"Waa nala khiyaameeyay": Soomaalidii u codaysay Trump oo ka hadlay dareenkooda sida uu hadda yahay.

Xigashada Sawirka, CBS News
Salmaan Fiqi oo ah nin Soomaali ah oo ku nool Maraykanka ayaa dalkan yimid sannadkii 2009-ka. Bishii July ee sannadkii hore, Salmaan Fiqi wuxuu safka hore kaga jiray ololaha Trump ee doorashada madaxtinnimo isaga oo ka qaybgalay isu-soo-bax ka dhacay St. Cloud, Minnesota.
Keliya uma uu codayn in Trump uu madaxweyne noqdo, balse waxa uu si la yaqaan uga qayb qaatay ololihii doorashada madaxtinnimo ee dhacay sannadkii la soo dhaafay.
Waxa uu sheegay in uu ku faraxsanaa oo kuna faani jiray taageeridda Trump in uu mar kale xilka ku soo laabto. Isla wakhtigaasi deriskiisa iyo dadka uu yaqaannaba u sheegi jiray in ay u codeeyaan Trump. Lakaiin hadda waxa uu warbaahinta Maraykanka u sheegayaa in uu beddelay mowqifkiisii hore.

Xigashada Sawirka, Facebook
Salmaan waxa uu sheegay in ficillada gobolka ay Soomaalidu ku badan tahay loogu daabulayo ciidanka ICE ay yihiin waxyaabo uu aad ula yaabban yahay.
"Waxaan dareennay khiyaano uu nagu sameeyay madaxweynaha, annaga oo qayb ka hayan ololihiisa in uu madaxweyne nioqdo," ayuu yidhi Fiqi.
Warbaahinta CBS News ee wada shaqaynta la leh BBC-da ayaa werisay in ciidanka ICE ay bartilmaameedsanayaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinka Minneapolis iyo St. Paul, kuwaas oo haysta amarro kama dambeys ah oo masaafurin ah; hase yeeshee, Mr. Trump ayaan samayn kala sooc noocaas ah intii lagu jiray shirkii golaha wasiirrada ee dhacay Salaasadii, balse taa beddelkeeda wuxuu yidhi: "Ma rabo [Soomaalidu] in dalkeenna joogaan."
"Kala saar xumaanta iyo samaanta"

Xigashada Sawirka, Hiiraan Online
Maxamed Amiin Axmed waa Soomaali kale oo deggan Maraykanka. Isaga oo la hadlayay warbaahinta CNN ayaa waxa uu u sheegay in uu aad ula yaabban yahay hadallada Trump ee ku aaddan Soomaalida Maraykanka iyo sida uu ugu hungoobay filashooyin dhowr ah oo uu ka qabay madaxweynahii uu ka qayb qaatay ololihiisa.
"Mudane madaxweyne, waan kuu ololaynay. Rajo ayana kaa qabnay. Fadklan, kala saar xumaanta yo samaanta."
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waa nin Soomali ah oo u codeeyay Donald Trump doorahadii madaxtinnimo ee ka dhacday dalkaas sannadkii la soo dhaafay.
Dhawaan ayay ahayd markii madaxweynaha marka labaad talada ku soo laabtay ee Trump uu Soomaalida ku nool gobolka Minisota ku tilmaamay qaar wax-ma-tarayaal ah oo ka shaeeya wax-is-daba-marin isaga oo u adeegday eraga ah in ay 'qashin' yihiin.
Hadalladiisa waxa ka dambeeyay howlgal lagu sheegay in lagu qabanayo dadka laga soo saaray amarro masaafuris ah oo ku sugan gobolka Minneapolis, halkaas oo ay ku nool yihiin dad badan oo asal ahaan Soomaali ah.
Mas'uuliyiinta magaalada Minnesota ayaa cambaareeyay qorshahaas, iyagoo ku doodaya in ay suuragal tahay in si khalad ah loo qabto muwaadinin Maraykan ah oo laga yaabo in ay u muuqdaan kuwo ka yimid dalka Soomaaliya.
"Waxaan haystaa shan carruur ah. Carruuraydu qashin ma aha. Waxaan u ololeeyay madaxweyne Trump 2024-kii. Maalyiin dad ah ayaan cod uga raadinnay. Waxaan aamminsanayn in uu wax ka qaban doono waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin la dagaallanka maandooriyaha iyo hagaajinta heerka nolosha ee dadweynaha. Wax-ka-qabashada xadgudubyada ayaa iyaguna ahaa kuwo muhiim ah. Waxaan rumaysnaa in uu Trump xal u yahay waxyaabahaas oo dhan. 25 sano ayaan taageero u ahaa Xisbiga Jamhuuriga," ayaa uu yidhi Maxamed.
'Jamhuurigii aan u codaynnay nama difaacin'

Xigashada Sawirka, Sheekh Tawakal Ismaaciil
Imaam Tawakal Ismaaciil oo ah wadaad deggan Minnesota ayaa isaguna ka mid ah dadka sida cad uga baxay wada shaqayntii uu lahaa xisbiga Jamhuuriga ee heer degmo iyo heer qaranba. Fiidkii Isniinta ayuu soo saaray bayaan uu ku muujinayo niyad-jab ku aaddan in Jamhuuriyiinta Minnesota aanay si cad u difaacin bulshada Soomaaliyeed kaddib hadalladii uu jeediyay madaxweynaha.
"Waxaan filaynay hoggaan u istaaga runta iyo caddaaladda. Taasina may dhicin," ayuu yidhi imaamku.
Soomaalida ku dhaqan gobolka Minnesota ayaa wajahaya cabsi iyo argagax kaddib markii madaxweyne Trump uu ku tilmaamay dad aan lag arabin Mareykanka in ay sii joogaan .
Dawlwadda Mareykanka ayaa wadda qorshe ay ku qabqabanyso dadka sharci la'aanta ku jooga dalkaasi ee Soomaalida ah, kuwaas oo ciidamad Laanta Socdaalka ee ICE, loo yaqaanno loo adeegsanayo.
Dariiqyada, goobaha shaqada iyo xaruumaha caafimaadkaba ayaa dadka lagu beegsanayaa isla markaana lagu waydiinayaa su'aalo la xiriira waxyaabaha ay dalka ku joogaan.
Arrintaan ayaa abuurtay cabsi xooggan, iyadoo dhaqdhaqaaqa ganacsigu uu gaabis yahay oo dadku ay joogaan guryaha.
Dadka ayaa loogu baaqayaa in aysan albaabbada ka furin ciidamada magaalada wareegaya ee dadka waydiinaya sharciga.













