaqaalaynta oo ay ku jireen hawl-wadeennada droneska, kuwa meel fog wax ka shiisha iyo turjumaano.
Claudia Viviana Oliveros Forero: Xaaska Coejano iyo milkiilaha iyo agaasimaha isla hay'addaas, Washington waxay sheegtay in ay maamushay dhinacyada maamulka iyo hawlgalka ee qandaraasyada shaqaaleynta ee la xiriira u dirista dagaalyahanno Suudaan.
Mateo Andrés Duque Botero, oo ah muwaadin Kolombiyaan-Isbaanish ah, wuxuu maamulaa shirkadda Mine Global Corp. oo ku taal Bogotá, waxaana Wasaaradda Maaliyaddu ku eedeysay maareynta iyo wareejinta lacagaha loogu talagalay in lagu bixiyo dagaalyahannada Kolombiyaanka ah.
Global Staffing, oo hadda loo bixiyay Talent Bridge, wax saldhigeedu yahay Panama, waxaana la sheegay in ay u shaqeyneysay sidii dhexdhexaadiye oo kale si loo qariyo doorka dhabta ah ee hay'adda shaqaalaynta qaranka ee heshiisyada shaqaalaynta iyo wareejinta lacagaha.
Mónica Muñoz Oakros iyo shirkadda Commercializadora San Benedetto ee Kolombiya ayey Washington ku eedeeysay inay maamusho maamu,idda bangiyada ee la xiriirta bixinta mushaaraadka dagaalyahannada iyo kharashaadka kale ee saadka.
Magacaabista magacyadan iyo shakhsiyaadkan ku jira liiska OFAC, waxay ka dhigan tahay in la fariisyo oo la xayiro hanti kasta ee ay leeyihiin ee ku jirta nidaamka maaliyadeed ee Mareykanka, isla markaanain laga mamnuuco hay'adaha maaliyadeed ee Mareykanka, shirkadaha, iyo shaqsiyaadku, in wax ganacsi ah ay la sameeyaan iyaga, kaas oo ay ku jirto bixinta adeegyo maaliyadeed ama adeegyo shaqo.
Ku-xigeenka xoghayaha Waaxda Maaliyadda Mareykanka ee ka hortagga argagixisada, John K. Hurley, ayaa sheegay in RSF "ay marar badan muujisay diyaar-garowgeeda ay dadka rayidka ah ay bartilmaameedsato, kuwas oo ay ku jiraan dhallinyarada iyo carruurta yaryar," iyo in shabakadda ciqaabta "si toos ah uga qayb qaadatay u oggolaanshaha ciidamadan inay xadgudubyo geystaan" iyadoo la siinayo dagaalyahanno si heer sare ah u tababaran.
Maamulka wuxuu ganaaxyadcunaqabateynta u arkaa qayb ka mid ah dadaal ballaaran oo lagu 'joojinayo taageerada milatari ee dibadda' ee loogu talagalay RSF iyo in lagu xaddido awooddeeda ay kaga faa'iidaysan karto dagaalyahanno shisheeye oo goobta dagaalka jooga.
Dagaal muddo dheer socday iyo xaalad bani'aadamnimo oo aan horay loo arag

Xigashada Sawirka, Getty Image
Dagaalka Suudaan ayaa qarxay bishii Abriil 2023, ka dib markii xiisadaha u dhexeeyay ciidanka uu hoggaaminayo Jenaraal Abdel Fattah al-Burhan iyo Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF) oo uu hoggaaminayo Maxamed Hamdan Dagalo (Hemedti), ay korodheen, iyada oo sababtu tahay khilaafaadka ku saabsan in ciidamada RSF lagu daro ciidamada Sudan iyo waddada loo maray marxaldda kala-guurka siyaasadeed.
Khilaafku si degdeg ah ayuu isu beddelay dagaal furan oo ka faafay Khartoum ilaa Darfur, Kordofan iyo gobollo kale. Qiyaasaha ugu dambeeyay ee Qaramada Midoobay iyo gabagabada khubaro madax-bannaan ayaa muujinaya in dagaalku uu ayku dhinteen tobanaan kun oo qof, isla markaana ku qasbay in qiyaastii 12 ilaa 14 milyan oo qof ay ku barakicaan gudaha iyo dibadda Suudaan, taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee barakkicinta dunida maanta.
Qaramada Midoobay iyo hay'adaha kale ee caalamiga ah waxay xaaladda Sudan ku tilmaamaan 'dhibaatadada bini'aadantinimada ee ugu daran adduunka maanta', iyadoo ay baaba'een kaabayaasha iyo adeegyada aasaasiga ah, in ka badan 70 ilaa 80 boqolkiiba goobaha caafimaadka ee ku yaal meelaha dagaaladu saameeyeen, iyo gaajo baahsan iyo nafaqo-
Qabsashadii El Fasher, saldhigii ugu weynaa ee ciidanku ku lahaa gobolka Darfur, 26-kii Oktoobar 2025, waxa ay ahayd dhacdadii ugu weyneyd ee dhawaan ka dhacday goobta. Ka dib go'doomin muddo ku dhow 18 bilood, RSF ayaa magaalada galay iyadoo ay taageerayaan unugyo maxalli ah iyo xulafada dibadda, oo ay ku jiraan, sida ku cad eedeymaha Mareykanka, dagaalyahanno Kolombiyaan ah oo lagu qoray shabakadda ay saamaysay cunaqabataynta ugu dambeysay.
