'Waxaan arkay iyagoo gawaari dul marsiinaya dadka dhaawaca ah' - sidii argagaxa lahayd ee uu ku soo baxsaday Cabdulqaadir Cali

Abdulqadir Abdullah Ali

Xigashada Sawirka, Ed Habershon / BBC

Qoraalka sawirka, Cabdulqaadir Cabdullaahi Cali ayaa sheegay in dagaal-yahannada RSF ay rasaas nool nool ku tooganayeen dadka ka qaxaya el-Fasher
    • Author, Barbara Plett Usher
    • Role, Africa correspondent
    • Reporting from, Al-Dabbah, Sudan

Cabdulqaadir Cabdullaahi Cali ayaa wuxuu la daalaa dhacayay waxyeello dhanka neerfaha ah oo intii uu socday dagaalkii dheeraa ee lagu qabsaday magaalada el-Fasher ee Suudaan sababo la xiriira daawo ma uusan u heli karin xanuunka uu qabo ee macaanka.

Ninkanoo 62 jir ah ayaa ka xanuunsan mid ka mid ah lugaha, balse aad ayuu u walaacay markii dagaal-yahannada Ciidanka Gurmadka Degdegga ah ee (RSF) ay ugu dambeyn qabsadeen magaalada oo ku taalla gobolka galbeedka ee Darfur, ma uusan dareemeyn wax xanuun ah intii uu cararayay.

"Subaxdii ay RSF-tu yimaadeen waxaa dhacaysay rasaas, rasaas badan, iyo qaraxyo," ayuu yiri.

"Dadku cabsi ayaa heysay, waxay ka soo carareen guryahooda, qof kastana dhinac ayuu u kala orday — aabbihii, wiilkii, gabadhii — dhammaantood way ordayeen."

Qabsashadii El-Fasher ka dib 18 bilood oo go'doon ah waa cutub aad u xanuun badan oo ka mid ah dagaalka sokeeye ee Suudaan.

BBC-da ayaa u safartay xero teendhooyin ah oo ku taalla woqooyiga Suudaan oo ku jirta dhulka ay ciidamadu maamulaan si ay u dhageystaan sheekooyinka tooska ah ee dadka ka badbaaday. Kooxda waxaa si joogto ah ula socday mas'uuliyiinta socdaalka oo dhan.

RSF-tu waxay la dagaallamaysay ciidanka milatariga tan iyo Abriil 2023 markii uu dagaal ka qarxay loollan awood oo u dhexeeyay labada dhinac.

Qabsashada El-Fasher waxay ahayd guul wayn oo u soo hoyatay kooxda, taas oo ciidanka ka saartay fariisinkoodii ugu dambeeyay ee Darfur.

Laakiin caddeymo muujinaya xasuuqyo daran ayaa keenay cambaarayn caalami ah, waxayna sii kordhiyeen feejignaanta Mareykanka ee ku aaddan sidii loo joojin lahaa colaadda.

Digniin: Warbixintan waxaa ku jira faahfaahinno laga yaabo in aqristayaasha qaar ay dhibsadaan.

Ilmo kasoo jeeda el-Fasher oo jooga xero u dhow in al-Dabbah, Sudan, 12 November 2025.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Dagaalka Sudan ayaa barakaciyay malaayiin qof iyadoo dadka qaar oo ka qaxayay el-Fasher ay gareen al-Dabbah
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxaan ku aragnay Cali isaga oo ku gaaf-wareegaya xerada, taas oo ku taal lamadegaanka meel qiyaastii 770km (480 mayl) waqooyi-bari kaga beegan el-Fasher, agagaarka magaalada al-Dabbah.

Wuxuu isku dayayay inuu qoys­kiisa u diiwaangeliyo teendho.

"Waxay (dagaalyahannada RSF) tooganayeen dadka – waayeelka, dadka rayidka ah – rasaas nool ayay ku ridayeen, qoriyahoodana way ku dhammeeyeen," ayuu noo sheegay.

"Qaar ka mid ah RSF waxay ku yimaadeen gaari. Haddii ay arkaan qof weli neefsanaya, gaari ayay dul marsiinayeen."

Cali wuxuu sheegay inuu cararay markii uu awooday, marna dhulka ku gurguuranayay ama meel ku dhuumanayay marka khatartu soo dhowaato. Wuxuu ugu dambayn ku guulaystay inuu gaaro tuulada Gurni, oo dhowr kiiloomitir u jirta el-Fasher.

