Wixii xalay dhexmaray ICE iyo Soomaalida Maraykanka oo loogu galay guryaha iyo goobaha ganacsiga

Askari ICE oo Soomaalida u adeegsanaya gaaska indha ka ilmaysiiya

Xigashada Sawirka, Kali A Mohamed

ICE ayaa bilowday inay galaan guryaha iyo goobaha ay ku tuhmayaan inay ku sugan yihiin Soomaalida ay tuhmayaan inay sharci daro ku joogaan dalkaasi.

Soomaalida ayaa arrinta waxa ay ka muujiyeen walaac weyn, waxaana ay dhigeen dib bax ay uga hortagayaan howlagalada ay wado laanta ilaalada xuduudaha iyo kastamyada Maraykanka ee magacooda loo soo gaabiyo ICE.

Khalid Maxamed oo ka mid ah dhalinyarada ku kortay Mareykanka, islamarkana isaga iyo dhalinyaro kale oo si abaabulay ay dhigeen dibad baxa ka dhanka ah ICE ayaa BBC uga warbixiyay gaaska indhaha ka ilmaysiiya ee ay ciidamadu isaga iyo dadkii kale ee soo baxay u adeegsadeen.

''Waxa sababay in suntan indhaha ka ilmaysiisa ay igu shubaan markii aan ku mudaharaadnay oo aan isticmaalaynay firmbiga iyo inaga oo ku qaylinayna xaafada isaga baxa dad waxaa deggen muwaadiniin ah oo danyar ah oo dumar iyo waayeel ayaa u badan oo dadka aad raadinaysaan meeshan ma joogaan isaga baxa oo dhibaatada naga daaya''

Minneapolis

Xigashada Sawirka, Social

Intii ay howlgalka ay xaafada Soomaalida ay ku badan yihiin ay wadeen waxa ay qabqabteen dad badan oo Soomaali ah, gaar ahaan kuwa sharciga ku leh dalkaasi.

''Dadka ay maalmahan dhan qabanayeen waxaa u badan dad wadankan sharci ku leh, Maanta wiilasha ay qabanayeen waxaa kamid ah wiilal labaatan jiro ah oo muwaadiin ah oo wadankan iyaga oo yaryar yimid oo xaafada ceder deggan, waxaa kamid ah mid ay jeebeysteen oo gaariga ay gashteen oo markii dambe laga daba tegay oo la tusay sharcigiisii Maraykan inuu yahay, marka ay dadka ay qabqabanayaan waa dad wadankan ka ah muwaadiniin oo sharcigii buuxay ee (citizen)-ka ahaa haystay'' ayuu yiri Khaalid.

Khaalid ayaa aaminsan in ICE ay si gaar ah u beegsanayaan qof walba oo ay u arkaan ama ula muuqda Soomaali, isaguna uu kamid yahay dadka ay weydiiyeen kaarkiisa aqoonsiga.

''Aniga markii ay I weydiinayeen oo muuqaalka (Video)ga aad ka dhex maqlaysid labadaba waa I weydiiyay kaarka aqoonsiga (ID) iyo baasaboorka, dadkii kalana waa la weydiiyay, waana tan dhalisay in aan mudaharaadno, aniguna waan diiday, laakiin dad baa baasaboorkooda dhiibay, anigu waan diiday mana u oggolaan, waxaana ku dhahay waxba igama heleysiin macluumaadna idinma siinayo.

Goobaha ganacsiga iyo meelaha kale ee la isugu yimaado ayay ciidamada ICE beegsanayaan, waxaa kordhay cabsida soo wajahday ''Waxaan la sheekeysanayay ganacsatada karmel iyo 24 waxa ay ii sheegeen tusaale ahaan ganacsade ku leh karmel maqaaxi shaah oo aad dhalinyartu u imaan jirtay, saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ma jirto cid macmiil ah oo u timid, ayna taasi ku kaliftay inuu maqaaxidii xiro.'' Ayuu yiri Khaalid.

Khaalid oo kamid ah dhalinyarada u dhaqdhaqaaqa Soomaalida ayaan wax ka weydiinay cabsi inay soo wajihi karto maadaama cidda ay ka hortagayaan ay ciidamo hubyasan ''Wax cabsi ah haba yaraatee iguma jirto Illaahay uun baan ka cabsadaa, laakiin cabsida jirta waxa waaye oo haddii maanta ay wax samayn karaan inay ku wax yeelayn karaan, waa dad sharcigii isticmaalaya oo haysta awood federaal ah dhibaaato badan beey kuu keeni karaan. Anagu sharciga dastuurka ayaan ku taaganahay cabsina kama qabno.