Waa kuma Maxamed Xamdaan Dagalo, geeljiraha hore ee hadda dowlad gaar ah uga dhawaaqay Suudaan?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ciidamada Gurmadka Degdegga ah ee RSF ayaa ku dhawaaqay dhismaha dowlad ka soo horjeedda ciidamada qalabka sida ee dalkaas, iyadoo labo sano uu socday dagaal, kaas oo noqday dhibaatada bini'aadantinimo ee ugu weyn caalamka.
Hoggaamiyaha Ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF), Maxamed Xamdaan "Hemedti" Dagalo, ayaa sheegay in kooxdu "ay dhisayso mustaqbalka kaliya ee dhabta ah ee Suudaan".
Ku dhawaaqista ayaa timid iyadoo London ay martigelisay shir heer sare ah oo lagu xusayay sanadguuradii labaad ee dagaalka Suudaan, halkaas oo xoghayaha arrimaha dibadda ee UK David Lammy uu ku baaqay "dariiq nabadeed". Dagaalka ayaa socday, iyadoo ciidamadu ay sheegeen inay duqeeyeen fariisimo ay RSF-ta ku lahaayeen duleedka magaalada el-Fasher, taasoo ku qasabtay boqollaal kun inay ka cararaan xerada qaxootiga ee Zamzam.
Waa kuma Dagalo?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dagalo wuxuu dhashay qiyaastii 1974 wuxuuna kasoo jeedaa beesha Mahariya ee qowmiyadda Rizeigat oo degta gobolka Darfur, waxaana adeer u ah hoggaamiye qabiil oo geelleyda qabaa'ilka Rizeigat ka mid ah.
Waxbarasho fiican oo aasaasi ah ma uusan soo marin, fasalka saddexaad ayuuna uga haray dugsiga sare isagoo kadib noqday ganacsade dhanka geela.
Sheekada ugu caansan ee laga yaqaanno Dagalo waa mar lagu qasbay inuu hub u qaato dagaalkii Darfur kadib markii rag ay weerareen kolonyadiisa ganacsi, ayna dileen 60 ka mid ah qoyskiisa ayna dhaceen geeliisa.
Hameti ayaa door muuqda ka qaatay siyaasadda dalkiisa muddo 10 sano ah, isagoo gacan ka geystay in xilka laga tuuro madaxweynihii hore ee dalkaas Cumar Xasan al-Bashiir sanadkii 2019.
Dagalo ayaa sidoo kale hore u aasaasay maleeshiyaad dowladdii Bashiir taageersanaa oo lagu magacaabo Janjaweed, taasoo mar dambe isu beddeshay RSF.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxa uu ka soo jeedaa gobolka fog ee ku yaal Galbeedka dalka Sudan, halkaas oo siyaasadda, ganacsiga, iyo colaadduba ay isku dhafan yihiin.
Ninkan oo hormuud u ah siyaasadda dalka Sudan, ayaa horay uga ganacsan jiray geela, kaas oo dagaal u arka fursad uu noqon karo nin hodan ah oo awood badan.
Mohamed Hamdan Dagalo, oo loo yaqaan "Hemeti", wuxuu ahaa ninka labaad ee ugu sarreeya militariga hayay talada dalka Sudan, kahor inta aysan kala jebin.
Balse dhab ahaantii, Hemeti, oo yaraantiisii Iskuulka ka saaqiday ayaa haatan loo arkaa ninka ka dambeeyey rasaasta ka dhacaysa Khartoum.
Dagaal oogahaan ka soo jeeda gobolka Darfur ayaa xukuma kumanaan ciidan ah oo ka mushaar badan kana qalab wanaagsan ciidamada caadiga ah ee Suudaan.
Waxa uuna haystaa lacago fara badan oo uu ku maalgaliyo maleeshiyaadkaas - waxa uu leeyahay goobo laga qodo dahabka oo ku yaal buuraha macdanta hodanka ku ah ee Suudaan, waxa uuna ku tiirsan yahay saaxiibbo uu ku leeyahay Sacuudi Carabiya iyo xulufo kale oo Khaliijka ku sugan.
Sidee buu ku helay jagadaan?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Jidka uu Hemeti xukunka ka soo fuulay ayaa soo bilowday sannadkii 2003-dii, kaddib markii qabaailka Afrikaanka ah ee madoow ee ku dhaqan gobolka Galbeed ee Darfur ay hubka qaateen oo ay xukuumadda ka soo horjeesteen.
Ciidmada Suudaan ayaa halgan u galay sidii ay uga hortagi lahaayeen dagaalkooda ku salaysan ku dhufo oo ka dhaqaaqda, waxa ayna bilaabeen in ay qortaan maleeshiyo Carab ah oo loo yaqaan "Janjaweed" - oo macnaheedu yahay "Jinkii hubka qaatay ee fardaha saarnaa".
Waagaas, Hemeti waxa uu ahaa nin dhalinyaro ah oo 20 jir ah.
Hameti adeerkiis Juma Dagolo, waa hoggaamiyaha qabaa'ilka Carabta ah ee ku teedsan xuduudda u dhexaysa Chad iyo Sudan.
Sannadihii u horreeyey ee khilaafka, Hemeti waxa uu waaardiye ka ahaa kolonyada ganacsiga ee Darfur, halkaas oo uu xoogaa hanti ah ka helay.
Hoggaamiyahaas dhalinyarada ah waxa uu gacan ka agaystay dar dargalinta dagaalyahannada Janjaweed.
'Gaashaankeyga'

Xigashada Sawirka, Getty Images
Markii madaxweynihii hore al-Bashiir uu doonayay in laga caabbiyo cadowgiisa muddadii 30-ka sano ee uu xilka hayay, wuxuu Dagalo u doortay ninka ka difaaca cadowgaas. Isagoo ka helay xirfadaha dagaal ee ninkan, ayuu Bashiir miciin-biday si uu garab uga siiyo la dagaallanka cadowgiisa gobolka Darfur iyo qeybaha kale ee Suudaan.
Maleeshiyaada Dagalo ayaa la sharciyeeyay waagaas. Waa la dallacsiiyay waxaana loo fasaxay inuu la wareego meelaha dahabka laga qodo ee Darfur. Markii ay Suudaan sii galeysay xasarado dhaqaale oo is xigxiga, Dagalo hantiile ayuu sii noqonayay.
Mar ay BBC-du wareysi la yeelatay wuxuu yiri: "Ma ihi ninkii ugu horreeyay ee leh goobo dahabka laga qodo. Waa run, waan leennahay goobo dahabka laga qodo mana jiraan wax naga hor istaagaya inaan ka shaqeyno dahabka".
Dagalo ayaa sidoo kale saaxiibbo awood badan ku leh Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta kadib markii ciidamada RSF uu u diray inay ka mid noqdaan xulafada Sacuudiga ee ka dhanka ah mucaaradka ay Iiraan taageerto ee Yemen.
Kadib sanado uu taageerayay Bashiir, Dagalo ayaa sanadkii 2019 ka qeyb qaatay xukun ka tuuriddiisii, kaas oo wajahay cadaadis bulshada uga yimid oo lagu doonayay dimuqraadiyad iyo isbeddel dhaqaale.













