Wax ka ogow 10 ka waddan ee Afrika ee lagu leeyahay deynta ugu badan

Xigashada Sawirka, (Photo by John van Hasselt/Sygma via Getty Images)
Deynta Afrika ayaa ah xuddunta walaacyada hoggaamiyeyaasha qaaradda. Bishii Maajo ee la soo dhaafay, Midowga Afrika wuxuu qabtay shirkiisii ugu horreeyay ee ku saabsan deynta dowladaha ee Lomé.
Intii lagu guda jiray shirkaas oo ka dhacay caasimadda Togo, waxaa la ogaaday in in ka badan 20 waddan oo Afrikaan ah ay ku jiraan xaalad deyn culus.
Sida uu sheegay Clever Gatete, Xoghayaha Fulinta ee Guddiga Dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee Afrika (ECA), deynta dibadda ee qaaradda ayaa gaareysay qiyaastii $1,860 bilyan sanadkii 2024, taas oo ka badan $1,000 bilyan marka la barbardhigo toban sano ka hor.
Folkaanadan cajiibka ah ee deymaha ayaa khatar sii kordheysa ku haysa dhowr dal oo ku yaal qaaradda in ay ku dhacaan dayn-bixin la'aan.
Deyn bixiyaasha rasmiga ah ee ee dalalka Afrika waxa ka mid ah Bangiga Adduunka, Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF), Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB), Shiinaha, iwm.
Marka laga reebo deyn-bixiyayaashan rasmiga ah, suuqa caalamiga ah ayaa ah bixiyaha labaad ee ugu weyn ee lacagaha loo la siiyo dalalka Afrika.

Xigashada Sawirka, Reuters
Qaaradda oo uu kusii kordhayo culayska deymaha
Sida laga soo xigtay xogta IMF (Oktoobar 2025), kororka saamiga deymaha ee GDP-ga waxaa hogaaminaya Suudaan (272%), ka dibna Senegal (128%), Zambia (115%), iyo Cape Verde (111%).
Dhawaan, koox ka kooban 25 khabiir oo madaxbannaan, oo ay ku jiraan Kevin Urama, Madaxa Dhaqaalaha ee Kooxda AfDB, ayaa soo saaray warbixin ku saabsan deymaha. Waxaa shir guddoominayay madaxweynaha Koonfur Afrika oo ka tirsan G-20, kooxdan oo uu guddoomiye u yahay Wasiirkii hore ee Maaliyadda Koonfur Afrika Trevor Manuel ayaa ku baaqay Deyn cafis si wadajir ah iyo kordhinta maalgelinta horumarineed ee Afrika'.
"Waxa ay Afrika la kulmeyso ma aha dhibaato kaliya oo deymaha ah; waa dhibaato horumarineed," ayuu yiri Clever Gatete, maadaama dalal badan oo Afrikaan ah, miisaaniyadda loogu talagalay caafimaadka, waxbarashada iyo kaabayaasha dhaqaalaha ay saameyn ku yeelanayaan adeegga deymaha ee aadka u ballaaran.
Halkan waxaa ku qoran 10-ka waddan ee ugu deynta badan Afrika. Qiimeyntan waxaa lagu saleynayaa kaliya saamiga deymaha lagu leeyahay GDP-ga.
1- Suudaan
Suudaan, oo dagaal sokeeye muddo sannado ah ku jirtay, waxa ay la kulmeysaa dhibaato dhaqaale iyo maaliyadeed oo ba'an. Dalka waxa uu ku jiraa culays dhanka deymaha ah, iyadoo deynta dawladdu ay gaartay 253% GDP sanadkii 2023 sida laga soo xigtay xogta IMF. Deynta badankeeda waa mid dibadda ah, gaar ahaan waxa iska leh lammaanayaasha laba-geesoodka ah, gaar ahaan dalalka Khaliijka iyo xubnaha Kooxda Paris.
2- Senegal

Xigashada Sawirka, (Photo by Sylvain Cherkaoui/Anadolu Agency via Getty Images)
Kiiska Senegal hadda waa la yaqaan. Sida ku xusan warbixin uu soo saaray bankiga Ingiriiska ee Barclays, Senegal waxay leedahay deyn guud oo gaareysa ku dhawaad 23,500 bilyan oo franc CFA ah, ama ku dhawaad 47.2 bilyan oo doolar. Deynta weyn waxay u dhigantaa 119% wax-soo-saarka guud ee dalka (GDP), taas oo ka dhigaysa Senegal dalka labaad ee ugu deynta badan qaaradda Afrika.
Waxaa muhiim ah in la ogaado in tiradan ay quseeyso keliya deymaha dowladda dhexe. Deynta la mideeyay ee hay'adaha dadweynaha waxay gaareysaa wadarta 132% ee GDP.
3- Zambia
Daynta waddankan Koonfurta Afrika waxaa lagu qiyaasay $21.4 bilyan dhammaadka 2024, sida laga soo xigtay Sanduuqa Lacagta Aduunka (IMF). Si kastaba ha ahaatee, warbixinta IMF ee la daabacay bishii Agoosto ee la soo dhaafay waa mid togan. Waxaa la filayaa in daynta guud ay gaarto 91.1% ee wax-soo-saarka guud ee dalka (GDP) dhammaadka 2025, iyadoo ay ka hooseyso 114% ee GDP-ga 2024.
6- Cape Verde