Madaxa xuquuqal insaanka ee Qaramada Midoobay Volker Türk ayaa sheegay in ay jirto cabsi ku saabsan in ay soo noqota wixii uu ku tilmaamay gabood falladi lagu sameeyay El Fasher, Suudaan, ee gobolka Kordofan.
Wuxuu wariyeyaasha u sheegay in UNHCR ay awood u leedahay inay ka badbaado hoos u dhaca weyn ee maalgelinta ee ka timaada deeq-bixiyayaasha caalamiga ah xilli ay kordhayaan xadgudubyada aadanaha iyo baahiyaha meelaha ay ka jiraan colaadaha hubeysan.
Tan ayaakusoo aadeysa xilli labada dhinac ee khilaafka Suudaan ay is dhaafsadeen eedeymo ku saabsan xadgudubyo baahsan oo ka dhacaya gobolka Kordofan, halkaasoo dagaalka hubeysan uu sii kordhayo.
The Rapid Support Forces (RSF) accused the Sudanese army of shelling the Heglig region of western Kordofan, a day after it took control of the oil-rich region.
It said in a statement that the attack was carried out via a Turkish-made drone, noting that it led to the death and injury of dozens of people, including tribal leaders in the area, and described the attack as a war crime.
Ciidamada Taakulaynta Degdegga ah (RSF) ayaa ku eedeeyay ciidanka militariga Suudaan inay rasaas ku rideen gobolka Heglig ee Kordofanta Galbeed, maalin kaddib markii ay qabsadeen gobolka hodanka ku ah shidaalka.
Waxay ku sheegeen bayaan, in weerarku ay sameysay diyaaradda drone oo Turkish ah, iyagoo sheegay in weerarku sababay dhimashada iyo dhaawaca tobaneeyo qof, oo ay ku jiraan hoggaamiyeyaal qabiil oo ku sugan gobolka, islamarkaana weerarka ku tilmaamay dambi dagaal.
Waddo diblomaasiyadeed oo Jilicsan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Diblomaasiyad ahaan, Washington waxay isku dayeysaa inay isticmaasho cadaadiska maaliyadeed, sida cunaqabateynta, iyadoo la raacayo tallaabooyin siyaasadeed si loo joojiyo dagaalka ama ugu yaraan loo dabciyo.
Bishii Sebtembar 12, 2025, wasiiro arrimaha dibadda ee afar dal Suudaan – Maraykanka, Masar, Sacuudi Carabiya, iyo Imaaraadka Carabta – waxay soo saareen bayaan wadajir ah oo ugu baaqaya hakin bani'aadamnimo o dagaalka ah muddo saddex bilood ah si gargaar loo gaarsiiyo guud ahaan Suudaan, taasoo ay ku xigi doonto xabd joojin waarta iyo waddo kala-guur ah oo horseeda samaynta dowlad rayid oo madax-bannaan muddo cayiman gudaheed.
Tan iyo markaas, Washington waxay ku celisay bayaankaheeda ah in sii socoshada dagaalku khatar ku tahay in Suudaan u beddesho 'meel ay ku gabadaan kuwii khatar gelin kara danaha Mareykanka iyo kuwa gobolka,' waxayna ku baaqeysaa in dhinacyada dibadda ay joojiyaan taageerada ciidan ama dhaqaale ee milatariga ama Ciidanka Taageerada Degdega ah (RSF).
Toddobaadyadii u dambeeyey, xiriirka Maraykanka iyo awoodaha gobolka ayaa sidoo kale kor u kacay. Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Marco Rubio wuxuu wacay isaga oo taleefan kula hadlay dhigiisa Masar Badr Abdel iyo wasiirka arimaha dibadda Sacuudiga Faisal bin Farhan, kuwaas oo, sida lagu sheegay bayaannada rasmiga ah, ka wada hadlay "baahida degdegga ah ee loo qabo in horumar laga gaaro dadaallada nabadda ee Suudaan" iyo shaqada lagu xasilinayo xabbad-joojin bini'aadantinimo.
Taliyaha militariga ee Suudaan, Abdel Fattah al-Burhan, ayaa si guud ugu baaqay Madaxweynaha Trump inuu soo farageliyo si uu uga caawiyo dhamaystirka dagaalka, isagoo sheegay in dadka Suudaan ay hadda "u ay eegayaan Washington inay qaado tallaabada xigta" ee nabadda. Guddiga Sare ee Suudaan ayaa markii dambe ku dhawaaqay in ay diyaar u yihiin inuu la shaqeeyo dadaallada Mareykanka iyo Sacuudiya si loo "joojiyo dhiig-baxa Suudaan."
Laakiin tallaabooyinkan, iyo wadahadaladii hore ee magaalada Jeddah lagu martigeliyay, ilaa hadda way ku guuldareysteen inay dhaqaajiyaan joojin joogto ah oo dagaalka ah.