Gurni waxay ahayd halkii ugu horreysay ee ay dad badan oo magaalada ka cararay yimaadeen, oo uu ku jiro Mohammed Abbaker Adam, oo ah mas'uul ka tirsan xerada barakacayaasha ee Zamzam ee u dhow.

Mr Adam wuxuu dib ugu noqday el-Fasher markii Zamzam ay RSF qabsadeen Abriil, wuxuuna ka baxay hal maalin ka hor intaysan magaalada gacanta ku dhigin bishii Oktoobar.

Wuxuusameystay gar cad si uu ugu ekaado qof waayeel ah, isagoo rajaynayay in taas laga yaabo inay keento in si ka fudud dadka kale loola dhaqmo.

"Waddada halkan loo soo maray dhimasho bay ahayd," ayuu yiri.

"Waxay horteenna ku dileen dad, ka dibna way qaadeen oo meel fog bay ku tuureen. Waddadana waxaan ku aragnay maydad bannaanka yaal, aan la aasayn. Qaar waxay yaallayeen labo ama saddex maalmood."

"Dad aad u badan waa kala firxaday," ayuu ku daray. "Ma garanayno halka ay ku dambeeyeen."

Qaar ka mid ah dadka aan u safrin masaafo-dheer ee al-Dabbah waxay gaareen xarunta gargaarka bani'aadamnimo ee Tawila, oo qiyaastii 70km u jirta el-Fasher.

Qaar kalena waxay u gudbeen Chad. Laakiin Qaramada Midoobay waxay sheegtay in wax ka yar kala bar 260,000kii qof ee lagu qiyaasay inay magaalada ku jireen ka hor intii aysan dhicin aan weli la hayn xogtooda.

Hay'adaha gargaarku waxay aaminsan yihiin in dad badan aysan aad uga fogaan — qaarna aysan u suurtogelin inay baxsadaan sababo la xiriira khatar, xabsi, ama kharashka laga rabo inay ku baxsadaan.

Mr Adam wuxuu sheegay in dagaalyahannadu ay haweenka kufsadeen, taas oo waafaqsan warbixinnada badan ee ku saabsan rabshadaha galmada.

"Haweeneyda geed ka dambeeya bay u kaxayn jireen, ama meel naga fog, indhaha ka qarsoon, si aanad indhahaaga ugu arag," ayuu yiri.

"Laakiin waxaad maqleysaa iyada oo qaylinaysa: 'I caawi, i caawi.' Markaasay soo laaban iyadoo leh, 'way i kufsadeen.'"

Xerada waxa ku badan haween, kuwa badanna ma rabaan in la aqoonsado si loo ilaaliyo dadka ay ka tageen.

Gabar 19 jir ah ayaa noo sheegtay in dagaalyahannada RSF oo ku sugnaa bar-kontorool ay ka kaxeysteen gabar ay la socdeen, isla markaana ay qasab ku ahaatay inay halkaas kaga soo tagaan.

"Waan cabsanayay," ayay tiri. "Markay gaariga taagnaa kontoroolka kala degeen, waxaan ka baqayay in kontorool kasta ay gabar ka kaxaysan doonaan. Laakiin iyada kaliya bay wateen, intaasna waa ku ekaatay ilaa aan halkan nimid."

Waxay safarka ku jirtay iyada oo wadda walaasheed yar iyo walaalkeed. Aabbaheed oo askari ahaa ayaa lagu dilay dagaalka. Hooyadeedna ma joogin el-Fasher markii magaalada la qabsaday.

Saddexdii walaal waxay magaalada lug kaga soo baxsadeen iyagoo ay weheliso ayeeyadood, balse ayeeyadu waxay ku dhimatay intuusan safarku gaarin Gurni, taasoo ku qasbtay inay kaligood sii socdaan.

"Biyo ku filan ma aanan qaadan sababtoo ah ma aanan ogeyn in masaafadu ay aad u dheer tahay," ayay tiri gabadha yar.

"Waynu soconnay oo soconnay, ayeeyadayna waa suuxday. Waxaan moodayay inay cunto la'aan ama biyo la'aan tahay.

Waxaan eegay garaaca wadnaheeda, ma toosin, markaas ayaan dhakhtar ka helay tuulo ku dhow. Wuu yimid oo wuxuu yiri, 'Ayeeyadaa waxay idin siisay nafteeda.'"