Xigashada Sawirka, Photo: Martin Zwick/REDA/Universal Images Group via Getty Images)
Waxa uu ku yaal Badweynta Atlantic-ka ee xeebta Senegal, Cape Verde, oo ka mid ah dalalka xubnaha ka ah ECOWAS (Bulshada Dhaqaalaha ee Dalalka Galbeedka Afrika), sidoo kale waa dal si aad ah u deymeeysan Afrika. Inkastoo deymaha guud ee dalkaasi hoos u sii dhacayaan laga bilaabo 127.5% ee GDP sanadkii 2022 ilaa 114.0% sanadkii 2023, haddana waxay ka sarreysaa xadka 100% ee GDP, iyadoo sanadkii 2024 ay taagan tahay 109.4% ee GDP sida laga soo xigtay xogta ka timid EBID (Bangiga Maalgashiga ECOWAS).
5- Jamhuuriyadda Congo
In kasta oo deymaha Jamhuuriyadda Congo ay hoos u dhacayaan, laga soo bilaabo saamiga deymaha ilaa GDP ee 103.6% sanadkii 2020, ilaa 93.6% sanadkii 2024, haddana heerkeeda hadda ayaa weli ah mid welwel u leh dalka saliida hodanka ku ah ee Bartamaha Afrika.
Sida laga soo xigtay IMF, saamiga gudaha ee deymaha ayaa kordhay, taas oo ku ku kordhineysa cadaadis ku saabsan dib-u-maalgelinta iyo lacagta la hayo. Adeegga deymaha ee suuqa gobolka ayaa qabsaday ku dhowaad kala bar dakhliga miisaaniyadda dhamaadka sanadkii 2024.
6- Mozambique

Xigashada Sawirka, Photo by Orhan Pehlul/Anadolu via Getty Images)
Mozambique waa mid ka mid ah waddamada ugu deynta badan qaaradda. Dhamaadka sanadkii 2024, deymaha Mozambique waxaa lagu qiyaasay $16.238 bilyan.
7-,Egypt

Xigashada Sawirka, Photo: Khaled Desouki/AFP via Getty Images)
Deynta guud ee Masar ayaa ka koobnayd ku dhawaad 83% GDP-ga sanadka 2024 sida laga soo xigtay xogta Bangiga Dhexe ee Masar. Kaliya qeybta hore ee sannadka miisaaniyadda 2024/2025, bixinta deymaha dowladda ayaa ku kacday $21.3 bilyan, taas oo cadaadis weyn saartay kaydka lacagaha qalaad, sida uu IMF ku xusay Oktoobar 2025.
8- Malawi
Iyada oo saamiga deymaha ee GDP uu yahay 88%, Malawi waa dalka 8aad ee ugu deyn badan qaaradda sida laga soo xigtay xogta IMF. Waxay ku taallaa koonfurta Afrika, dalka wuxuu leeyahay aag dhan 118,480 km2 iyo dad tiradoodu tahay 22,729,000. Sanadka 2024.
9- Mauritius

Xigashada Sawirka, (Photo by Lyvans Boolaky/Getty Images)
Mauritius waxay diiwaangelisay dayn gaareysa 88% ee GDP-ga sanadka 2024 sida laga soo xigtay IMF. Xitaa haddii uusan gaarin heerkii taariikhiga ahaa ee 91.90% ee GDP-ga sanadkii 2020, dayntan wali waa mid sareysa, mid ka mid ah dalalka ugu qiimeynta wanaagsan.
10- Guinea Bissau
Dalkan oo mar kale ku lug yeeshay qalalaase siyaasadeed ka dib afgambi joojiyay habka doorashada, Guinea-Bissau waxay ku sugan tahay xaalad deyn culus, sida ku cad falanqaynta wabixinada deynta oo ay diyaarisay IMF bishii Nofeembar 2024.
Deyn guud ayaa ee la qiyaasay ayaa gaaraysa 82.3% GDP-ga sannadkii 2024. Kaliya deymaha gudaha ayaa ka kooban 55.5% deynta guud (marka loo barbardhigo 44.5% deymaha dibadda) sannadkii 2023.
Deeyn buixiyaasha ugu waaweyn ee dalka ee deymaha dibadda waa Bangiga Adduunka (30.2%) iyo BOAD (Bangiga Horumarinta Galbeedka Afrika) (28.6%).













