Dhegeyso: Suuqyada Soomaalida ee Minneapolis oo haawanaya

Qoraalka Codka, Trump ayaa dhowaan sheegay inuusan dooneyn in "Soomaalida ay dalkiisa sii joogaan"
Dhegeyso: Suuqyada Soomaalida ee Minneapolis oo haawanaya

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu madaxwaynaha Maryekanka Donald Trump uu si kulul u weeraray Soomaalida gobolka Minnesota oo uu sheegay in ay dowladda ay tallaabo ka qaadi doonto ayaa waxay arrintan qalqal ku abuurtay Soomaalida halkaasi ku dhaqan, gaar ahaanna goobaha dukaamada.

Suuqa Soomaalida ee Karmel, oo ka mid ah meelaha ugu mashquulka badan ee ganacsiga Soomaalida Minnesota, ayaa ka mid ah meelaha sida tooska ah looga dareemay saameyn culus tan iyo markii ay billowdeen qabqabashada ay wadaan ciidamada ICE.

Falkan oo si lama filaan ah u dhacay ayaa beddelay dhaq-dhaqaaqii maalinlaha ahaa ee suuqan, kaas oo aad hoos ugu dhacay isla markaana abuuray cabsi ballaaran oo bulshada dhexdeeda ah.

Lifaaa kore ka dhegeyso warbixinta weriye Siyaad Siciid Saalax uu kasoo diray Minneapolis: