Sheekh Shariif oo wareysi gaar ah siiyay BBCda kana hadlay doorashooyinka iyo khilaafaadka siyaasadeed ee jira

Iyadoo Labo toddobaad oo kaliya ay inaga xigto waqtiga ay dhacayso doorashada tooska ah ee qof iyo cod ah ee golayaasha deegaanka ee caasimadda Muqdisho, ayey noqonaysaa markii ugu horreysay muddo ka badan konton sano oo doorashadaasi laga qabto gobolka Banaadir.
Ururrada siyaasadda qaarkood oo uu ku jiro kan dawladda ayaa gudbiyay liisaska murashaxiintooda uga qaybgalaysa doorashada, laakiin hoggaamiyaasha waaweyn ee mucaaradka ayaa qaadacay doorashadaas oo ay ku tilmaameen mid aan loo marin hannaankii saxda ahaa, iyagoo ku baaqay in dawladdu ku soo laabato xayndaabka sharciga ah.
Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan ayaa waraysi gaar ah la yeeshay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hadda ka mid ah hoggaamiyayaasha Gole la magac baxay Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin Madasha Samatabixinta iyo Maamullada Puntaland iyo Jubaland.
Wareysigaas ayuu Sheekh Shariif uga hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin doorsahada qofka iyo codka ah taas oo ku dhaliilay sida ay dowladda u waddo doorashaadaas.
Sheekh Shariif waxa uu aaminsanyahay in dooarashada ay dawladdu sheegtay aanay ahayn doorasho dhab ah oo qof iyo cod ah oo dadka soomaaliyeed ay ku dooranayaan madaxdooda.
Fadlan halkan riix oo ku soo biir janalka WhatsApp ee BBC Somali si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey ee caalamka, iyo kuwa gobolka
Madaxweynihii hore Sheekh Shariif ayaa sheegay in doorasho ay ka bilaabto heshiis iyo amni iyo hanaan heshiis ah oo ka hirgalo dalka isagoo sheegay in amniga dalka uu meel halis ah marayo.
Waxa kale oo uu sheegay si ay doorasho u dhacdo in loo baahan yahay Guddi Qaran oo heshiis lagu yahay kaas oo leh kartidii iyo hufnaantii loo baahnaa "Guddigan hadda jira waa guddi ay kooxi soo magacaabatay oo aan heshiis lagu ahayn" ayuu yiri Sheekh Shariif oo intaas ku daray in ololaha doorashada ee ka socda Muqdisho in hal xisbi oo JSP la yiraa uu sameeyo.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sheekh Shariif ayaa dowladda ugu baaqay in si khilaafaadka looga fogaado in ay la timaado hanaan wanaagsan oo ay dooarshadu ku dhici karto.
Hase yeshee dooddaasi Sheekh Shariif mid ka duwan ayaa waxa qaba dawladda Soomaaliya taas oo ah in muddo xileedka afarta sano ah ee loo igmaday in ay doorasho qof iyo cod ah ka qabato dalka, iyadoo ku doodeysa in dhammaan xeerarkii iyo shuruucddii loo baahnaa ee doorashada la ansaxiyay oo la marsiiyay Baarlamaanka uu Sheekh Shariif ka tirsan yahay haddana la joogo xilligii ay doorashadu dhici lahayd.
Maadaama intaas oo hannaan ah lasoo maray oo baarlamaankii aad ka tirsaneyd uu ansixiyay waa maxay sababta aad ku diideysid doorashada ayaan weeydiinay Sheekh Shariif oo su'aashaasi kaga jawaabay "in Baarlamaanku habka uu ku ansaxiyay xeerarkaasi aanay sax ahayn oo kooramku aanu dhameystirney.
"Waxyaabaha la yaabka leh waxa ka mid ah qoddobo mabaadii' ah oo aan la ogoleyn in uu Baarlamaanku ka hadlo ama uu wax ka beddelo ayaa wax laga beddelay" ayuu yiri sheikh Shariif oo intaasi ku daray in arimahaasi oo dhan ay noqdeen kuwa khilaafaad abuuray.
Sheekh Shariif waxa uu sheegay in qoddobada la beddelay iyo kuwa la rabo in lagu galo hannaanka doorashooyinka ay tahay in ay is raacaan "markii aan ku niri aan ka wada hadalno nidaamka doorsahada madaxweynuhu waxa uu ku adkeystay in aan waxba laga beddeleynin" ayuu yiri Sheikh Shariif oo intaas ku dray "in qoddobada dastuurka ee la beddelay oo aan hanaankii doorashada ee ka dhashay la beddelin waxa is beddelay aanay jirin".
Sheekh Shariif ayaa qaba in madaxweynuhu uu isagu khilaafka abuuray isaga dhankiisana uu heshiisku ka socon waayey.
Mar la weeydiiyay Sheekh Shariif in siyaasiyiintii kale sida Cumar Cabdirashiid iyo qaar kale ay heshiiska ogolaadeen laakin dadka qaar ay u arkaan in Sheekh Shariif iyo siyaasyiinta kale ee diidan aanay heshiis rabin ayuu kaga jawaabay in haddii aanu heshiisku naga go'neyn in aanay jirin sabab aan shan maalmood madaxtooyada u tagno oo aan u fadhino "Saaxibadeen heshiis waa gali karaan xaq ayeey u leeyihiin" laakin aragtida lagu soo kala tagay waa la wada fadhiyay kadibna iyaga waxa u soo baxay in ay go'aan kale qaataan".