"Waxaan isku dayayay inaan adkaysto sababtoo ah walaashay iyo walaalkey ayaan la joogay, laakiin ma aanan ogeyn sida aan ugu sheegi lahaa hooyaday."

Koox haween ah oo ku sugan al-Dabbah

Xigashada Sawirka, Ed Habershon / BBC

Qoraalka sawirka, Qaar badan ayaa iyagoo gacmo maran yimid xerada - iyagoo wixii ay heysteenba ku bixiyay bar-koontaroollada

Dhammaantood waxay si gaar ah uga walwalsanaayeen walaalkood 15-jirka ah, maaddaama RSF ay ka shakisanayeen in ragga cararaya ay la dagaallameen ciidanka.

Wiilku wuxuu sharraxay dhibtii uu soo maray mid ka mid ah kontoroollada, halkaas oo dhallinyarada oo dhan gaariga looga soo dejiyay.

"RSF waxay nagu wareysatay saacado qorraxda hoosteeda," ayuu yiri. "Waxay nagu yiraahdeen waxaan nahay askar — qaar ka mid ah kuwii waaweyn ee nala jiray waa laga yaabaa inay ahaayeen.

"Dagaalyahannada RSF waxay nooga istaageen korka, wayna na hereereeyeen, wayna na garaaceen iyagoo noogu hanjabay hubkooda. Waxaan lumiyay rajo oo waxaan u sheegay, 'Wax kasta oo aad rabtaan inaad igu sameysaan, sameeya.'"

Ugu dambeyntii way sii daayeen — ka dib markii walaashiis 13-jirka ah ay u sheegtay in aabbaheed dhintay, kan uu yahay walaalkeed kaliya. Waxay dib ula midoobeen hooyadood iyaga oo ku sugan xerada al-Dabbah.

Dadka badankoodu waxay ku sifeeyeen RSF inay ka soocaan waayeelka ragga iyo haweenka, ayna kala baxaan ragga da'da dagaalka geli kara.

Taasi waxay ku dhacday Abdullah Adam Mohamed oo ku sugnaa Gurni, taas oo ka goysay saddexdiisa gabdhood oo da'doodu tahay labo, afar iyo lix jir. Ninkani oo iibin jiray waxyaabaha carfoon ayaa carruurta keligii korinayay tan iyo intii gabar­tiisu ku dhimatay madaafiicda afar bilood ka hor.

"Waxaan gabdhahayga siiyay haweenkii nala socday," ayuu u sheegay BBC-da. "Markaas RSF waxay keeneen gaadiid waaweyn, annagana (ragga) waxaan ka cabsanaynay inay si khasab ah noogu qori doonaan. Markaas qaar naga mid ah way carareen oo way ku dhuunteen xaafadda."

"Habeenkii oo dhan waxaan ka fikirayay, sideen carruurteenna u heli doonnaa mar kale? Dad badan baan hore u waayay — waxaan ka baqayay inaan iyagana waayo."

Cabdullaahi Aadan Maxamed iyo gabadhiisa afar sano jirka ah Sabaa

Xigashada Sawirka, Ed Habershon / BBC

Qoraalka sawirka, Cabdullaahi Aadan Maxamed iyo gabadhiisa afar sano jirka ah Sabaa

Maxamed wuu ka baxsaday, laakiin qaar kalena ma aysan badbaadin. Mr Ali wuxuu sheegay inuu meel fog ka arkay RSF oo rasaas ku furaysa koox rag ah.

"Raggii way dileen, dumarkana ma aysan dilin, laakiin ragga oo dhan waa la toogtay," ayuu u sheegay BBC-da. "Waxaa dhacay dhimasho badan annaguna waan ka cararnay."

Cabdulqaadir iyo Aadan waxay Gurni uga baxeen dameerro, iyagoo habeenkii safar ku maraya ilaa ay gaareen tuulada xigta ee Tur'rah.

Maxamed isaguna wuxuu ku guulaystay inuu gaaro Tur'rah, halkaas oo uu kula midoobay gabdhi­hiisa. Halkaas ayay gaari kasoo raaceen iyagoo galay safar dheer oo ay ku tageen al-Dabbah.