Sheekh Shariif ayaa sheegay in ay aragtidaasi ka wada hadleen kadibna ay u sheegeen in ay fasaxan yihiin hadii ay aragti ka soo baxday .
Tan iyo markii Carta dawladda dib loogu soo dhisay 25 sano ka hor dawlad kasta waajibkeeda waxa uu ahaa in doorasho qof iyo cod ah la qabto, 25 sano kadib weli waxa aad ku adkeysaneysaan in aadan dooarsho qof iyo cod ah aadin, soow lama dhihi karo halkaas dowladdu waa idiinka saxantahay ayaan weeydiinay Sheekh Shariif.
Wuxuu kaga jawaabay in "marka hore loo baahan yahay in yoolka loo socdo iyo hanaanka lagu gaarayo yoolkaasi la kala saaro".
"Weli dalkan waxa lagu shaqeeyaan nidaamka 4.5, hanaanka dib u heshiisiinta marka uu dhamaado waa in la dhiirigeliyaa hanaanka xisbiyada badan" ayuu yiri Sheekh Shhariif oo intaasi ku daray in markaasi Ka dib laga dooddo sida ay doorshada dhaceysaa ay u noqon lahayd mid hufan oo aan dadka soomaalida dhexdooda aan dhibaato ku keenin.

Goorma ayuu Sheekh Shariif doonayaa in ururkiisa uu xisbi u beddelo
Sheekh Shariif waxa uu sheegay in ururkiisa ama xisbigiisu uu la mid yahay xisbiyada kale laakin ay sugayaan in amniga wax iska beddelaan oo dalkana ay ka dhacdo dib u heshiisiin dhab ah. Sheekh Shariif waxa uu sheegay in la yiraa meelaha qaar doorasho ayaa ka dhici karto meelaha qaarna kama dhici karto ma wanaagsana .
"Dadka Soomaaliyeed dhamaantood waxa ay xaq u leeyihiin in ay doorasha galaan dowladduna waa in ay keentaa hannaan doorasho oo qof walba u suura gelin kara in uu doorashada ka qeeyb qaato" ayuu yiri Sheekh Shariif oo intaas ku daray in magaalada Muqdisho la rabo in lagu abaalmariyo iyadoo duruufo badan soo martay doorasho gacan maroojis ah.
Mar uu ka hadlayey isbaheysiyada siyaasadeed waxa ay ku kala duwan yihiin waxa uu sheegay in Madasha Samabtixinta ay ku mideeysan yihiin siyaasyiinta ku jira kuwaas oo la midoobay labo maamul goboleed oo iyaguna aragti ahaan dhinaca doorashooyinka nagu aragti ah, "labada maamul goboleed iyo madasha ayaa iskugu imaanaya Golaha Mustaqabalka".
Shirka Kismaayo iyo Cidda ka qeyb galeysa
Sheekh Shariif oo ka hadlayey shirka lagu wado in uu ka dhaco Kismaayo ayaa sheegay in shirkaasi ajendihiisu uu yahay in la helo aragti dadka Soomaaliyeed ay ku mideeysan yihiin iyo hanaan doorasho oo hufan oo suuragal ah, keeni karana wax ka wanaagsan wixii ka horeeyay ee ah in khilaafaadka lagu xalliyo.
Sheekh Shariif oo ka hadlayey cidda ka qeeyb galeyso shirkaas ayaa sheegay in ay ka qeeyb galayaan Golaha Samatabixinta iyo ciddii kale ee loo arko in ay mudan tahay in ay timaado.
Mar la weeydiiyay in Siyaasiyiin ku jira Golaha Samatabixinta ay diiddan yihiin in madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka qeeyb galo shirkaas waxa uu kaga jawaabay in shirka Golaha Mustaqbalka ay tagayaan sedex qeeybood madasha samatabixinta iyo Maamulada Puntland iyo Jubaland laakinse shirka guud ee Soomaalida cidna looma diidi karo.
" Qof kasta oo qiime leh ama madaxweyne hore ha noqdo ama cid kale ha noqoto cidna looma diidi karo" ayuu yiri Sheekh Shariif.
Sheekh shariif ayaa qaba in khilaafaadkan jira oo dastuur ama doorashooyin leh in ay u heystaan in ujeedada laga leeyahay ay tahay muddo kororsi, hase yeeshee madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa marar badan sheegay in aanu dooneyn muddo kororsi, muddo xileedkiisana waxaa ka dhiman ku dhawaad lix bilood.
Mar la weeydiiyay Sheekh Shariif nooca doorasho ee ay doonayaanayaan haddii tii qofka iyo codka ahayd ay diiddan yihiin ayuu kaga jawaabay "Doorashada aan ka hadleynaa waa mabaadii' iyo inay ka fiicnaato tii hore iyo doorasho musuqmaasuqeedu uu yar yahay" ayuu yiri isagoo intaas ku daray in doorashooyinkii la soo dhaafay musuqmaasuqoodu uu aad u badnaa.