Dad badan waxay xerada ku yimaadeen iyagoo gacmo maran. Waxay magaalada uga soo baxeen iyagoo ku dhowaad aan waxba wadin, waxaana lagu qasbay inay lacag bixiyaan si ay kontoroollada uga gudbaan.

"RSF waxay naga qaadeen wax walba oo aan haysannay: lacag, taleefannada, xataa dharkeennii fiicnaa," ayuu Mr Adam yiri. "Kontorool kasta waxay kugu qasbayaan inaad ehelkaaga wacdid oo lacag laguu soo wareejiyo ka hor intaysan kuu oggolaan naad sii gudubto."

RSF waxay u sheegtay BBC-da inay diiddan tahay eedeymaha ku saabsan xadgudubyada nidaamsan ee loo gaystay dadka rayidka ah.

"Eedeymaha gaarka ah ee la soo bandhigay — dhaca, dilka, kufsiga, ama dhibaateynta dadka rayidka ah — ma muujinayaan tilmaamaha aanu bixinno," ayuu yiri Dr Ibrahim Mukhayer, oo ah la-taliyaha hoggaamiyaha RSF, Gen Mohammed Hamdan Dagalo.

"Xubin kasta oo RSF ah oo lagu helo dambiga lagu eedeeyay waxaa si buuxda loo hor geyn doonaa caddaaladda."

Wuxuu sheegay in kooxda RSF ay aaminsan tahay in eedeymaha ku saabsan xasuuqa baahsan ay qayb ka yihiin olole warbaahineed oo siyaasad ku dhisan, oo uu ku eedeeyay "cunsuriyiin Islaami ah" oo ka tirsan maamulka militariga ee Suudaan.

RSF waxay baahisay muuqaallo ay ku doonayso inay wax uga beddesho sheekada, kuwaas oo muujinaya saraakiishooda oo soo dhaweynaya dadka ka soo cararaya el-Fasher, gaadiid sida gargaar bani'aadamnimo, iyo xarumo caafimaad oo dib loo furay.

Mohamed Hamdan Dagalo

Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images

Qoraalka sawirka, RSF, oo uu hoggaamiyo Mohamed Hamdan Dagalo, hayaa xulafo la ahayd ciidamada kahor inta aysan kala xarig furan

Maxamed wuxuu u sheegay BBC-da in askarta lugta ee RSF ay aad u dhaqan xun yihiin marka saraakiishoodu maqan yihiin, halka Mr Adam uu beeniyay waxa uu ku tilmaamay isku dayga kooxda ee ay ku doonayaan inay sumcaddooda ku qurxiyaan.

"Waxay leeyihiin istaraatiijiyad sidan ah," ayuu yiri. "Waxay isu keenaan 10 ama 15 qof, biyo bay na siiyaan oo way duubaan, iyagoo muujinaya inay si wanaagsan noola dhaqmayaan.

"Marka kaamaraduhu damaan, waxay bilaabaan inay na garaacaan, si xun noola dhaqmaan, wax walbana naga qaadaan."

Horraantii sanadkan Mareykanku wuxuu go'aamiyay in RSF ay gaysteen xasuuq ka dhacay Darfur.

Laakiin ciidamada dowladda Suudaan iyo maleeshiyooyinka la safan ayaa sidoo kale lagu eedeeyay xadgudubyo ay ka mid yihiin beegsi lagu hayo dadka rayidka ah ee lagu tuhmo inay taageersan yihiin RSF, iyo madaafiic aan loo meel dayin oo lagu garaacayo xaafadaha.

Qaybtan aadka u naxdinta badan ee dagaalka ba'an ee Suudaan ayaa soo jiidatay indhaha madaxweynaha Maraykanka Donald Trump. Wuxuu ballan qaaday inuu si toos ah uga qayb qaadan doono dadaallada socda ee Maraykanku ku doonayo inuu ku heshiisiiyo dhinacyada dagaalka.

Kuwa ka cararay el-Fasher, taas waxa ay ula muuqataa riyo fog. Colaaddan marar badan bay dhib gaarsiisay, mana oga waxa xiga.

Laakiin weli adkaysi ayayb leeyihiin. Cali ma uusan maqlin daneynta lama filaanka ah ee Trump ee Suudaan; wuxuu ku mashquulsanaa raacitaanka mas'uuliyiinta si uu oggolaansho ugu helo inuu ku sii nagaado teendhada xerada, halkaas oo uu yiri: "Waanu ku noolaan karnaa oo ku nasan karnaa."